Waxad Moodaa Inay Taladu Seegtay( Madaxwaynaha) , Waayo Umadda Somaliland Oo Dhan Buu Dhex U Yahay Xibiga Dadka Ku Jiraana Waa Inay U Sinnaadaan
Prof.Axmed Ismaaciil Samatar .
Hargeysa:(Hubaal)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah siyaasiyiinta aqoonta durugsan leh ee Somaliland ud hashay kuna nool dalalka qurbaha, ayaa si faahfaahsan markale uga Hadlay xaaladda Khilaafkii Xisbiga Kulmiye iyo natiijada ka dhalatay, waxana uu hoos u dhigay xumadda xiisadii xubno xisbiga kamid ah dibadda ugu baxeen. Prof. Samatar oo qaar kamid ah warbaahinta ugu warramay carriga Ingiriiska, ayaa sharraxay noocyada khilaafka, waxana uu Xisbiga Kulmiye uga digay inaanu khilaafkoodu noqonin mid sii fogaada, “khilaafku waa laba kuwaas oo kala ah mid khafiif ah oo waxoogaa muran ah oo ku saabsan dad xalaal ah oo u tartamaya xafiisyada siyaasadeed ee Xisbi, taasina dhibaato ma laha, ka labaadna waa khilaaf aad u foolxun oo sun badani ku jirto wakhtiga uu socdana qadhaadh badan iyo yakh-yakhsi badan leh, guntiisuna dadka khilaafkaasi ka dhexeeyo iyo dalkaba dhibaato badan u keento. Ta hore na waa wax caadi oo dimuqraaddiyadda ayey ku jirtaa, laakiin ta labaad baa khatar weyn leh, Kulmiyena waa xisbiga waddanka u taliya oo talada soo hayey, maantana waa inaanu tartankaasi noqonin mid suni ku jirto oo isagana kala daadiya.”ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar. Proffesor-ka oo hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah uga hadlay xubnihii wasiirrada ahaa ee dhawaan xukuumadda ka dareeray, waxana uu duray inuu madaxweynuhu dhinaca saaray dhan ka mid ah dhinacyadii Musharraxnimada xisbiga isku hayey, waxana uu yidhi,“aniga waxa ay ila muuqataa waxad moodaa inay taladu seegtay, waayo umadda Somaliland oo dhan buu dhex u yahay xibiga dadka ku jiraana waa inay u sinnaadaan, markaa madaxweynaha u haboonayd inuu dadka Xisbiga Doorashada ugu tartamayo inay qof walba u furnaato oo madaxweynuhuna inuu dhexdhexaad u noqdo, ayaa aniga ila haboon, halkaasna waxad mooddaa inay taladu madaxweynaha ka liicday oo khilaafkii dhinaca Dimuqraaddiyaddu inuu noqdo mid weyn oo qooman.” Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in wasiirradii is casilay dhibaato ku yihiin arrimaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye , “ Dadkii xisbiga dawladda hayey ka baxay ee wasiirrada ahi waxa ay muujinaysaa in halkaasi inay qoomantay dheecaankiisa iyo halka uu ku dambayn doontaana dhibaato weyn keento Xisbiguna haddii uu ka adkaan waayo dadka doorashada uga qaybgelaya si caddaaladi ku jirto wuu barriiqan oo inuu kala jajabo way suurtoobi kartaa, dad badan oo aan waraystay oo Xisbiga meelo sare kaga jira, ayaana warwarkaas qaba hadii aan la isweydiinin xisbiga maxaa dan u ah, dadka la doonayo inuu xisbigu hoggaamiyana maxaa u dan ah.”ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar. Waxa kale oo uu ka hadlay warar dhawaanahan soo baxayey oo sheegayey in Siyaasiyiinta kasoo jeedda Gobollada Sool iyo sanaag loo diiday inuu hoggaaminta dalka tartan u galaan, waxana uu tilmaamay inay dadkaasi xaq u leeyihiin inay dalka gadh-wadeen ka noqdaana, waxana uu yidhi, “reer sool xaq bay u leeyihiin inay doorashooyinka ka qaybgalaan oo ay isa soo sharraxaan dabadeedna ay umadda inteeda kale ku qanciyaan kartida ay hayaan, cid ka mamnuuci kartaana ma jirto, cid xisbig madax ka ahina waddanka ma laha, madaxweynena waddanka ma lahee dadkaa dalka iska leh, qofka sharraxaadda lagaga mamnuuci karaana waa inuu noqdaa qof dalka dembi ka galay ama wax kale lagu hayo.” Waxa uu Axmed Ismaaciil samatar ka hadlay sheekooyin bulshada dhexdeeda yaalla oo salka ku haya inay Somaliland hoggaaminteedu u xidhan tahay Beelo gaar ah, waxana uu meesha ka saaray arrintaasi, “mabda’aygu inta taagtaydu tahay wuu kasoo horjeedaa in waddan ama magaalo cid gooni ah u xidhnaato dadnimadana way kasoo horjeeddaa, markaa haddii la leeyahay Somaliland laba qolo oo Samarroon iyo Isaaq ah bay u xidhan tahay dee qalad weyn baa halkaas ku jira. Somaliland-na dad badan baa ku nool oo xaq u leh inay doorashada ka qaybgalaan, Somaliland-na ma noqonaysa meel la leeyahay labadaas qolo ayaa iska leh, taasina waa tii Somaliland baabi’isay haddii la qaatona khasaaraheedu wuxuu noqonayaa mid waddanka baabi’isa.”ayuu yidhi Profesorku. Waxa uu intaas ku daray,“Reer Somaliland waa inay iska ilaaliyaan wixii Soomaalida kale baabi’iyey haddii kale lama soconayo, haddii dadku garan waayaan dalka maxaa u dan iyo yaa ina wadi kara oo waa Reer Hebel markoodii iyo waxaas la aamino dhimashadii Somaliland markaa qarkay saaran tahay.” Waxa uu jawaab ka bixiyey su’aal laga weydiiyey xidhiidhka uu la leeyahay Xisbiga Kulmiye, waxana uu sheegay inaanu xidhiidhkaasi jirin,“Anigu kulmiye Albaabkiisa ma garaacin, casuumad iiga timina ma jirin, imikana waddo kale ayuuba xisbigii maray, aniguna inuu xisbigu noqdo mid xalaal ah oo haddii uu doorashooyinka ku guulaysto loogu barakeeyo haddii laga guulaystana cidda ka guulaysata loo barakeeyo, laakiin anigu Kulmiye kumana jiro, manaan gelin la iigumana yeedhine waxa ay iska ahayd sheeko magaalo iyo dhallinyaro malaha iska jeclaatay inaan xisbiga galo oo aan tartanka ka qaybgalo.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.