“Anigu Ma Ihi Nin Guryaha Ku Dhuundhuunta Kaambayn…Markaan Kaambeynka Galona Sanqadhaydu Aad Bay U Wayntahay Oo Ma Ihi Dadka Sanqadhoodu Hoosayso Ama Saameyntoodu Yar Tahay”

0
26

Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo ka hadlay damaciisa Hogaanka xisbiga uu ka tirsan yahay iyo musharaxnimada madaxweyne Siilaanyo dabadii

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xasan Xaaji Cali ayaa markii ugu horeysay shaaciyey hankiisa hoggaanka dalka, balse waxa uu sheegay in arrintan uu madaxweynaha haatan talada haya dabadii kala tashan doono saaxiibadii musharaxnimada xisbiga Kulmiye. Wasiir Xirsi oo maanta warbaahinta ugu waramay madaarka Cigaal ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Buur-madow,kaas oo boqorku ku sheegay in isaga (waa wasiir Xirsi-ye) iyo wasiirka duulista iyo hawada Maxauumed Xaashi aanay wax han musharaxnimo ah lahayn, waxana wasiir Xirsi oo amuurtan ka hadlayana uu yidhi “dee Boqorku wuxuu ka mid yahay boqorrada Somaliland, laakiinse marka ay timaado siyaasad, siyaasadu waxaynu u samaysanay xisbiyo ee reero umaynaan samaysan, markaa taasna waxa la isku waydiiyaa fagaarayaasha siyaasadaa guddoomiye ee xisbiga Kulmiye ayaa la isku hayaa. Dee aniga iyo Maxamuud Saaxii baanu nahay isma hayno, guddoomiyaha xisbigana anigu hadda uma sharaxni oo nin u sharaxan ma ihi” ayuu yidhi wasiir Xirsi.wasiir xirsi

Wasiir Xirsi Xasan Xaaji Cali ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey su’aal wariye Xamse Cali Bulbul weydiiyay, taas oo daarnayd warar muddooyinkii u dambeeyay bulshadu hadal hayntiooda isla dhex maraysay oo ahayd in wasiir Xirsi uu u taagan yahay musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye madaxweyne Siilaanyo dabadii, taas oo wariyuhu uu isla goobtaas ku weydiiyay wasiirka bal in uu sharaxan yahay madaxweyne Siilaanyo Dabadii. Waxana wasiir Xirsi oo ka jawaabayaa uu yidhi “Siilaanyo dabadii hadalkaaban hore ugu daray oo hadday gaadho oo aynu gaadho wakhtigaas oo wakhtibaa inaga xiga oo waxa la yidhaa “two weeks in Politics is too long” oo ah laba wiig oo siyaasadeed waa wax aad u dheer, wax dhici doona Illaahay baa yaqaan, se maalintaas wixii jooga markaan la tashado asxaabtayda iyo raga siyaasada waxanu wadaagno iyo dabcan madaxweynahayga aan la tashada wixii talo ah, waxan yeeli doono maalintaas ayaan sheegi”. Wasiir Xisri waxa kale oo uu wariyuhu waydiiyay su’aal ahayd bal waxa ka jira shirar-doceedyo aad adigu (wasiir Xirsi) iyo kulamo aad magaaladda Hargeysa ku soo bandhigayso hankaaga musharaxnimo oo aad leedahay madaxweynaha Dabadii waan sharaxanahay. Waxana wasiirku ku jawaabay “waxaan filayaa reer Somaliland-na way I taqaanaa, Xamsow adiguna waad I taqaan, nin kaambayn guryo ku dhuundhuunta ma ihiye, haddaan kaambayn galayana waan cadeeyaa, markaan kaambeynka galona sanqadhaydu aad bay u wayntahay oo ma ihi dadka sanqadhoodu hoosayso ama saameyntoodu yar tahay” ayuu kusoo gunaanaday wasiirku hadalkiisa.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka wasiirka:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here