“Anigu Ma Qabo In Xukuumaddii Aan Kamidka Ahaa Ay Sifo Sharci Darro Ah U Bixisay Haamaha, Haddii Uu Madaxweynuhu Dib Ula Soo Noqdayna…”

0
11

WAsiirkii Ganacsiga ee Xukuumaddii  hore Ahna Afhayeenkii Axmed Siilaanyo Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Saabsan digreetadii  Uu Madaxweyne Biixi Kula Soo Wareegay Haamaha

 “Madaxweyne Waliba Sida Uu Dawladdiisa U Hawlgalinayo Isaga Ayaa Xaq U Leh, Madaxweyne Biixina Sabab Uu Raadkii Macalinkiisii Siyaasadda U Tirtiraa Meesha Ma Taallo”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ahna afhayeenkii aqalka madaxtooyada ee hore Eng. Xuseen Aadan Cige, (Deyr) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida uu u arko go’aankii dhawaan uu madaxweyne Muuse Biixi dib ugu soo celiyey gacanta dawladda qaybo kamid ah hantidii qaranka ee madaxweynihii ka horreeyey ku wareejiyey shirkado gaar loo leeyahay, waxaanu arrintaasi ku macneeyey mid ka turjumaysa xuquuqaha uu madaxweynuhu u u leeyahay sida uu u jaangoynayo siyaasadda ay xukuumaddiisu ku hawl galayso, isaguna uu shakhsi ahaan soo dhawaynayo, taas badalkeeda se aanay ula muuqan mid [wareegtadaasi] baabi’inaysa raadkii ay ka tagtay xukuumaddii hore. “Shakhsiyan anigu waan soo dhawaynayaa sababtoo ah hantida guurtada ah iyo hantida ma guurtada ahba ee qarankani leeyahay wixii wax ka taraya baahiyaha aasaasiga ah, horumarka dhaqaallaha iyo guud ahaanba danaha muhiimka ah inuu madaxweynuhu ku dhiirrado waa arrin lagama maarmaan ah”. Sidaas ayuu yidhi Afhayeenkii aqalka madaxtooyada Somaliland ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayay Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), waxaanu intaa ku daray  inay jiri karaan is weydiimo ay bulshada qaybo ka mid ahi ka dhadhansan karaan asbaabaha uu madaxweyne Biixi gacanta ugu soo celiyey isla markaana u buriyey heshiisyo uu Madaxweynihii xilka ku wareejiyey la galay shirkado “dabcan dadka qaar baa is weydiin kara  oo odhan kara xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo ee aan anigu ka tirsanaa  waqtigaas haamaha la bixiyeyna qaybtii ugu dembeysay oo ahayd 25% aan anigu xilka wasiirka ganacsiga qabtay, xilligaas oo xukuumaddu goaansatay in hantida qaranka oo ahayd kaydka haamaha shidaalka lagu wareejiyo ganacsato reer Somaliland ah oo iyagu 100% maamulaan muddo shan iyo labaatan sanno ah. Anigu waxaan aaminsanahay in heshiiskaasi uu sifo sharci ah ku baxay dawladdu qandaraas bay la gashay ganacsatada maalgashatay oo lacag bay galiyeen, dariiqa ay u marayaan sidii ay lacagtooda ula soo ceshan lahaayeen iyo hadday looyarro qabsanayaanna waa arrin u taallaha qolada Berbera Oil Group”. Geesta kale Eng. Xuseen Deyr waxaa uu dib ula soo noqoshada hantida qaranka ee gacanta shirkadaha gaarka ah ku jirtay ku macneeyey mid madaxweynuhu xaq u leeyahay go’aan ka gaadhisteeda “Madaxweynaha hadda talada hayaa Md. Muuse Biixi Cabdi haddii uu u arkay in uu dib ugala soo noqdo taas macnaheedu maaha markii hore ayaa musuqmaasuq la galay. Aniguna ma qabo in xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee aan  kamidka ahaa ay sifo sharci darro ah  u bixisay haamaha shidaalka”.   Gebogabadii waxaa uu Eng. Dayr meesha ka saaray in ay jiri karaan sabab Madaxweyne Biixi ku kelifaysa in uu raadkii Macalinkiisii siyaasaddu ka tegey ku tirtiro “Madaxweyne Muuse Biixi waa madaxweynihii labaad ee xisbiga KULMIYE kasoo baxa, sabab uu Macalinkiisii siyaasadda oo ahaa Axmed Siilaanyo raadkiisii u tirtiraana meesha ma taallo, ra’yigaasna ma qabo anigu [laakiin] madaxweyne waliba isaga ayaa hanaankiisa siyaasadeed iyo siduu dawladiisa u hawl galinayo  isaga ayaa xaq u leh, haddii uu keydkii haamaha shidaalka iyo arrimaha madaarka dib u soo celiyeyna macnaheedu maaha raadkii hore ee Axmed Siilaanyo  ayuu tirtirayaa”. Ayuu yidhi afhayeenkii madaxweyne Siilaanyo Eng. Xuseen Aadan Cige Deyr oo shalay xog warran magaallada Hargeysa ku siiyey Telefishanka Eryal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here