“Mucaaradku Markay [Talada] Dalka Qabtaan In Cidda Kasoo Hor Jeedda Ay Jeelal ku guraan Ayaynu Sugaynaa Laakiin Siilaanyo……”
“….Madaxwaynaha waxa doortay Oo Aqlabiyada Siiyay reer KULMIYE, Laakiin Wixii Ay U Doorteen iyo Dawlad KULMIYE La Yidhaahdaa Ma Jirto, Oo Markii Xilka Loo Dhiibay [Madaxweynuhu] Waxa Uu Afkiisa Kaga Dhawaaqay In……”
Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Wasaarada Boosta iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inaanu Ka mid ahayn dadkii u codeeyay xisbiga iyo ka soo horjeday inuu xilka qabto Madaxwayne Siilaanyo. Wasiir Abgaal oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu ka dhabeeyey ballantii uu qaaday markii xilka loo dhaariyey, taas oo ahayd in uu madaxweyne u noqon doono kii taageeray iyo kii ka soo hor jeedayba. “Waxaan odhan lahaa Madaxwaynaha Somaliland waa Madaxwaynaha Qaranka Anigu Maan Dooran, waliba waan ka ololeeyay inaanu halkan iman Xilkan uu maanta hayana uuna Qaban, maanta waxaan u ahayn Wasiir inaan halkan ahaadana waan ka qab waynaa, ninka qajilsan oo adeer ka warwaraya mayihi, Madaxwaynaha waxa doortay KULMIYE, aqlabiyadana waxa siiyay reer KULMIYE, laakiin waxa ay u doorteen Madaxwaynaha qaranka, dawladda KULMIYE la yidhaahna majirto”. Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Madaxwaynahu markii xilka loo dhiibay waxa uu afkiisa kaga dhawaaqay cidii dooratay iyo ka aan dooranba Madaxwayne ayaan u ahay, waana uu fuliyoo aniga ayaa ka mid ah maanta inaan xilka hayo, inkastoo kaftana ha iga ahaatee kulmiye aanay wax badani igaga jirin Aakhirkiina aan ka tagay maan Dooran Anigu. Sidoo kalana, waxa aynu sugaynaa nimanka Mucaaradka ah marka ay xilka dalka qabtaan,cid ka soo horjeeda in ay rafaan, in ay jeelal ku guraan in ay ka qadaan Somalilandnimada markaas ayaynu sugaynaa laakiin Axmed Siilaanyo cidii ka soo horjeeday iyo Cidii Tageersanaydba Xilii ayuu u dhiibay,laakiin Wasiir walba waxa lagu qiimayn Doonaa waxa uu qabtay. Wasiir Abgaal waxa uu intaas ku daray “Xilka qaranka ayaan anigu hayaa, Lakiin wixii Awdal tabanaysay Xildhibaanada ayaa u hadlay,ana waxaan ka mid ahay dadka ay masuulka u yihiin marka ay gaadho hawlahaas,ana waxaan ku fadhiyaa digreeto madaxwayne,lakiin codkii dadka nimankaas aay ku fadhiya haday wax tabanayaan iyo haday wax saxayaan waa kuwii loo doortay adeer,wax waliba wixii ay qabtaan ee la gudboon waan ku raacsanay,anigu waxaan ahay shicibkooda, oo raga golaha wakiilada fadhiyaa waxaan ahay shicibkooda”.ayuu yidhi wasiirka boosaha iyo isgaadhsiista Somaliland.