“Anigu Muddo-Kordhinta Halla Iga Daayaan Leeyahaye Oo Waa La Igu Diiday”

0
26

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa ka Hadlay  natiijada kula uu shalay la qaatay Danjiraha Ingiriiska u fadhiya waddanka Ethiopia Mr Nail Wigaan oo  kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka, Guddoomiyaha Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland.

cirroGuddoomiye Cirro oo saxaafadda ugu warramay xafiiskiisa, ayaa tilmaamay inuu Danjiraha kala hadlay arimo u badan Mawqifka xisbigiisa ee arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo gaadhi lahaa doorasho aan muddo-dhaaf noqonin.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu Danjiraha u sheegay in Xisbiga Waddani uu Wada-hadal diyaar ula yahay cid kasta oo  ay ka go’an tahay in natiijo midho dhal ah lagu soo gunaanado muranka jira,

“Mawqifka xisbiga  oo ah in waddanka ay si nabadgelyo ah doorashooyin uga qabsoomaan Wakhtigii Komishanku u cayimay, waxana aanu u xaqiijinay in Xibiga waddani uu diyaar u yahay in wixii kale ee wada-hadal ah, ee qalbi furnaan ah ee laga wada hadlayo ee somaliland ku badbaadayso. Waxana  aanu u furanahay wixii xal ah ee qaranku ku badbaadayo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanu Guddoomiye Baarlamaan ahaan diyaar u ahayn in muddo-kordhin loo sameeyo, balse arrintaas laga diiday, waxana uu yidhi,

“Madaxweyne-yaasha marna may dhicin in muddo sanad ka badan hal mar loo kordhiyo, wayna dhacday in laba jeer oo sanad sanad ah loo kordhiyey.Anigu muddo-kordhinta halla iga daayaan leeyahaye waa la igu diidan yahay.”

Guddoomiye Cirro ayaa muujiyey sida ay uga Go’an tahay inuu ka qayb qaato wada-hadal natiiji fiicani kasoo bixi karto, waxana uu afkiisa ka sheegay inuu xushmaynayo ciddii arrintaas wax lagu qanci karo kasoo saari karta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here