Macnaha Weedh Duur-xullan Oo Feysal Cali Waraabe Ku Cabiray Xiisadda Fiintu Miranayso Ee Xisbigiisa Ka Dhex Oogan
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe oo in dhawaaleba safar dibadeed ugu maqnaa wadanka Angola ee Afrikada dhexe ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, isaga oo halkaas kaga qayb galay shir sanadle ah oo ay soo qabanqaabiyeen dallad ay ku bahoobeen axsaabta siyaasadda ee bidixda dhexe loo yaqaan kaasi oo xisbigiisu xubin ka yahay. Feysal Cali Waraabe oo markii uu ka soodegay madaarka Hargeysa ay ka hortageen soona dhaweeyeen madax dhaqameed uu kamid yahay boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo saraakiil ka tirsan xisbiga UCID, waxaa uu qolka nasashada ee madaarka ugu warramay warbaahinta isaga oo faahfaahiyey midhaha shirka uu ka qayb galay iyo sida looga soo qayb galay. Xogwarrankaas ka sokow waxaa uu guddoomiyuhu si afgaaban uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo musharraxa madaxweynaha ee xisbigiisa oo sida laga war qabo indhawaaleba fiiintu dhex miranaysay, kaasi oo uu si dadban uga hadlay. Ugu horeynse waxaa isaga oo sharraxaya shirka uu ka qayb galay guddoomiye Feysal Yidhi ““Shirkaan ka qayb galay waxaa uu ahaa shirka xisbiyada loo yaqaan bidixda dhexe ee oo ku midoobay dallad la yidhaahdo social dimocratics parties, waxaana ku jira oo xubno ka ah illaa boqol iyo kow iyo lixdan xisbi oo dunida ah, kuwaas oo konton kamid ahi ay yihiin xisbiyada talada haya ee dalalkaas xukuma sida xisbul xaakimka Sweden iyo faransiiska oo kale” sidaasi ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe oo faahfaahinayay qaab dhismeedka shirka uu ka qayb galay waxaana uu intaa kudaray “waxaa sanadkan yimi oo shirka ka qayb galay 144 xisbi, waxa lagaga hadlayayna waxaa ay ahaayeen uun dhibaatooyinka dalalka adduunka ka taagan maanta ha ahaato isbeddelka cimillada, qaxootiga, dhaqaalaha adduunka oo ay dadkii u kala baxeen in wax haysta iyo inaan waxba haysan”. Guddoomiyaha UCID waxaa uu ka war bixiyey haykalka dawladnimo ee dalka waqtigan marti geliyey shirkan oo ah wadanka angola, kaasi oo uu sheegay in waqtigii ay dhisnayd dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay wax badan ka caawisay dalkaas, “dalkani waxaa uu ahaa mid 17 sanno ku jiray dagaal, hase ahaatee immika nabad ku nool. Waxaa ay qani ku yihiin macdanta, waxaa ay dhoofiyaan Daimond-ka iyo shidaalka. Waxaa xusid mudan in berigii ay jirtay dawladdii soomaaliya gacan weyn bay ka gaysatay halgankii dalkaasi kula jiray Boortaqiiska oo gumaysanayay, sarkaakiil soomaali ah ayaa ka shaqayn jiray oo illaa hadda ay qaar magacyadoodii yaqaannaan, aad iyo aadna dadka soomaalida waa ay u ixtiraamaan”. Sidaasi ayuu Eng. Feysal yidhi, waxaanu intaa ku ladhay isaga oo ka hadlayay dadka dhalasho ahaan Soomaalida ah ee dalkaas ku dhaqan “Soomaalida dalkaas Angola joogtaa illaa saddex kun way gaadhaysaa illaa boqol waa reer Somaliland, inta kalena waa reer Soomaaliya, waxaanay ka shaqaystaan ganacsiga oo waa baayacmushtari, markaa arrintaas baan u tegey illaahayna wuu iga soo nabad celiyey”. Intaasi ayuu ku soo gunaannaday xog warankiisa. Intaa ka dib waxaa weriyayaashu isku dayeen in ay wax ka weydiiyaan xaallada siyaasadeed ee xisbigiisu ku sugan yahay, waxaase uu ku gaabsaday mar la weydiiyey khilaafka UCID in aanu isagu cidna aflegaadayn “Anigu nin weyn baan ahay, waxaan ka fekeraa qaranka Somaliland nidaamkiisa iyo wanaagiisa, oo danta guud baan ka hadlaa [laakiin] anigu cidna lama caytamo”. Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe.