“Anigu Runtaan Idiin Sheegayaaye Maamulkii Aan Madaxda Ka Ahaa Wuxuu Ka Shaqaynayey Sidii Loo Baabi’in Lahaa Wixii Hore Loo Soo Qabtay”

0
32

Shirweynaha Afraad ee Ururka Qareennada Somaliland Oo Shalay Furmay, Maantana Xidhmaya+Tiraabtii Guddoomiyaha Xilka Ka Degaya Ee SOLLA Ka Jeediyey Madasha

“Gari Allay Taqaanaaye Caddaaladda Waxaa Qaadi Kara Ciddii Ilaahay Taqaaanna, Garsoorna Waxaa Looga Baahan Yahay Inay Noqdaan Dad Ilaahay Yaqaana”

DSC000431-1024x683-1024x683Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha maxakamadda sare ee JSL ayaa shalay furay shirweynihii afraad ee ururka qareennada Somaliland ee SOLLA, kaasi oo shalay si rasmi ah uga furmay hotelka Maansoor ee magaallada Hargeysa. Shirweynahan oo maanta lasoo gebogabayn doono isla markaana lagu dooran doono hoggaanka ururkaasi waxaa furitaankiisa ka qayb galay  wasiirka wasaaradda caddaallada, xeer ilaalliyaha guud ee qaranka, guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, guddoomiyaha dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, xubnaha ururka SOLLA iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha muddadiisu dhammaatay ee ururka qareennada SOLLA Garyaqaan Foosi Sh. Yoonis oo furitaankii shirka hadal ka jeediyey ayaa ka warramay waayihii ururku soo maray muddadii uu xilka hayay iyo duruufihii hadheeyey hoggaamintiisa, “Anigu runtaan idiin sheegayaaye intii uu shaqaynayey maamulkii aan madaxda ka soo ahaa waxaannu ka shaqaynayey sidii aannu u baabi’in lahayn wixii hore loo soo qabtay iyo sidii loo xidhi lahaa xafiisyadii Goballada ee uu ururku  ku lahaa Goballada dalka haddana way wada xidhan yihiin” ayuu yidhi Gudoomiye Fawsi. Dhinaca kalena,waxa isna halkaasi hadal dheer oo taabanaya xaaladda wakhtiggan ee Cadaaladda Dalka iyo is-bedelada ay ku hawlan-yihiin inay sameeyaan halkaasi ka jeediyay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Prof.Aadan Xaaji Cali Axmed,waxaana uu halkaas si cad ugu qiray in aanay caadaaladda Somaliland  jirayn haddaanay jirin Qareenadda Somaliland ee ururka ku midaysanni. “Garta marka lagalayo waxa ugu muhiimsani waa in la helo dacwadda cidii soo oogasay iyo ciddii difaacaysay markaa aniga oo ku hadlaya afkii Guddiga cadaaladda waxaan qirayaa ururka SOLLA la’aantiis inaanay caddaalad fiicani jiri-lahayn” ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamadda-sare Aadan Xaaji Cali “hadda sidii laga dhawaajinayey waxaa jeelka ku xidhan suxufiyiin cidda u doodaysaa ee difaacaysaana waa qareennada markaa waad garan karaysaa inay xattaa xuquuqul-insaankii kamid yihiin qareennadu” ayuu yidhi Gudoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.  Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac [Xuuto] oo halkaa ka hadlay waxa uu soo dhaweyeeyey qabsoomidda shirkan qareennad, balse waxa uu ka hadlay arrimaha xadhiga xad-dhaafka ah ee suxufiyiinta hadheeyey iyo dulqaad la’aanta xukuumadda waa sida uu hadalkiisa u dhigaye “waxaanu soo dhaweynaynaa qabsoomidda shirweynaha 4-aad ee ururka qareenada waxaanan leeyahay hawlihiinu hawsocdaan sidii loogu talogalay balse,waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrimaha xadhiga suxufiyiinta hadheeyey ee xad-dhaafka noqday ” ayuu yidhi Mr Xuuto isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “maanta waxaa jeelashii argagixisada loogu talogalay ku xidhan suxufiyiin muwaadidiin ah oo aanay jirin wax ay galabsadeen oo aan ka ahayn inay baahiyeen wararkii ay bulshadu xaqa ugu lahayd inay u soo bandhigaan taasina waa ayaan-darro wayn” ayuu yidhi Xuuto. Wasiirka caddaaladda Axmed Xuseen Cadarre oo madashaasi ka hadlay ayaa cadeeyey in loo simanyahay sharciga hortiisa caddaaladduna ay tahay kaliya midda umadda deeqikarta “gari allay taqaanaaye caddaaladda waxaa qaadi kara uun ciddii ilaahay taqaaanna, garsoorna waxaa looga baahan yahay inay noqdaan dad ilaahay yaqaana” ayuu yidhi Mr Cadarre. Shir-weynaha afraad ee ururka Qareenadda Somaliland ee SOLLA,ayaa la filayaa in maanta lagu soo doorto hoggaanka cusub ee   ururka hagi doona sannaddaha soo socda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here