“Anigu UDUB Maan Ahayn, Weligayna Maan Noqon [Laakiin] Haddii Rag UDUB Ahaan Jiray Uu Madaxweynuhu Magacaabay….”

0
25

Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi-Jawaan) Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay Iyo Xubnaha UDUB Ahaan jiray Ee Madaxweynuhu Igmaday

Hargeysa:(Hubaal)-La-taliyaha madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha doorashooyinkaCabdilaahi Cabdi xaaji Cumar(Jawaan), ayaa ka hadlay xilka uu dhawaan madaxweynuhu u magacaabay isagoo sidoo kale dareen togan ka bixiyey shakhsiyaadka kasoo jeeda xukuumadda Daahir Rayaale ee uu madaxweynuhu xilalka u dhiibay.Cabdillaahi JAwaan

La-taliye Cabdilaahi Jawaan oo warbaahinta maalintii shalay la hadlay, ayaa ugu horrayn si weyn usoo dhaweeyey xilka loo dhiibay, isagoo tilmaamay in Madaxweynaha oo talo fiican la siiyaa tahay fursad lagu toosin karo wax kasta oo qalloocan,“magacaabistayda waxan u arkaa wax iska caadi ah oo hoggaanka qaranku xaq u leeyahay ciddii uu doonayo inay wax la qabtaan inuu u magacaabo, waanan soo dhaweynayaa.umadi waxa ay horumar ku gaadhaa talo wanaagsan, haddii aad taliyihii ugu weynaa la-taliye u tahay waliba doorashooyinkii kala talinayso oo haddii ay qaloocdaan dalka dhami qaloocanayo haddii caddaalad-darro dhacdana fidmona iman karto, marka la eego hawsha ay leedahay dadkeenu wasiir uun bay inta badan eegaane waxan u arkaa meel aad u muhiim ah.”ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Dhinaca kale La-taliye Cabdilaahi waxa uu ka hadlay xubno katirsan xukuumaddii Daahir Rayaale oo dhawaan madaxweynuhu xilal u dhiibay, waxana uu sheegay inay yihiin muwaadiniin xaq u leh in dib loo magacaabo, waxana uu yidhi,“Udub maanta ma jiroo saaxadda wuu ka baxay, ninkii loo arko inuu dalka wax u qaban karo ee muwaadin ahina xaq buu u leeyahay, madaxweynuhuna isagaa xilkaas leh, inkastoo aanan anigu Udub ahayn waligayna maan noqon, haddana ragga Udub kasoo jeeda ee uu magacaabayaa waa niman dalka u dhashay oo xuquuq ku leh, siyaasadduna meel kuma dhegena oo waa dabayshaas meel kasta ka imanaysa. Haddii uu rag Udub ahaan jirey la magacaabayna Udub ma ahee waa laga tegay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here