HALKAN Ka Akhri: Muj. Cali-Gurey Oo Murti Aan Tudhaale Lahayn Ugu Jawaabay Shakhsiga Damacu Ka Horreeyo ee Ku Magacaaban Afhayeenka Madaxweynaha
“Anigu Uma Jawaabo Inankan Yar Ee Isagoo Ambad Ah Oo Qof Garta La Waayay Ilaa Bal Ab-Tirso La Yidhi Aanu Ka Helnay Garoonka Timacadde….
Cabdi Gahayr Wuxuu Yidhi “Ushan Lacaga Laaskiyo Dubuhu Way Ku Lumiyeene, Lugtii Faraska Raacdaad Tahee Luunku Gawracaye, Lixdan Baan Jiree Yaan Indhaha Laydhi Kaa Marin”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf Ayaa Jawaab Aan Tudhaale lahayn Siiyey Wiilka Afhayeenka u ah Madaxweyne Siilanayo Oo Af Labadii Shalay Ku Legaadeeyey Shakhsiyada Mujaahidka.
Cali Gurey, Oo qoraal soo dhigay boggiisa Face Book-ga waxa uu yidhi:
“Kan oo kale anigu uma jawaabo laakiin cidda aan jawaabta siin doonaa waa cidda af hayeenka looga dhigay iyo hadii aan doono cidda uga dhigtay.
Waana kulankii ugu horeeyay ee na dhex maray aniga iyo madaxwaynaha markii ugu horeysay isaga oo madaxwayne ah oo aan kala hadlay ama ka wada hadalay arimo dhawr ahaa oo wax badan shacabka Somaliland u iftiimin doona. Oo uu si cad madaxwaynuhu iigu muujiyay in wax badan oo dhacay aanay ku dhicin isaga taladiisa dhaarna uu iigu maray.
Kolkaa ha ka jawaabo bal inankan yar eenu isagoo ambada ka helay garoonka Timacade isagoo garanwaa ah oo xataa reer Hageysa daaye qof reer Gebilay ah oo garta la waayay ilaa bal abtirso la yidhi isagoo duuf leh oo siin iyo dhareerku da’ayo. Ninka la leeyahay madaxwayne ayuu afhayeen u yahay muu haysan xataa shahaadad dugsi dhexe waayo aragnimana waxay u ahayd Idaacad yar oo FM ah oo Borame taalay oo maalmo uu ka shaqeeyay. Cabdi Gahayr Alleh ha u naxariisto eh wuxu yidhi:
Ushan Lacaga Laaskiyo Dubuhu Way Ku Lumiyeene
Lugtii Faraska Raacdaad Tahee Luunku Gawracaye
Lixdan Baan Jiree Yaan Indhaha Laydhi Kaa Marin
Layliguba Geediga Horuu Laba Legdoodaaye
Mar Hadii Hayaan Loo Lalabo Leexay Dabadiiye
Waa Maxay Likiicigu Baraar Luun Ma Kaafiyo Eh
Raage Ugaasna Waa Kii Lahaa
Baaluqa Is Mood Wiil Hadduu Buuryo Goys Yahaye
Bisqinyaa Rag Kuu Geeya Oon Biidna Kaa Tarin