ANIGU WAAN KHAJILI-LAA. Qalinkii. Guuleed Liibaan

0
26

Waa keene iyo kordhiye. 9 / 10 / 14

Keene: Waar yaa kordhiye saaxiib waxa aan

Daawanaa-yay laba nin oo is garab taagan.

Oo mid ka kale ku leeyay waxaan kaa caawina-yaa

Sidii aa doorashada u geli lahaydeen.

Ka kalena uu u qoslaayo.

Waxaanu moodayaa inuu caawinaayo .

Bal se muu garan inuu u sheegayo inaanu

Waxba ahayn.

Kordhiye. Weliba saaxiib aan kuu kordhiyee.

Ninkan INGIRIIS waxa uu food geliyay 90 milyan.

Muddo ah 12 saacadood gudahood.

Kan kale inta uu doonayo in laga caawiyo waa 3 milyan

Weliba sidaasuu ku faanayaa

Isu xayay-siinayaa oo ictiraaf ka doona-yaa.

Saaxiib anigu waan khajili laa.

Keene. Saaxiib weliba keennu waxa uu ku dac wiya-yaa

Inuu wax badan qabsaday sidaana lagu aqoonsado.

Caalamkuna way la yaaban-yiin .

Kordhiye. Saaxiib innakaa la yaaban waayo dhawr boqol

Oo kun ayaynu ku wareernay inay footeeyaan.

Oo aynu ka baqanay-naa inaynu isku layno.

Oo dibadda ayaynu uga baahannay wax ina kala celiya.

Haddana waxaynu doonaynaa aqoonsi .

Waxa ka daran ee kuwan le xukuumad-baanu nahay

Aanay garan markay leeyiin ciidan sharikado ilaaliya.

Ayaanu u baahannay in ay caddayna-yaan.

Inaynaan nabadgelyo haysan. Sidaasna aan laynagu

Aqoonsa-nayn .

Xukuumad tan ka xumi horena inooma soo marin.

Dibna inoosoo mari mayso (INSHAA ALLAAH )

Mahadna (ALLAA ) iskale

Guuleed liibaan (caynabo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here