Madaxweynaha JAmhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi
“waxa mar walba Dhegtayda Haysta Hinda & Shukri, Gabadh Aan Dhalay Oo Dhakhtarka Hargeysa Ka Dhaqaysa Ah oo iyaduna Nafta Ii Keentay iyo Hooyaday Oo Nool Oo Iyaduna Idinka Uun U Hadasha”
Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ka qayb- galay Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Haween weynaha Somaliland, kaasi oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa. Kulankan oo ay soo abaabuleen ururrada iyo dalladaha kala duwan ee haweenka Somaliland ku leeyihiin gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana lagu faaqidayey caqabadaha haweenka ka haysta dhinaca ka qayb-galka siyaasadda, ayuu madaxweynuhu muddo saacado ah haweenka kaga dhegaystay dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta, waxana uu muujiyey sida uu madaxweyne ahaan diyaarka ugu yahay inuu gacan buuxda uga geysta sidii bulshadu ugu baraarugi lahayd kaalinta mugga leh ee ay haweenku kaga jiraan jiritaanka mujtamaca. Guddoomiye-ku-xigeenka ururka haweenka ee NAGAAD, Marwo Khadra Cumar Xuseen oo ugu horrayn kulanka ibo-furtay, ayaa ku dheeraatay kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada iyo sidii ay ugu soo dhabar-adaygeen xaaladihii adkaa ee waddanku soo maray, waxana ay hoosta ka xarriiqday inay muhiim tahay in abaalkooda il gaar ah lagu eego oo xilalka qaran ee ay xaqa u leeyihiin loo igmado.
Xubno kamid ah labeenta iyo haldoorka haweenka reer Somaliland oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu waqtiga u siiyey inuu dhegaysto caqabadaha dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta haweenka, isla markaana uu diyaarka ugu yahay inuu qaybtiisa ka qaato suulinta caqabadahaas.
Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo Marwo Hinda Jaamac Gaanni oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay lama taabtaanka u yihiin haweenka Somaliland, waxana ay intaas ku dareen in xukuumaddu ku baraarugsan tahay muhiimadda haweenka, islamarkaana ay wixii itaalkeeda ah diyaar ula tahay inay xilal culus u igmato, sida haddaba ka muuqata dhismaha xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn u bogaadiyey kulanka ballaadhan haweenka reer Somaliland ee ay kusoo bandhigayaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka guud ahaanba nolosha ka haysta, waxana uu shaaciyey inuu si toos ah iyo si dadbanba uga hawlgelayo sidii caqabadahaas looga gudbi lahaa.
Madaxweynuhu wuuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inay haweenku si aan qarsoodi lahayn usoo bandhigaan tabashooyinka ay qabaan iyo helitaanka xuquuqda ay aaminsan yihiin inay ka maqan tahay, “Anigu maadaama aan madaxweynihii dalka aan ahay waxaan ogollahay in manta ad shaabuuga la iila dhaco oo la I yidhaahdo inta kartidaada ah iyo in ka badanba kordhi oo dhibaatooyinka hortaagan hablaha wax badan ka qaad”. “Aad baan ugu faraxsanahay haweenku inay is abaabulaan oo gartooda sheegtaan, aad baanan u soo dhaweynayaa inay tabashadooda kor u sheegaan oo ay si dhiirran uga hadlaan, madaxweyne, xukuumad, Baarlamaan iyo cid kasta oo arrintu ku xidhan tahayba inay la hadlaan oo la maqlo aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaa ku ladhay “Mid baan idiin sheegayaaye aniga waxaa sadexdii cishoba saddex Channel oo idinka idiin dacwooda ayaa ii yimaada oo dhegtayda haysta. Ta koowaad waa Hinda iyo Shukri baandare [laba wasiir oo haween ah] oo labaduba aftahamo yihiin ayaa aroor walba I hortaagan aniga oo aanan ka dabaallanin oo arrinta dumarka ayay igala hadlaan, markaa aroor walba warkiina waan hayaa ee ogaada. Ta labaadna waxa weeye tuyar oo aan dhalay [gabadh] oo dhakhtarad ah oo ka shaqaysa cusbitaalka Hargeysa ayaa markaan soo fadhiistaba qadada miiska igu haysta oo kamaba qadeeyoba siday ii leedahay ‘aabooy waxa dhacay ma ogtahay…..dumarka maxaa sidaas logu galayaa!!!. Iyaduna waa advocate halkan idiin taagan oo quraacda iyo qadadaba kama cuni karo oo naftii illaahay I galiyey bay ii keentay siday iigu wada waxa hadh iyo habeen ka dhacaya dhakhtarkaas Hargeysa waadhkiisa.. ta sadexaadna waa hooyaday oo nool oo iyaduna haweenka uun u hadasha. Markaas waxaan idin leeyahay saddexdaas mawjadood baa igu furan oo sida aad iila hadlaysaan aan iila hadal ee dhegaha ii fiiqa’e nin aan wax ogayn oo wax loo sheegayo ha iga dhigina”. Ayuu yidhi madaxweyne Biixi.