“Maanta Cirro Muraad Meel Kale Kaga Yimi Buu Leeyahay Oo Labadayaduna Waanu Is Ognahay, Hadduu Hal Tallaabo Qaadana Waxa Aanu Isku Ognahay Ummadda Waan U Sheegayaa”
Iyadoo Aanu MArka Horeba Aanu Isku Haysannay Arrintii Xubnaha Komishanka Doorashadooda Ayaa Haddana sababta dhabta ah ee aanu ugu kala tagnay waxay ahayd……”- Waraysi Kulul Oo Xogyahihii Guud Ee WADDANI Kusoo Bandhigay Halka Sartu Ka Qudhuntay Ee Khilaafka Xisbigoodu Ka Bilaabmay
Hargeysa (Hubaal) – “Adeer anigu immika Cirro uma haysto guddoomiyihii xisbiga ee waxaan u haystaa nin dhinac ah oo koox ka tirsan xisbiga WADDANI kaxaystay waxaanan jecellahay inaanu shirweyne ku kala baxno waayo labadayadaba shir weyne ayaa nalagu doortay, sida aanu xoghaye aniga iigu haysan baan aniguna guddoomiye aanan ugu haysan”. Sidaas waxa yidhi Xoghayihii guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo waraysi siiyey barnaamijka Hal-adayg ee sida toddobaadlaha ah uga baxa telefishanka Horn Cable. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde Mar wax laga weydiiyey waxyaabaha salka u ah khilaafka kala kaxeeyey isaga iyo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro maadaama oo ay labadoodu ahaayeen siyaasiyiin xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto lihi ka dhexeeyey isla markaana rafiiq ku ahaa saaxadda siyaasadda dhawr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay, waxaa uu ku jawaabay “Runtii waxaanu labadayagu ku kala tagnay Somaliland laakiin annagu qof ahaan umaanaan kala tegin xisbi ahaanna umaanaan kala tagin isaguna afkiisa waabu ka sheegay……sababta aanu ugu kala tagnay Somaliland-na waxaa ay ahayd sidii aad idinkuba ogaydeen anigu waxaan ka hadlay oo aan u jawaabay raysal wasaaraha Soomaaliya, iyadoo marka horeba aanu isku sii haysannay arrintii doorashada xubnaha komishanka laakiin taasi aragti caadi ah oo bani aadamku ku kala duwanaan karo ayay ahayd, tase dhabta ah ee aanu isku qabanay waxay ahayd raysalwasaaraha Soomaaliya oo yidhi Somaliland waxba maaha waxbana ma samayn karto oo annaga ayaa dekedda Berbera maamulna wax aanu geyno oo keliya mooyee iyadu [Somaliland] waxba ma samayn karto. Hadalkaas raysalwasaaraha ayaan anigu ka jawaabay oo waxaan idhi ‘Soomaaliya in badan baanu ka xishoonay oo walaalo in badan derisnimo kaga xishooday baanu ahayn, haddii ay walaalnimadu idin cajabin weyday oo aad naga xishoon weydaan waad naga biqi doontaan, DP World iyo dekedda Berberana ummadii lahayd baa u tashatay, goleyaashoodii qaranka ayaana ogolaaday adigana waxba kaa weydiin mayno’. Taasi ayay ahayd tay isaga [guddoomiye Cirro] ka jawaabeen isaga iyo Ismaaciil Buubaa. Mida kale kursiga uu Cirro fadhiyey ee raysal baarlamaanka ma been buu ku fadhiyey marka aniga laygu eedaynayo eedambi la iiga dhigayo Somaliland buu ka difaacay Soomaaliya, guddoomiyaha golaha wakiillada yuu u ahaa, murashaxii madaxweyne ee xisbiga WADDANi yuu u ahaa, intaba Somaliland buu u ahaa markaa waxaa ay ila tahay in ay khiyaamo qaran tahay oo u dembigaas ka galay qaranka”. “maaha in qarankan nidaamiisa loo jebiyo ninku marka uu muraad yeesho, Maanta cirro muraad buuleeyahay waxan uu ku hadlayaana sax maaha, annagu maanta waanu is ognahay labadayadu, qarankan wixii wax yeelaya hadduu hal tallaabo qaadana waxa aanu isku ognahay ummadda xilligeedaan u sheegayaa. Laakiin xisbigu waa ka nadiif waxa uu wado inankan Cirro la yidhaahdaa oo doorashadii buu ku maskax guuray, waxan cusub ee uu immaka soo saarayna waa wax meel kale kaga yimi,markaa waxaa loo baahan yahay in bulshadu caqli isticmaasho oo wixii uu shalay saxeexay ay xusuusnaataa, Caqli aan Soomaaliland ahayn ayaanu ku shaqaynayaa ee baroortu orgiga ka weyne ha cadaysto wuxuu doonayo”. Ayuu yidhi Mr. Uurcadde, waxaana uu intaa ku daray isaga oo doodiisa sii wata in xisbiga WADDANI aanu burburi doonin balse dheelli iman karo “Xisbiga WADDANI ma burburi karo laakiinwuu dheeliyi karaa, si dheeligaas hadda ku yimi looga saarana anigu waxaan soo jeediyey in Cirro iska wareejiyo hoggaaminta xisbiga oo uu guddoomiyenimada ku wareejiyo Cabdiqaadir jirde….mida kale anigu waxaan u badnaa raggii lahaa Cirro waa ninka ku haboon hogaaminta qaranka ee Muuse Biixi kaga haboon waxaan u aaminsanaa si aan xad lahayn, laakiin aniga waxa hadda I badalay markuu wuxuu saxeexay dafiray, waxaanan qabaa in uu kasoo dhacay meel dheer oo uu maskax guuray Cirro aanu Cirrihii hore ahayn laakiin markuu cirrahaan aqaanay ahaa waan aaminsanaa oo cid kasta waan ka raacay illaa Faysal Cali Waraabe, iskamaanan raacayn oo dan gaarah kumaan qabin kuwa uu lacagta siiyo ee lacagta kula socdana anigu maan ahayn”. Ayuuyidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde xoghayihii xibsiga WADDANI ee dhawaan shir uu guddoomiye Cirro hogaaminayay lagu sheegay in ay xilkii kaga qaadeen.