Maayar Soltelco
Hargeysa (Hubaal)- Maayirka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in aanay jirin cid ka soo hor jeedsan karta murashaxa madaxeynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, balse uu isagu u siman yahay sadexda xisbi qaran ee dalka ka jira maadaama oo uu maayirkii caasimadda yahay golihiisuna ka soo kala jeedo sadexda xisbi qaran. Maayir Soltelco oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey in uu taageersan yahay murashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi mar uu shalay dhir beeris ku samaynayey badhtamaha Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in uu dhex u yahay sadexda xisbi qaran, balse aanay jirin cid ka soo hor jeedsan karta murashax nimada Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye. Maayirka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo arrintaasi ka jawaabaya waxa uu yidhi “Muuse Biixi Cid ka soo hor jeedsan kartaa ma jirto, balse anigu maayirkii Caasimadda ayaan ahay isku xisbina waanu nahay, laakiin waan u wada simanahay sadexda xisbi qaran, maadaama oo aan maayirkii ahay golahayguna sadexda xisbi ka kala tirsan yahay waan u simanahay sadexda xisbi qaran, balse Muuse Biixi waa murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye”
Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo la waydiiyey in uu iibiyey dhul ay lahayd Hay’adda WFP oo ku yaallay xaafadda masalaha ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu kaga jawaabay “Wax aanu iibinay ma jirto cadaynteedana adiga ayaa lagaa rabaa (Weriyaha) arrintaas” ayuu kaga jawaabay maayir Soltelko arrintaasi.