“….Annaga [Xukuumadda/KULMIYE] Ayaa Badahaas [Mucaaridnimada] Soo Marnaye Waxaanu Xisbiyada Nala Loollamaya Ee Aan Weli Jaro-Baradka Noqon U Sheegayaa….”

0
23

 “Runta Ayaa Ka Xoog Badan Beenta, Codkana Waxaa Lagu Helaa Akhlaaq, Samir, Dulqaad Iyo…”

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Xisbiga WADDANI Uga Digay Dhaliilo Uu Sheegay In Aanay Cilmi Ku Dhisnayn Oo Ay Muska Xukuumadda La Taagan Yihiin

 IMG_B6FC9C-8E81A6-6C35BB-C911AF-B60399-615966

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Jawaab adag ka bixiyey Hadallo dhawaanahan uu Xisbiga Waddani ku durayey Jidka Xukuumadda madaxweyne siilaanyo dalka ku hoggaaminayso, waxana uu uga digay inay caado ka dhigtaan dhaliil aan jirin oo marwalba ay shacabka lasoo hor istaagaan.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlayey madal lagu soo bandhigayey Buug lagu magacaabo rajadii rumowday oo ay qortay Gabadh dhallinyaro Reer Somaliland ahi, ayaa Mucaaridka Xukuumadda, gaar ahaan Xisbiga Waddani ka waaniyey Dhaliilaha aan cilimiga ku dhisnayn ee uu sida joogtada ah ugu hurgufo xukuumadda, waxana uu tilmaamay in Beddelka dhaliishaas looga fadhiyo Siyaasad hufan oo kula tartamaan Axsaabta dhiggooda ah,“Nimanka na dhaliilaya iyo Xisbiyada doonaya inay  nala loollamaan waxa Bulshada Somaliland ka doonaysaa Siyaasad Hufan oo anshax iyo aqlaaq leh oo Bulshada qancin karta. Yoo-yootan iyo cay iyo Hadal badnaan Bulshada codkeeda laguma helo.”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Codka Bulshada lagu helo run-sheegnimo iyo dulqaad badan, waxana uu sheegtay inay xisbi ahaan Kulmiye sii mareen jid dheer, isla-markaana aqoon u leeyihiin sida wax loo dhaliilo iyo wadada loo maroba, waxana uu yidhi,

“Xisbiyada Da’da yar ee muddada yar jirey ee weli aan Jaro baradka noqon waxanu u sheegaynaa annaagaa Badahaas soo marnay dhul bandanna soo jibaaxnay muddo badan mucaarid ahayn, codka Bulshadana waxa lagu helaa Akhlaaq, Samir, dulqaad iyo ballamo run ah, lagumana kusaban karo dacaayado been ah, Runtaana ka xoog badan Beenta.”

Maxamuud Xaashi, waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye soo noqon doono isagoo midigta ku sita wixii uu dalka u qabtay, isagoo duray waxa Mucaaridka la gole iman doonaan“Kulmiye waxa uu mar labaad imanayaa wixii uu shalay qabtay oo cad iyo Berri waxa uu qaban doono oo ah intaana waanu qabanay intaana Berri baanu ku daraynaa, laakiin Ragga kale waxa uu la iman doonaan hadal Badan oo ah waxaas ayaanu qabanaynaa oo ah Habar fadhida legdini wax ugu fudud.”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Waxa uu Wasiir Maxamuud Xaashi sheegay  inay Bulshadu tahay cidda maragga furi doonta, isa-markaana Mucaaridka looga fadhio inay waxa ay hayaan Badka keenaan,“waxan leeyahay Bulshada ayaa noo kala markhaati furaysa, qalimo been lagu qoro iyo dacaayado iy hadal badni ma noqon doonaan waxa la isku qiimeeyo, laakiin Bulshada Codka Bixisaa ee  ka marag kacaysa in xukuumadda Kulmiye tahay xukuumaddii Waxqabadka ayaa noo kala markhaati kici doona, Mucaaridku waxa ay hayaan badka ayey keeni doonaan, Annaguna Badkaanu keeni doonaa”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here