Jananka Ciidammada Bileyska Somaliland, oo ka hadlaya Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal IimaaHargeysa(Hubaal):- Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay heegan adag oo Ciidammada Booliska galeen si ay u adkeeyaan sugidda Amniga maalmaha lagu jiro Xuska 26-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May oo sannadkan 2017-ka dawladdu go’aamisay in Kharashaadkii loogu dabbaal-degi jiray Dabbaal-degga May loo beddelo Taakulaynta ka soo kabashada Abaaraha, Shacabkuna Qaadhaan ururin sameeyaan.
Taliye Cabdillaahi Fadal waxaa uu sheegay in tan iyo maalintii arbacadii ee toddobaadkan ay ciidammada bileysku heegan adag ugu jireen sidii ay amniga qaranka iyo ka shacabkaba u sugi lahaayeen inta lagu mashquul-san yahay xuska maalintan qaran oo uu uu sheegay in ay ka ciidan ahaan iyagu u diyaar garoobeen gudashada waajibaadkooda shaqo. Taliyaha oo uu weheliyo Taliye Ku-xigeenkiisu oo warbaahinta kula hadlay Xarunta Ciidammada Birmadka ee magaalada Hargeysa waxay sheegeen in ka sokow gudashada waajibaadka saaran Boolis ahaan ee sugidda nabadgelyada ay xil iskasaarayan ka qayb-qaadashada Mashruuca Dhiraynta iyo Barnaamijka Sannadkan dawladdu u beddeshay Xuskii 18 May ee Taakulaynta ka soo kabashada Abaaraha oo uu Hal-ku-dhigga 18 May 2017 yahay.
“waxaad ka warqabtaan inaynu ku jirno xuska 26 guurada kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo ahayd 18-kii MAY 1991-kii. Anigoo xuska sanadkan madaxweynaha qaranka ku hambalyaynaya qorshaha uu u bedelay dabaaldegii ee ah in qaadhaan lagu ururiyo si loogu taakuleeyo dadkii ku tabaalloobay abaaraha, inkastoo roobkii iyo raxmaadkii alle uu haatan curtay”. Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu, waxaanu intaa kudaray “sanadkan annaga oo marka koowaad gudanayna waajibaadkayagii ahaa ilaalinta amniga iyo a fulintaiyo ilaalinta awaamiirta madaxweynaha JSL, waxa kale ka mid ah in beertii mashruuca wajaale aanu u dirnay hoggaamo ciidanka bilayska ah iyo ciidan kaleba, waxaana halkaas laga bilaabay dhirayn, halkanna [xarunta birmadka] indhihiina ayaad ku arkaysaan [warbaahintaas] godadka la qoday oo dhir baanu ka beeraynyaa, dhammaan fadhiyada boliskuna caynkaas ayay u badan yihiin”. Ayuu yidhi taliyuhu. Gebogabadiina waxaa uu taliyuhu farriin u diray shacbiga oo uu sheegay inay ka filayaan in sidii horeba u dhici jirtay ay wada shaqayn fiican kala yeelanayaan ilaalinta amniga iyo gacan siinta bilayska.