“Annagu Afarta Dillaal Ee Dekedda Xaraashay, Saldhiggana Yidhi Waanu Ku Xig Siinaynaa Ayaanu Is Haynaa, Berbera-Dii La Yidhi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn-Na…” Xuseen Axmed Caydiid

0
41

Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Digay In Sanqadh-yari Lagu Wareejiyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha Ee Berbera

xuseen axmed caydiid

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee caddaaladda Somaliland, haatanna katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay wareegtada ay xukuumaddu ku mamnuucday in wax shirar ah lagu qabto Huteellada kala duwan ee dalka, waxana uu xusay inay arrintaasi liddi ku tahay Dimuqraaddiyadda ay Somaliland hore u qaadatay.

Xuseen Axmed Caydiid oo shalay warbaahinta Hargeysa kula hadlay, ayaa sheegay inay maxkamadaha waddanka u gudbin doonaan dacwado ka dhan ah qaraarka xukuumadda, isaga oo tallaabadaasna ku tilmaamay kali-talisnimo caddaan ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Arrinta waxyeellada ku ah dimuqraaddiyada ee shaqadii xisbiyada loo furtay ee ah maalinta ay xukuumaddu maalintay taraarto ee ay hantidii umadda cunto ee afar tuug hantida umadda isku dayaan inay cuyaan siidhigii lagu afuufi lahaa la yidhaahdo yaanu ciyin maxkamad baanu geynaynaa, markaa maxkamaddu ha u xukunto inaynu dimuqraaddiyadii halkaas iska dhigno oo aynu kali-talis qoys hoos tagno iyo inay dimuqraadiyadda fasaxdo.”

Waxa uu sheegay inaanay xisbi ahaan ka hadhi doonin ka-hadalka wareejinta dekedda Berbera, isaga oo tilmaamay in ciwajka wareejintaas ku jiraa sababay in muddo maalmo ah aanay dekeddii wax shaqo ahi ka soconin, “Afartii Dillaal afartii qoraal ee ay soo qoreen ee dekedda lagu wareejiyey wax aka taagan waad ka war haysaan oo wixii umadda u marayey iyo wixii uga soo xeroonayeyba inay saddex cisho xanniban tahay waad ka war haysaan, saldhigga maanta la wareejinayaan in koontarabaanka dekedda lagu wareejiyey isagana lagu wareejinayaa waa waxa shirarka loo mamcuunayo” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Xuseen Axmed Caydiid isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku  daray, “Annagu afarta dillaal ee dekedana xaraashay, saldhiggana yidhi waanu ku xig siinaynaa ayaanu is haynaa, Berbera-dii la yidhi wax go’ lagu qaado ka weyn ma wax afar qof calooshooda uga taliyeen baynu ku sii deynaa, haddiise intaas la is jarayo yeeli mayno ayaanu leenahay.”

Waxa uu shaki geliyey hadalladii ay xukuumaddu hore uga soo saartay wareejinta madaarka Berbera iyo tirada sanadaha shirkaddu gacanta ku hayn doonto, isaga oo farta ku fiiqay warar cusub oo sheegaya in lacago la kala qaatay, “Halka 25-sano lagu sheegayo wararka qaar baa  36-sano ku sheegaya,  halka  bilaashka la inoogu sheegayona in 50-milyan oo laaluush ah lagu qaatay baa la sheegayaa oo ay Koonfurina  30-milyan qaadatay,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu sheegay in aanay bulshadu aqbali Karin in madaarka Berbera sidaas lagula wareego, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay codkooda meel dheer gaadhsiin doonaan, isla markaana bulshada u saafi doonaan halisaha uu heshiiskani leeyahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here