“Annagu Dad Socod Badan Ayaanu Nahay, Marka Wax Kale Laga Yimaadana, Immika Waxaa Noogu Daran Ee na Haystaa Waa Baabuurta”

0
40

Wasiiradda Deegaanka Oo Golaha Wakiillada Uga Dacwootay Dhul Ay Wasaaraddeedu Ku Lahayd Berbera Oo Maamulladii Kala Dembeeyey Ee Magaalladaasi Cid Gaar Ah Siiyey

 

“Waxa Na Taabtay  Dhul  Ay Wasaaraddu Lahayd Oo  Meel Fiican Ku Yaallay Oo La Qaatay…. Qaadashada Dhulkaasi Waxay Ka Bilaabantay Illaa Maayar Cabdalle Iyo Kuwii Ka Dambeeyey, In Badana Wasiirradu Way Daba Socotay , Markii Ay Ka Daba Hadhi Waydayna Waxaa Loo Sameeyey…”

 

 

Hargeysa(Hubaal):-Guddida daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa  shalay kulan adag la qaatay wasiirka deegaanka iyo horu marinta reer Miyiga Marwo Shukri Ismaaciil Baandare. Gudoomiyaha guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire oo markii kulankaasi soo dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen wasiirka waxaanu yidhi “Run ahaantii waxyaabo fara badan oo ku saabsan wasaaradeeda iyo qarankaba ayaanu ka wada hadalnay, ka guddi ahaan waxa aad noo khuseeyey oo na taabtay dhul ay lahaan jirtay wasaarada deegaanku kaas oo cabirkiisu yahay ilaa 1km oo ku yaalay inta u dhaxaysa Scandinavian Hotel iyo dhakhtarkii milatariga ee magaalada Berbera, dhulkaas oo meel fiican ku yaalay oo Batalaale u dhawaa waa la qaatay.”

Sidoo kale xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in hada wasaarada loo sameeyey dhul badal waxaanu yidhi “in badana wasiirradu way daba socotay waxaana cadaatay in dhulkaasi uu ahaa hanti qaranku lahaa oo dad shacab ah la siiyey oo dhamaantii seesan, qaadashada dhulkaasina waxay ka bilaabantay ilaa maayar Cabdalle iyo kuwii ka dambeeyey, waxaanay noo sheegtay wasiirradu in markii ay ka daba hadhi wayday loo sameeyey dhul badal.”

Dhinaca wasiirka deegaanka iyo horu marinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo la hadashay warbaahinta ayaa dhinaceeda ka warantay wada hadalka guddida dhex maray waxaanay tidhi “Xaalufka, abaaraha soo noqnoqda, dhirta la shidanayo, dhulka la oodanayo, xakamaynta deegaamaynta socota ee la samaynayo habeen iyo maalin dadkuna isku laynayaan ee dhiigu ku daadanayo,bacda la mamnuucay ee hadana magaalooyinka ka buuxa ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aanu ka wada hadalnay,  biyaha qulqulaya ee galaya bada ayaa iyagana layga waraystay wixii laga qabanayo, wax aan maanta miiska la soo dhigin muu jirin, waxaana muuqata in loo soo jeedsaday deegaanka oo guddidani ay la shaqayn doonto guddida khayraadka ee baarlamaanka oo maalin iyo habeen nala shaqeeya, waxa kale oo jirta in miisaaniyada oo imika iman doonta in wixii ka dhiman naloogu daro.”

Sidoo kale wasiirka ayaa soo bandhigtay waxyaabaha ay ugu baahi badan yihiin wakhti xaadirkan waxaanay tidhi “Marka waxyaabo badan laga yimaado waxa hada noogu daran ee na haystaa waa dhinaca baabuurta waayo dad socod badan ayaanu nahay, dhul ayaa mar kasta laysku haystaa, hawl deegaanka haysataana way taalaa,markaa dhinaca baabuurta aad ayaan uga liidanaa waliba gobolada qaar sida Hargeysa oo aan maanta baabuur haysan iyo Daad Madheedh oo dhul balaadhan ku fadhida oo aan iyaguna haysan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here