“Annagu Ninkii Maxkamadda Caalamiga Ah Nagu Geynaya Maxaad Wax U Qabsateen Diyaar Baanu U Nahay..”Wasiir Cukuse

0
45

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse), ayaa ka hadlay dacwado la sheegay inuu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ka gudbiyey mashaariicda horumarineed ee dalka laga wado, kuwaas oo ay kamid yihiin DPWorld iyo weliba saldhigga militeri ee ay xukuumaddu dalka Imaaraadka Carabtaka ka siisay madaarka magaalada Berbera.

cukuse afka silanyo

Wasiir Cukuse oo u warramay Telefishanka Bulsho tv, ayaa soo dhaweeyey dacwadahaas la weriyey, waxana uu sheegay inay icitiraafka Somaliland kor u qaadayaan oo magaca qaranka dunida kale gaadhsiinayaan, “Annagu ninkii maxkamadda caalamiga ah nagu geynaya maxaad wax u qabsateen diyaar baanu u nahay, dacwaddayaduna inay Hauge (heeg) ka dhacdo diyaar baanu u nahay, waayo aqoonsi bay noo taraysa,” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Cabdilaahi Cukuse waxa uu si weyn usoo dhaweeyey mashaariicda uu dalka Imaaraadku ka wado Somaliland iyo heshiisyada uu la galay, waxana uu tilmaamay inay waajib tahay in lasoo dhaweeyo cidda u badheedhay inay hantidooda dalka ku aaminaan, waxana uu yidhi, “Muddo 27-sano ah oo aynu qaddiyadeena u doodaynay dalka Imaaraadku waxa uu noqday cidda qudha ee dhegahooda inoo furtay ee hantidoodii iyo xoogiidiiba inagula shuraakowday ee ina aqbalay, inaguna noqon mayno dad aan mug lahayn oo aan saaxiib yeelan Karin oo aan lala shuraakoobi Karin oo aan maalgashi lala samayn Karin.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here