“Annagu waxaannaan Qaadanayn in Mashruucii La Bixiyey Ee Ceelasha Lagu Qoday Ee Waliba Madaxweyne-ku-xigeenka Uu..…”

0
37

Gudiga Arrimaha Bulshada Ee Golaha Wakiillada Oo ku baaqay in si cad loo baadho Mashruuca Xumbo-weyne, Sheegayna Inay Dhawaan u yeedhi doonaan Wasiirka Wasaaradda Biyaha & laamaha ay khusayso

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee golaha wakiillada Somaliland, xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay ka guddi ahaan u yeedhi doonaan, wasiirka wasaaradda biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali-koore, si wax looga weydiiyay mashruucii Xumbo-weyne oo uu dhawaan wasiirku sheegay inaanu hirgalayn.

“rejadii la qabay, ee dadweynuhu ku sugayeen in biyo loogu keeno hargeysa, ayuunbaa habeen dhawayd, wasiirka biyuhu intuu hadlay uu yidhi ‘waxa aliyaala wax ka jiraa mashruucaasi ma jiro. Lacag badan baa ku baxday sida uu wasiirka sheegay, anigu mabaan filayn inay qiyaaskaas yeelanayso. se waxa naxdin leh in maanta layidhaa waxbakama jiraan mashruucii.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-dheere, waxaana uu intaasi ku daray, in ay hor iman doonto guddidooda, cid kasta oo buu sheegay ay khusayso arrintani “guddi ahaan waanu u yeedhaynaa wasiirka, cidkasta oo ay arrintaasi khusayso, ay gashana waanu u yeedhaynaa.”

Xildhibaanku waxa uu ku baaqay in baadhis toos ah  lagu sameeyo ciddii lunsatay iyo sida loo lunsaday mashruucaasi, waxaanu yidhi; “todobadii sano ee ugu dambeeyay dalkan boob baa ka dhacay, tanina boobkaas uun bay kamid noqonaysaa, laakiin annagu waxaanu leennahay, dawladda Muuse iyo hay’addaha khuseeya arrimahan, in hawshaa dibeda lasoo dhigo oo si cad looga badheedho, ciddii lug ku yeelata, xil ha hayo ama yaanay hayne, sharciga lasoo mariyo.”

Mid baanaan qaadanahayn, ceelasha la qoday ee mashruucoodii lasoo bandhigay ee madaxweyne-ku-xigeenku ahaa kii xadhiga ka jaray, ee qaabilsanaa, qaadan maayo in la yidhaa waxba kama jiraan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here