“Annagu Waxaanu U Aragnaa In Midda Faysal Ay Sharci Tahay Waayo Isagu Waa Hoggaankii Xisbiga, Dhinaca Kalena …..”

0
23

Xukuumadda Oo Sheegtay In Faysal Cali-waraabe Xaq U Leeyahay Qabsoomida Shirweynahooda Aan Caadiga Ahayn

capture

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay go’aankii ay ku joojisay shirkii garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen doonayey inuu qabsado oo ka qorshaysnaa Hutel Mansoor, kaas oo la diiday inuu qabsoomo. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo isagu soo saaray warqad uu ku joojinayo shirka Jamaal doonayey inuu qabsado, ayaa shaaciyey inuu go’aankiisa ku saleeyey xukunkii maxkamaddu kasoo saartay khilaafka UCID, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “shirkaas waxanu u joojinay go’aankii maxkamadda iyo go’aankii guddida diiwaangelinta ayuun baanu ku fadhiisinay, wax kale oo dheeraad ahina ma jiraan, si gaar ahna Jamaal iyo arrintiisa ugama horjeedno.” Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu si cad u sheegay inay xukuumad ahaan aaminsan yihiin inuu garabka Faysal Cali-waraabe xaq u leeyihiin inay shirka qabsadaan,“annagu waxanu u aragnaa in midda Faysal ay sharci ahayd waayo isagu waa hoggaankii xisbiga oo dhinaca kale aanay ahayn”ayuu yidhi wasiir Faro-toon. Khilaafkii xisbiga UCID, ayaa weli sii socda, waxana uu garabka uu hoggaamiye Faysal Cali-waraabe maalintii shalay qabsadeen shir ay ku shaaciyeen inay ku laaleen heshiiskii uu xisbigu hore ula galay garabka Jamaal Cali Xuseen, halka ay taas beddelkeeda garabka kalena sheegeen inay doorteen guddoomiye ku-meel gaadh ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here