Nuxurka WAraysi Dhinacyo Kala Duwan Khuseeya Oo Wargeyska Capital Ee Kasoo Baxa Dalka Itoobiya Uu Siiyey Wasiirka Khaarijiga Ee Dawladda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire
“Haddii Yemen Shiidaal Laga Helo, Waa Suurtogal In Somaliland-na Laga Helo [Waayo] Joolajiga Somaliland Wuxuu La Mid Yahay”
Hargeysa(Hubaal)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay inaanu jirin cilaaqaad gaar ah oo ka dhexeeya dalalka Turkiga, Masar iyo waddamada Gacanka carabta. Isla markaana aanu jirin waddan kaliya oo adduunka ku yaala oo uu xidhiidhkoodu xun yahay. Sidaasna waxa baahiyey wargeyska Caalamiga Ah Ee The Capital oo kamid ah wargeysyada kasoo baxa magaallada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kaasoo waraysi arrimo kala duwan khuseeya la yeeshay wasiirka Wasiirka Arrimaha dibadda dawaladda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire. Wasiirku Waxa kaloo uu ka hadlay qorsheyaasha uu madaxweynaha cusub ee Somaliland diiradda saarayo iyo rajada uu ka qabo in Somaliland laga soo saaro shiidaal. Wasiir Sacad oo la weydiiyey waxyaabaha mudnaanta kowaad uu siinayo madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu yidhi; “Waxa guulaystay isla xisbi siyaasadeedkii hore ee tallada hayay, madaxweyne kastaana wuxuu la yimaadaa Qorshaha uu muhiimadda saarayo, ajandaha koowaad ee xukuumaddani, waa horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka. Sidoo kale nabadgelyaddu had iyo jeer waa ta ugu muhiimsan ee ahmiyadda la saarayo. Sidii ay xukuumaddii hore ay muhiimadda ugu lahayd ayey xukuumaddan cusubna ugu leedahay mudnaanta. Waxa kaloo madaxweynaha cusubi uu awooda saarayaa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.” Mar wax laga waydiiyey wuxuu ku tilmaami karo xidhiidhka Somaliland la leedahay Turkiga, Masar iyo dalalka Gacanka?, waxa uu ku jawaabay; “Waxaanu soo dhawaynaynaa saaxiibayada daafaha adduunka oo dhan, waxaan filayaa inaanu jirin dal kaliya oo xidhiidhkayagu xun yahay, waxase aanu cilaaqaad dhow oo wanaagsan la leenahay dalalka jaarkayaga ah. xidhiidh gaar ah lama lihin dawladaha Turkiga iyo Masar; waa waddamo aanu saaxiib nahay siday saaxiib ula yihiin Itoobiya-ba.”. Wasiir Sacad oo ka jawaabayay su’aal ahayd rajada uu ka qabo in Somaliland laga soo saaro shiidaal, wuxuu ku jawaabay; “Ilaa kontomeeyadii iyo afartameeyadii waxa sahanno laga fuliyey Somaliland. Qaab dhismeedka Joolajiga ah ee Somaliland-na wuxuu la mid yahay ka dalka Yemen, waxaan filayaa haddii shiidaal laga helo Yemen, waa suurtogal in laga helo Somaliland. Sidaas awgeed, waxaanu ku rajo weyn nahay in aanu maalin uun la soo bixi doono shiidaalka.”