Anuun baa Hooyadaa ah! – W/Q. Amal M. M. Kastan

0
53

“Hooyoy addoomuhu

Halkay maanta joogaan

Adigow horseedoo,

Intaad hanad xambaartee

Haaneedka siisee

Horaaddada jaqsiisee

Habtay baan xisaab iyo,

Tiro lagu heleynoo…”

 ina kastamEreyadaasi waxay ka mid ahaayeen maansadii Hooyo ee Abwaan Hadraawi. Haddaba qof kasta oo ka mid ah ummadaha caalamka ee kala jinsiyadaha iyo kala dhaqanka duwan leh ee Soomaaliduna ka midka tahay, shakhsi iyo ruux walba oo ku nool uunka Alle ee qarnigan maanta intii Alle keenay ifka, qof kasta oo innaga mid ah, ha weynaado ama dhex-dhexaad ha ahaado, wuxuu soo maray marxalad dhalinyarnimo, taas oo ay ku lammaan tahay xaalado iyo duruufo kala geddisan oo mid walba ay wadato xaalad u goonni ah iyo hab dhaqanno cusub oo hore loo arag, kana yaabisa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dacallada dunida.

Dulucda qormadeennan maanta waxaynnu ku eegaynaa dhibaatooyinka haysta Waalidiinta Soomaalida, waliba hooyooyinka iyo magaca ay ugu neceb yihiin inay maqlaan dhegahoodu maanta muxuu yahay? Hore ayay Soomaalidu ugu maahmaahday Nin yari geed inta uu ka boodo ayuu talona ka boodaa. Waqtiyada uu marxaladda dhallinyarnimada ku jiro, balse dhallinyarada Soomaalida ee ku nool qaaradda Yurub, ayaa had iyo jeer waxa dhacda inuu isu arko markiiba qof weyn oo garanaya wax kasta ama fahmaya mabaadii’da ka jirta waddammada caalamka ee ku loollamaaya xaddaaradaha kala duwan, kaas oo marka danbe ay sababto inuu naftiisa ku waayo ama ay ku halaagmaan, wuxuuna aamisan yahay inuu ka soo gudbay ciyaalnimadii oo uu qof weyn yahay maanta.

Carruurtu markay yaryar yihiin – 10 jir wixii ka yar – Waalidkood waliba hooyadood ayay ka ag dhaw yihiin. Laakiin wixii afar iyo toban jir ka weyn laga bilaabo waqtigaa way ka sii fogaadaan maalinba maalinta ka danbaysa oo saaxiibbadood ayay kaga farxad badan yihiin, sidii horena wax uguma sheegaan waalidka Hooyadood ama Aabbahood.

“Wuxuu tagayaaa suuqa cidduu la socdaa, kuna faraxsan yahay waa saaxiibkii, wuxuuna ku wadaa haadaan dhibaato badan oo qofka ku dhacaa ay adag tahay siduu uga badbaado, halka qaar badana ay ku waayeen naftoodii mahalakada ay u badheedheen. Wuxuu tagayaa Masjid cidda uu ku qanacsan yahay inuu raaco waa saaxiib oo nasteexo ayuu moodayaa, laakiin wuxuu tagayaa xaflad, diiqad ayaa galaysa, balse waxa lagu war helaa Daacish S.I.S ayuu galay wuxuuna ka soo hadlay Turkiga ama Syria.”

Hase yeeshee Waalidiinta Soomaalida waliba Hooyooyinka Qurbaha waxay ugu neceb yihiin inay maqlaan dhegehoodu magaca ama erayga Daacish, wuxuuna naftooda ku abuuraa walwal iyo walbahaar, naxdin u joogta ah, waana uur wax dhalay, laakiin ka ay ka naxayso ee mararka qaar ay naxdinu u gaysato caafimaad-daro, lagana yaabo in hooyooyin badan uu ku soo boodo macaan.

Haddaba hooyooyinka Soomaalida ah ayaa marka ay maqlaan magaca Daacish waxa si weyn uga xanaqaan magacaas oo ay ka qaadeen dhiigkar, halka ay markii hore ka nixi jireen magaca Al-Shabaab.

Dahabo waa hooyo soomaaliyeed oo huqdi iyo hagardaamadii baroortuna dhabannadeeda qoysay. Ma garanayso Daacishtan magaca oo uun ayay maqashay, balse waa qof la ildaran wiilkeedii oo aan ogayn xaaladda iyo imtaxaanka hooyadii u marayso. Waa beer wax dhalay, isagu ma ogaba.

“Habeen iyo maalin waa u oohin, oo dhabannadeeda ayay ilmadu qoysay. Talaw yaa u kala warrama, isaguna wuxuu leeyahay waan jihaadayaa ee duco ayaan rabaa, meesha aan ka soo hadlayo waa Turkiga ama Syria. Maxaa kallifay? Way soo korisay haddana hurdo ayay ka seexan weyday hooyadii. Waalidkii iyo eheladiina waxa ka soo hadhay yuu raaci jiray, hebel…hebel…hebel:” Sidaa ayay inta badan hooyooyinka la nool murugada ay ku beereen kuwii ay soo korisay waqtiga badan ee ay u soo rafaaday, una soo martay dhibaatada iyo diifta adag. Inkasta oo ‘waalidku marka uu wax u dirsado wuu kar hayaa, wuxuuna u arkayaa inay ku keeneen mashquul iyo xorriyad la’aan aad ayuu uga xumaanayaa oo diiqad ayuu is galinayaa.

Hase yeeshee Soomaalida waxa aad ugu badan xilliyadan dambe waalidiinta iyo ubadkoodu xidhiidh wada lahayn. Iyagoo wada nool, gurigana wada jooga oo ay wax wada cunayaan ayaanay haddana waalidku dareemayn is beddelka ku dhacay Ilmihiisa. Balse inta badan aabbaha Soomaaliyeed ayaan la socon ubadkiisa oo hooyada oo kaliya ayaa inta badan ubadka la rafaadda, isaguna wuxuu ku mashquulsan yahay cunista jaadka iyo doodda muranka ma dhalayska ah ee siyaasadda ku dhisan qabyaaladda ee Soomaalida lagu halakeeyay.

  1. Markaa su’aasha hor taalla aaabbaha ama hooyada Soomaaliyeed waxa weeye: sidee ayay saaxiib ula noqon karaan ubadkooda?

  1. Xidhiidh Intee le’eg ayaa ka dhexeeya waalidiinta Soomaalida iyo ubadkooda?

  1. Waa qaab nooceeya xidhiidhka ay la leeyihiin carruurtooda?

Si kastaba ahaatee, dad badan oo ka mid ah dadka xidhiidhka waalidka iyo ubadka oddorasa iyo kuwa falaqeeya, ayaa is weydiiya arragti ahaan, sida ay u dhaqmaan inay kala fog tahay, loona baahan yahay in waalidku uu la saaxiibo ubadkooda si ay u ogaadaan waxyaabaha ku jira maskaxdiisa iyo cidda uu xidhiidh la leeyahay iyo is beddellada soo food saara naftiisa intaba.

Amal M.M Kastam

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here