Waa yaabe akhristaw, Maalinta ilaahay ugu tala galay dunidan ( waa Yoomal-qiyaamaha’e) horteed, miyaa aakhiro laga soo noqdaa? Aqal dunsan-se aroos ma lagu samayn karaa?, Bani’aadamka laba jeer ma la abuuraa? qof dintay miyaad bakhti afguufi kartaa? su’aalaha iyo qaar kale oo aad adigu si weydiiso-ba, jawaab-toodda adiga haddii aad akhriste tahay, baan rabaa in aad bal ka fekerto, ujeedo iyo halka i heemaysa, una qaatay qalinku, waxa weeye, meel lagu sheego, Al-shabaabland (waxa ay ugu yeedhaan
somalia), oo 23 sano horteed, iyadda oo nool, siday u taagnayd, afku u dhcaday mar qudha, naf-na laga waayey, dabeed siddii qori meel ku tiirsnaa, oo la taataabtay, kol keli ah dhulka gashay, ka bacdina war iyo wacaal, muuq iyo maqal, jaan iyo cidhib meel ay martay, kan aduun ahi uu is weydii-naayey, laakiin kuwa magacii u sii hilaacayaa, hadaba xabaashii ay is dul taaga-yaan, bal ina in ay dib uga soo baxdo ama noqoto, dhawr jeerna lagu dayey, oo ay suur-toobi weyday, baa mar kale xalay, mid kuwii loo tirinaayey ah ( majeeteen), in ay nolosha diirka kaga saareen, siddii neef habar dugaag ku dikaday, baa yidhi cago ay ku socoto baan u samaynayaa! saw maaha, sarbeebtii ay xamaaliintii dekedda Berbera ay odhan jireen ” Eesha Kii Dhigay U Ashta-kootoy” kii boqnaha jaray, baa ina leh magac somaliweynh bana doonayaa,, laf iyo jiidhkii adaa dhameeyee, mar kale magacana sii masaxyana dib dambe loo maqline. Badhisaabka Garwooe, Waxar ka yar beryahan dambe ka qalaadda Tuulooyinka Garoowe iyo Boosaaso, ee siddii qabad yar kaadidda gafuurka ku leh, uu isaga oo shalay la qarxiyeylana dilay afar ruux oo uu nku jiro hor-joogihii Qaybta maleeshiyadad ( Booliis kus heega) Boosaaso, uu yidhi halkii wax kale laga filaayey, waa in aan u soo qalab qaato, isu keenidda dhamaan Goboladdii Somaliaya wixii la odhan jirey, isaga oo u taag la’ tuuladda Boosaaso!
Waxa ay mar kale ku dhacday, bakhti suga-yaashii qooraan-siga ku quudaayey, meydka habar dugaaggii waaweynaa ay ka dar duween, oo ay ku soo xoomaan, feenataddii yar-yarayd ee meel ay u soo maraan waayey, sidda soongurka, daba-gaalaha, xuunsho, tuke iyo ku qadhaabato oo idili, iyadda oo maalin-ba oof la sii jebinaayo, oo ay adhaxdda baf iyo baw ka kala tidhi, bay weli qaar naf mooda-yaan, beri hore magac caruurta looga sheekayn jirey, siddii araweello, Dheg-dheer, Suul-Cawro, Oday-biiqay iyo nooc la mid ah, sabab-tuna waxa weeye qaar baa ilaa hadda ku adeegta, si ay waxoogaa uga sii helaan caalamka, ee wax ka jiraa iska yarba, waaba la qaadan lahaa haddii ay weli sii galgala-nayso, ee dunidda oo laba (2) ah bay fidigtay, oo wax kale ha sii joogeene, door-yaankii iyo dirxiggii isi sii kaba-raaciyeen, oo dhogor dhulka ku dhcday aan laga helayn, haddii caawa iyo maanta la doon-doono.
Cabdi Gahayr Tix uu lahaa bay illaah ha u naxariisto’e, ay ku jirtey ” Meeshu Aayo La’aa, Ma Wadaado Agoon Ah Iyo Arday Baa Lagu laayey?” jawaabtu waa haa! oo kuwii Dalqa-weyne ku yidhi diinta sidaa ka daa, rag iyo dumar ma sinee Saddex, waa tii xamar lagu gumaaday, araday hadal-keed daa, umulo, nooc kaste oo Ummadda ka mid ah, gamta loo joogsaday, dhiiga iyo inkaaraha kolba meel ka qarxaaya Al-shabaablanad ( Waxa somaliaya al yidhaaho) sidda shalay boosaaso ka dhacday, ee hadba meeli ka midd ahi isla akcayso, waa abadda aan ka soo raynnayn, in ay ka sii darto mooyee, bal wixii hore-ba soo dhaaf, oo tiroba sanadkan gudihiisa oo keliya, ba ahalka uu wegdo-weyne ( Culusaw) Ku sheego madaxtooyo, tiraba 3 goor baa la isla galay madaxtooyto ku sheegta wardhiilay ku taal, golihii Xisbiga hanti-waadaaggii Af-lahaarkii, oo ay hadda ku qadhaab-taan kuwo ay ugu yeedhaan Xidhi-baano, marka lagu daro Baydhabo tiro-ba lab shan jeer, baa maydku ka adeegay, suuq-yadda Muuq-disho, waxa lagu sadqeeyaa, xildhi-baana-daas magac u yaalka iyo hunguri doonka ah, ee u musha-haaro doontay, tiro ma leh, waxa ugu damaysay Islaantii heesi jirtay ee saado, 3 cisho horteed-na, mid kale waa kuwii ku jarjaray suuqa dhex-diisa, Wegdo-weynaha meesha ka hor-joogaha ah, 4 jeer buu isna faro cidi leh ku baxsaday. cid kale iska daayoo.
Akhristaw iyaba waa u qaadan waaye, Reerkii isagu dhigay waxaa ( waa Majeerteene), Ee uu wadaadkii waalaa lahaa “ Hiin raaca waa lagu yaqaan heedda doqoneedda, Inta habar Majeerteen Ah Iyo Halamash Naagaa Leh” waa nasiib darro’e, kuligood majeerteen oo dhan haddii la isku daro, in aanay ruux dumar ah oo kale ah kaba-heedda gaadhayne, wadaadkaa waalan baa haweenka meel kaga dhacay markuu kuwaa la simaye, somali oo is jecel kuwii is nacsiiyey, ee kala dilay, halka ay kala marayso hadda gaadh-siiyeey ( waa majeerteene), burburiyey, baa maanta ina leh waxan doonaynaa Somali-weyn, nacasnimadda haysa, waxa u daliil ah, taas ay la hadaaqayaan, kana yar ee sidda waxarka aan kor ku xusay Boosaaso ka qalaada-yaana ( waa ka ay cabdiweli ku sheegaane), mid geeriddii Nebiga ( CSW) og maaha, ma kuwii waxaa dhigay, baa afka ka odhan lahaa maanta Somali-weyn baan u dagaalamaynaa, Wuxu yidhi Ilaah Ha Naxariisto’e Cabdilaahi Suldaan Tima-Cade ” Doqoniimo Kugu Baahday baan Cidi dabiibayne” bahasu waw dhalasho, oo micidu waxay leeg-tahay yar iyo weyn adin-kaygaa, waxay u baahan yihiin, siddii Ilko-dacawadda laga soo guro, ee su’aashu waxa weeye yaa ka soo guraaya? waayo reerku sidda uu u dhan yahay waxa dhaanta ilko-dacawadda’e, yaan la isaga khasaarayn wakhti. ha la is weydiiyo’e, Ma Cid Aan Majeerteen Ahayn Bay Somali-weyn Eersanaysaa?
* N.B Meeshu Aayo La’aa, Ma Wadaado Agoon Ah Iyo Arday Baa Lagu Laayey!