Aqalka Cad Ee Maraykanka Looga Arimiyo Oo Xiisadda Ka Taagan Khaliija Ku Tilmaamay Mid Qoys

0
59

Qatar-1

Dowladda Maraykanka ayaa ku tilmaamtay xiisadda sii socota ee u dhexeysa dalka Qadar iyo waddamo kale oo Carab ah, in ay tahay mid salka ku haysa “arimo qoys”.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo, Sean Spicer, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlayay weriyayaal ku sugnaa Washington. “Waxaan rumaysannahay in khilaafkan uu u dhexeeyo qoys, afarta dal ee is-hayana waxaa looga baahan yahay in ay gaadhaan xal dhexdooda ah,” ayuu yidhi Spicer oo intaa raaciyay, “haddii ay gacan nooga baahan yihiin diyaar ayaan u nahay, balse waa in ay xalka gaadhaan.”

Qadar ayaa waxaa go’doomiyay xulafo uu horkacayo Sacuudiga, waxaana loo soo bandhigay 13 dalab oo ay tahay in ay fuliso xukuumadda Dooxa, si looga qaado cunaqabateynta. Waxaa shuruudahaasi ka mid ah in Qadar ay xidho warbaahinta Al Jazeera, ayna xidhiidhka u jarto Iran.

Dalalka uu u dhexeeyo khilaafkan ayaa dhammaantood xidhiidh dhaw la leh Maraykanka, xoghayaha arimaha dibedda ee dalkaasina weli kama aanu hadlin shuruudaha lagu xidhay Qadar.

Wasiirka arimaha dibedda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman Al Thani, ayaa xaqiijiyay in uu soo gaadhay liiska dalabaadka, ayna diyaarinayaan jawaabta ku haboon.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here