Aqoon-korodhsi Hal-ku-dheg Looga Dhigay ‘Indho-furka Shaqaallaha’ Oo Loo Soo Xidhay Hormadii Dhawaan Imtixaanka Kusoo Baxday

0
81

Tabobarkan Oo Ku Saabsan Qaabka Looga Hawl-galo Xafiisyada Dawladda Oo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalluhu U Soo Xidhay 30-kii Xubnood Ee  Imtixaanka U Galay Buuxinta Shaqooyinka Dawladda

aqoon korodhsi

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland   Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa Tababar Magaaladda Hargeysa ugu soo xidhay 30 qof ee dhalinyarta aqoonyahanka Jaamacaddaha dalka ka soo baxay ee dhawaan magaalo madaxda gobolka Sool tartanka  Imtixaankii loo galay buuxinta shaqooyinkii wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ka banaanaa. Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo Hoolka Shirarka ee Xarunta Shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa ugu soo xidhay tababar aqoon korodhsi oo qaabka Xafiisyadda dawladda looga hawlgalo ku saabsan halkaasi loogu qabtay 30-kii qof ee dhalinyarta aqoonyahanka Jaamacaddaha dalka ka soo baxay ee dhawaan magaalo madaxda gobolka Sool ay 222 (Laba Boqol Iyo Laba Iyo Labaatanka) qof ku tartameen Imtixaankii loo galay buuxinta 30-kii shaqo eek a banaanaa wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ay 30-kaasi kaga guulaysten, waxa uu guddoomiye sharmarke la sii dardaarmay inay waajibka saaran ee shaqooyinkooda qaranka ay u qabanayaan si fiican u gutaan isaga oo bulshadda Somaliland iyo aqoonyahankeedana u balan qaaday inay caddaaladda curatay iyo shaqaalaysiinta dalka mid loo siman yahay inta uu xilkaasi qaran hayo ay umadda Somaliland xafiiskisia ka go’an tahay oo ay heli doonaan. Mid ka mida 30-ka qof ee dhalinyarta Jaamacaddaha ka soo baxay ee Shaqaalaha Dawladda ka hawlgalay oo si qiiro leh uga marag kacay in uu shaqadda hufan iyo caddaaladda uu u suurtogeliyey ee uu qaranka ugu hiiliyey Guddoomiyaha ugu da da yaraa uguna daacadsanaa ee Hay’adda Shaqaalaha Somaliland soo mara  md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ay sababtay cadaaladda ay heleen inay Imtixaan u galaan oo ku soo baxaan shaqooyinkii dawladda ka banana 30-ka Muwaadin waxaanu yidhi “Guddoomiye Sharmarke laba arimood ayaanu markhaati ku nahay, marka 1aad umadda Somaliland horteeda markhaati ayaanu ku nahay 30 kayagaasi shaqaalaha dawladda ee cusubi in aanu Imtixaan caddaalada ku soo baxnay, marka 2aadna Illaahay hortiisa markhaati ayaanu ku nahay in aanay aqooni inaga dhaxaynin afgarasho kale inaga dhaxaynin horena aynaan u kulmin, laakiinse wixii anagu aanu kasbanay dhamaantayo aanu halkan ku joogno”. Mid kale oo ka mida 30-ka dhalinyarta reer Somaliland ee aqoonyahanka dhawaan ku guulaystay inay ka mid noqdaan shaqaalaha cusub ee dawladda oo halka ka qiray haybada iyo caddaaladda uu shaqaalaysiinta dhalinyarta reer Somaliland u suurto geliyey Guddoomiye Sharmarke Geelle hadlay waxa uu yidhi “Guddoomiye Sharmarke waxaanu uga mahadcelinaynaa Caddaalad aan ciil lahayn oo uu ka dhabeeyey iyo sarayn aan sinji lahayn iyo qalin aan qabiil lahayn intaas ayaanu markhaati uga nahay dhamaantayo 30 kayaga muwaadin ee Imtixaanka caddaalada ah uu u suurto geliyey in aanu ku guulaysanay in aanu shaqooyinka dawladda ka banana ku soo baxnay, waxaan shacabka Somaliland u cadaynayaa oday iyo caaqil umaanaan soo marin runtiina waa wax iyo arin ku cusub dhamaan bulshadda iyo qaranka iyo goboladda Somaliland in markii u horaysay si caddaalada ay muwaadiniintu iyaga oo qof kasta aqoontiisa iyo qalinkiisa uu garabsanaayo Imtixaan uu shaqo dawladdeed ku guulaysto dhamaantayo”. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu dambeyntii ka hadlay kulanka Tababarka ee loo soo xidhay 30-ka muwaadin ee shaqaalaha dawladda ku cusub ee dhawaan Imtixaanka Laascaanood ay ku galeen ku guulaystay inay shaqooyin ka helaan qarankooda waxaanu isaga oo la dardaarmayey md Sharmarke yidhi yidhi “Saaka waxaynu dhamaanteen isugu nimid inaga oo soo xidhayna tababarka loo yaqaano Indha furka shaqaalaha dawladdda  (In dection Training Cource), indha furka markaynu leenahay qofku maanta wuxu wasaaraddiisa  ama Hay’addiisa cusub ee uu ka shaqo bilaabi doono uu tegi doona isaga oo garanaaya xuquuqaha iyo waajibaadka isaga maxa dushiisa saaran oo laga rajaynayaa in uu qabto isaguna muxu xaq u leeyahay ee aan lagaga tacadiyi Karin shuruucdaas iyo qorshahaasi oo dhan adiga oo garanaaya ayaad shaqadaadi bilaabi doonta, maanta waxay arintani dhamaad u tahay hayaankii dheera ee aynu mudada dheer soo galay ee ahaa in aynu ka dhabayno in uu qalinku noqdo waxa kaliya ee umadda reer Somaliland dhalinyaraddeeda kala saara”. Md Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Hore waxaynu u nidhi dhalinyaradda reer Somaliland cunto uma wada heli karo, laakiin caddaalad waynu u wada heli karaa, waa run oo cunta ma wada gaadhsiin karo, balse Caddaalad waynu wada gadhsiin karaayo hadba inta inoo banaanaata nidaam hufan oo daah rogan ayeynu ku tartansiin karaa, tusaale ahaan 222 (Laba Boqol iyo Laba Iyo Labaatan) qof ayaa soo xaraystay inay 30 kaalmood ee shaqooyinka hay’addaha iyo wasaaraddaha dawladda ka banaan Itixaan u galaan, waxaana ka soo baxay Sodonkan muwaadin ee dhalinyarta Jaamiciyiinta ee maanta hortayda taagan, laba boqol iyo dhawr iyo labaatanka qof waxay idiinku soo hambalyeeyeen iyaga oo si raganimo leh isticimaalaya in aad tihiin sodonkii ugu qalinka sareeyey iyagana waxa rajo wanaagsan u ah in hadii Iftiinkaasi bilaabmaday inay maalin maalmaha ka mida guulaysan doonaan cid walba oo reer Somaliland ah waxa bushaaro u ah inay tartamada qalinka furan ee caddaaladda ah ee macalimiinta qaadaysa Imtixaanka ay hay’adda shaqaalaha ka madaxbanaan yihiin waayo macalimiin aan hay’adda shaqaalaha ka tirsanayn oo ka madaxbanaan ayaa inoo qaadaysay Imtixaanka, intaas oo kaliyana kumaynaan dayn ee Illaahay hortiisa ayeynu ku xujaynay oo ku dhaarinay ee in waxa ay soo saarayaan caddaalad noqdo oo maanta adiga oo madaxaagu kor yahay ayaad gelaysaa shaqada garanaaya wixii lagugu lahaa garanaaya waxaad lahayd oo garanaaya sida aad u guulaysan karto oo aan wax cabsi ah ka qabin inay caddaalad daro kaala kulanto Imtixaanka aad shaqo doonashadda u galayso laba shayba aanad cabsi ka qabin mida 1aad oo ah cidi kuma keenin oo gacan taabad kumaad iman sida darteed kama baqaysid in cidii ku keentay inay si yar oo fudud shaqadii kaaga qaado waa qodobka 2aad ee shuruucdaadi ayaad garanaysaa iyo wixii xeer shaqadda ah ee ku qabanaayey, waxa sharaf ah in aad maanta shaqada geli doonto adiga oo kalsooni qaba”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here