Aqoon-yahan Maxamed Cali Bile oo Ka Mid Noqday Shakhiyaadka Ugu Kartida Badan Sanadkan Dhammaaday Ee 2014-ka+ DAAWO Abaal Marin La guddoonsiiyey

0
132

Dhalinyarada Aan Xuduuda lahayn Oo Maxamed Cali Bile ku Majeertay Hawl-karnimada iyo Inuu Yahay Qof Dhalinyarada Hiigsan Karto (Role Model)

Sanadkii 2014, Maxamed Cali Bilewaxa uu dadkiisa u hibeeyey maskaxdiisa iyo qalinkiisa. Waxa uu muwaadinkani si hagar la’aan ah isu barbar taagey dhalinyarada iyo sidii ay horumar uuga sameyn lahaayeen dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo mustaqbalkooda.
Waxa uu qoraalo tiro badan ka diyaariyey duruufaha dhalinta heysta iyo sidii fursado loogu abuur lahaa. Waxa dad badan ku tilmaamaan inu Maxamed Cali Bileyahay shakhsiga uugu saameynta weyn ee ay dhalinyarada Soomaaliland ay higsato. Waa qof aad u fahamsan duruufta ku gedaaman arimaha bulshada iyo siyaasadda, isla markaana waa shakhsi ay dadka caadiga ihi si sahlan u fahmaan oo ay xiiseeyaan hab fikirkiisa.
Mohamed Ali BilemmBile waa shakhsi ku dagaalama qalinka iyo fikirkaba, waana shakhsi ay muwaadiniin badani xiiseeyaan akhrista maqaalada uu qoro oo u badan ka warimada waaya aragnimada iyo odoroska mustaqbalka. Waxa uu hibo gaar ah u leeyahay taxliil dhacdooyinka taasi oo u sahasha inu iftiimin iyo odoros ku sameeyo sida arin ku dhamaan karo. Waxa uu qoraalo is daba jooga ka qorey siyaasadda Soomaaliland ee gaar ahaan ku aadan ictiraafka, taasi oo uu si farshaxanimo ku jirto u iftiimiyey carqaladaha hortaagan in Soomaaliland ictiraaf hesho iyo wixii xal noqon kara.
Waxa dhawaan la guddoonsiiyey Maxamed Cali Bileabaal-marinta “Mufakar” oo ah qofkii u horeeyey ee ka soo jeeda umadaha Soomaaliyeed ee si heer caalami ah loogu aqoonsado inu yahay mufakar. Dawladda Yemen ayaa iyana u aqoonsatey Maxamed Cali Bileinu yahay shakhsiyadda sanadka 2014, iyada oo si gaar ah loo xusey doorka uu ka soo qaatey kor u qaadista tacliinta aasaasiga iyo arimaha dhalinyarada ee dalka Yemen.
Maxamed Cali Bilewaa aqoonyahan tacliin iyo waaya aragnimo dheer u leh horumarinta dalalka soo koraya gaar ahaan dalalka dagaaladu wax yeeleeyeen. Waxa uu si gaar ah aqoon iyo khibrad uugu leeyahay dib uMohamed Ali 1 dhiska tacliinta iyo kor u qaadista dhalinyarada iyo aqoonta hoggaaminta tacliinta iyo dhalinyarada gaar ahaan dalalka dagaalada ku burbura.
In kasta oo aqoonsiyada kor ku xusan uu ku muteystey wax qabadkiisa iyo shaqadiisa uu ka hayo dalalka bariga dhexe, ayaa hadana la aqoonsayahay inu Maxamed Cali Bilehormood u yahay aqoonyahanada aqoontooda iyo fikirkooda u hurey umadooda reer Soomaaliland. Waxa uu ahaa tiir weyn oo ka soo qeyb qaatey dib u dhiskii Soomaaliland oo uu ahaa shakhsi lagu amaaradeysto dib u dhiskii tacliinta Soomaaliland. Mudadii 12 sanadood aheyd ee uu ku shaqeynayey wadamada bariga dhexe, waxa uu Bile ahaa xogogaal ka warhaya duruufta dhalinyarada dalkeena, waxaanu wakhti badan iyo taageero geliyey dhalinyarada. Waxa uu ahaa maskax kobcisa jiilka soo kacaya oo uu dhiirigelin, talo iyo waxtarba la barbar taagnaa.

Dhalinyarada aan Xuduudda Laheyn

Aqoon-yahan Maxamed Cali Bile oo Ka Mid Noqday Shakhiyaadka Ugu Kartida Badan Sanadkan Dhammaaday Ee 2014-ka+Abaal Marin La guddoonsiiyey
Aqoon-yahan Maxamed Cali Bile oo Ka Mid Noqday Shakhiyaadka Ugu Kartida Badan Sanadkan Dhammaaday Ee 2014-ka+Abaal Marin La guddoonsiiyey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here