Qalinkii: Aadan Deeq
Waxaynu Barta social media ha aaynu kala soconay in Maxamed Cali Bile video uu iska duubay inuu soo dhigay isagoo aragtidiisa iyo fikirkiisa khaaska ah ku qotomiyay in reer miyigu inaanay codayn ba, isagoo taaga islahaa Musharaxa Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi waji kaga kasbo, isla markaana goobta uu joogay ee video ga Facebook Live uu iskaga duubaayay fariintiisana umada reer Somaliland uu ugu soo gusbinaayay ahayd goob aad u qurxoon ahaydna Hudheel aad u qaaliya. Video gaas waxaad ka dheehan karta in Barta uu sugnaa Aqoonyahan Maxamed Cali Bile ee raaxada iyo nimacadu ku suganyahay aad u koraysay lakiin marxalada dalka ka taagnayd ee Xaalada Abaaraha baas ee dadkeenii iyo dalkeenu ku suganyahay faraqa u dhexeeyii aad u kala fogyahay.
Iyadoo taasi aay jirto damiir kiisa iyo aqoontiisu hadana aay siisay in mawduuca uu ka hadlaayo uu ahaa mid aad u naxdin badan oo umad dhan oo tabaalaysan oo Dadkiisii iyo Dalkiisii ku sugan in doorashadu ma khusayso reer miiyiga u yidhi si yar halkuu uga damqan lahaa maadaamo waliba shaqadiisu ahayd U.N.
Xisbiga Kulmiye arintaasi wax yeelo siyaasadeed ayay u leedahay sababtoo ah umadu waxay eegaysaa shaqsiyaadka ku jirii ficiladooda iyo dareen koodu Halka uu ku aadanyahay ayay umada tusaysaa iyadoo waliba uu Maxamed Cali Bile ahaa shaqsi ku cusub saaxada siyaasada oo waliba hada uun soo galay umaduna aad ugu Han waynayd, nasiib daro lakiin halkaa muuqaal kale umadii amaba taageerayaashii Kulmiye kaga soo baxay Xisbigana dhaliil wayn u yeelay.
Prof Axmed Ismaciil Samatar isna isagoo dalka mudo ka maqnaa ayaa dalka kusoo noqday wakhti aad u xasaasi ahaa oo saaxada Sadexda Xisbi Qaran ololahoodu ahaa mid xaalad foolxun ku sugan kana baxsanaa saami socodkii olole iyo milguhuu lahaa, iyadoo xaalad abaaro oo ba’ani inoo dheeraayeen aadna aynu ula ildanayn.
Prof Axmed Ismaciil Samatar bandhig ayuu ku qabtay “Hargeisa Cultural Center” uu kaga hadlaayay marxaladii doorashadii Maraykanka iyo Trump. Yuxuu garan waayay, Dareemi waayay, arkina waayay Prof Axmed Ismaciil Samatar Marxaladii Dalku ku sugnaa wakhti xaadirkaas taagnaa ee aay ahayd in umadiisa iyo dhalinyaradii jaamacadaha dalkeena ka qalin jabiyay iyo kuwii ku gudo jiray wax barashadoodii jamacadaha ee sida wayn uga soo qayb galay iyagoo juhdigoodu ahaa inay ka fa’iidaystaan Professor ka.
Prof Axmed Ismaciil Samatar sida aynu wada ognahay Xisbul Xaakimka Kulmiye Ayuu ku biiray isagoo magac iyo sumcad ba u taray Xisbiga marka la eego heerkiisa aqooneed isagoo ah shakhsi aad u magac wayn oo Jamacadaha Maraykanka “lectures” ka jeediya marka aaynu ka tagno inuu yahay ashkhaasta amaba Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwa ugu magaca wayn. Waxa aan aad ula yaabay xaaladii taagnayd ee ABAARO iyo OLELE lahayd ee Dalkiisii iyo dadkiisiiba saamaynta xun ku haysay inuu ka doorbido in umadiisa uga xog waramo doorashadii Maraykanka iyo Trump ayaa waxa aay igu noqotay waran igu dhacay oo kale iyada oo aan iswaydiiyay Maraykan iyo Somaliland in Prof Axmed Ismaciil Samatar in uu aad u danaynaayay Maraykan Halka aay ka lahayd Somaliland in iyada uu daneeyo marxaladaheeda iyo maslaxadaheeda.
Aqoonyahan Maxamed Cali Bile & Prof: Axmed Ismaciil Samatar Laba Aan Xaalada Dalku Ku Suganyahay Aanay Dani Kaba Hayn ayaa bartaa iiga muuqatay markii aan labadoodaa ku miisaamay amaba aan ku minqiyaasay. Hadaba waxaa ina horyaala hadaynu nahay umadii reer Somaliland su’aalo dhowr ah oo aynu leenahay in Xisbiyada aaynu ku miisaano inagoo eegayna Ashkhaasta Xisbiyada ka kala Tirsan Ficiladooda iyo Hab dhaqan kooda ku aadan hadba sida aay uga JAWAAB celiyaan marxaladaha taagan amaba ugu ficil baxaan. Iyadoo aaynu ka qiyaas qaadan karno ninkii UMADA iyo QARANKA kii u Hagar baxaaya ee Xanaano iyo Dareenba uleh inaynu ugu fiiro yeelano HABKA aan labaa Shakhsi ee Xisbiga Kulmiye ka midka ah sidan aan isha iyo caqligaba aan ugu Miisaamay.
ADEN DEEQ