Aqoonyahan Si Wanaagsan Looga Yaqaano Somaliland Oo Muqdisho Xisbi Kaga Dhawaaqay

0
22

Prof. Cismaan Abubakar Dubbe Oo Ka Mid Ahaa Aqoonyahankii Qaybta Ka Qaatay Ee Qoray Barnaamijkii Xisbiga KULMIYE Uu Olalaha Doorashada Ku Galay Shalay Magaalada Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub

Muqdisho, (Hubaal) – Prof. Cismaan Abuukar Dubbe, oo si wanagsan looga yaqaano deegaanada Somaliland isla markaan si dhaw ula shaqayn jiray Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ayaa shalay Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed cusub oo lagu magcaabo, Xisbiga Nabbada Barwaaqada iyo Midnimada ee (HILOW).

Prof. Cismaan Abubakar Dubbe, ayaa sidoo kale ka mid ahaa aqoonyahankii qaybta ka qaatay ee qoray barnaamijkii Xisbiga KULMIYE uu olalaha doorashada ku galay ee lagu doortay Madaxweynaha Somaliland ee hadda Muuse Biixi Cabdi.

Cismaan Abubakar Dubbe oo shir-jaraaid oo uu ku shaacinayo Xisbi-siyaasadeed cusub ku qabtay magaalada Muqdisho

Waxaanu Professor-ka oo arintaasi xisbiga looga diiwaangaliyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaia uu yidhi “Waxaanu hadda ka soo baxnay xafiiska guddida diiwaangalinta asxaabta qaranka Somalia oo aanu ka soo diiwaangalinay xisbi cusub oo hankiisa, himiladiisa iyo hoggaankiisuba ku cusub yihiin dhagaha iyo maqalka shacabka Soomaaliyeed, 60 sanadood ayaa ka soo wareegtay markii Soomaalidu xornimada ay qaadatay ee ay ka qaadatay gumaysigii qaybiyey ee kala qoqobay, ummadihii wakhtiga inala qaatay xoriyadda 60-kaa sanadood ka hor ee dawladaha dunida ka mid ahaa, maanta waxay dageen oo ummadahoodii ay dajiyeen gurya-samo, gayigoodiina waxay ka dhigeen guri barwaaqo ah oo nabadd ah oo xasiloon. Laakiin nasiib-darooyin, dagaalo iyo dib u dhac ayaa ahaa inta kaga soo aaday Soomaalida, qaybtii ay duniddu qaybsatay,” ayuu yidhi Professor Cismaan Abubakar Dube, oo shalay xisbigiisii ka diiwaangaliyey magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here