Aqoonyahan/siyaasi ex-wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo kamid ah aasaaseyaasha iyo saraakiisha sare ee urur siyaasadeedka shacabka Somaliland ee SPP ayaa
Tallooyin qiimo leh u soo bandhigay guddida heer qaran ee loo saaray inay dersaaan xaallada suuqa Waaheen ee dabku ka kacay.
Aqoonyahan Garas oo Qora kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay degelka xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa uu ugu baaqay guddida inay deraasadooda ku wajahan qiimeynta xaalladda suuqa Waaheen iyo saamaynta uu ka tagay ahmiyada siiyaan sida ay u kala horreeyaan.
Qoraalka siyaasi Garas waxa uu u dhignaa sidan
“Ugu horreyn Illaahay ayaa mahad leh innagu awoodiisa inagaga bakhtiyey dabka. Alle ha u naxariisto kuwa ku dhaawacmayna Alle ha caafiyo. Inta khasaare dhaqaale ka soo gaadhay Alle ha ugu soo badalo badal khayer badan.
Intaa kadib waxaan halkan kasoo jeedinayaa
TALLOOYIN KU SOCDA
Gudidda loo magaacabay xaalada suuqa. Waxaan usoo jeedinayaa talooyin aan u arko in ay muhiim yihiin:
1. QIIMAYEN DHAB AH OO LA SAMEEYO (Very extensive Assessment): Maxaa khasaare dhaqaale lagu waayey suuqa? Xaga hantida moodka aheyd? khasaaraha dhismayaasha?.
2. Ogaanshaha Baahiyaha ka soo baxa qiimayentaas. Inta qoyes ama qof ee ay si dad ban iyo si toosa u saameeyey dhaqaale burburka yimid?.
3. Samaynta Mudnaanaha (Priorities) ay kala leeyihiin baahiyaha ka oo baxay qiimayenta la sameeyey?.
4. Nidaamka isku-xidhka iyo xog kala qaadashada gudidda iyo bulshada inteeda kale wadanka & dibadiisa, muwaadiniinta iyo taageerayasha kale ee Somaliland.
Hargeysaay ha dheeliyin
Ha dhantaalmin waligaa 💘