Aqoonyahanka Qalinka Daauud Oo Raad Arooryo Ku Tilmaamay Suul-daaro Ay Xukuumaddu U Dhigtay Golahooda Iyo Sawirro Shaambad Ah Oo Ay La Gashay

0
35

Gudaha Ka Akhri: War Murtiyeed Ay Soo Saareen Guddida Fulinta Ee Golaha Qalinka Daa’uud Oo Tooshka Ku Ifinaya Afur Hadoodilan Oo Lagu Tabceeyey Mabda’ooda

daauud

Hargeysa:(Hubaal)-Golaha ay ku Midaysan yihiin Aqoonyahanka iyo Waxgaradak Beelaha Daa’uud Garxajis oo lagu magacaabo Qalinka Daa’uud, ayaa si kulul u beeniyey inay xidhiidh la sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay si rasmi ah  meesha uga saareen warar arrimahaas la xidhiidha oo  warbaahinta qaarkeed lagu baahiyey. Golaha Qalinka Daauud  waxa ay  ka hadleen sawirrada  kulan afur ah oo ay wada yeesheen wasiirka warfaafinta, kuwaas ooo baraha xidhiidhka bulshada (Websites) lagu baahiyey iyadoo ujeedadii kulanka la dhalan rogay. War qoraal ah oo Bahweynta Aqoonyahanka Qalinka Daa’uud soo saareen, gaar ahaan Guddidooda Fulintu oo Nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal, ayaa lagu sheegay in Golaha Aqoonyahanku aanu sinaba ugu qanacsnanayn Saamiga Beeshu ku leedahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana aanu jirin wax xidhiidh oo ay xukuumadda la sameeyeen. Qoraalka Aqoonyahanku soo saareen ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:

Qoraalkan waxa uu Golaha Qalinka Daa’uud ku beeninayaa warar lagu daabacay mareegaha wararka oo ku saabsanaa shir dhex maray xubno Golaha ka tirsan iyo xubno Xukuumadda ka tirsan kana qabsoomay Royal Hotel taariikhdu markii ay ahayd 03/07/2015, shirkaas oo laga majaro habaabiyay nuxurukii iyo ujeeddooyinkii la isugu yimid oo ahaa la xisaabtanka masuuliyiinta dawladda ku jira ee beesha.

Haddaba, waxa ayaan-darro ah in la isku dayay in la muujiyo sawir ah in ay beeshu ku qanacsan tahay saamiga ay ku leedahay xukuumadda Siilaanyo, balse waxa ay xaqiiqdu tahay in Golaha Qalinka Daa’uud iyo beelwayntuba ay wali ka midaysan yihiin tabashooyinka isbiirsaday ee aan wali waxba laga qaban, taasoo ay way beeshu qabto, waxaase ayaan-darro ah in la isku dayo in cadceed sacab lagu qariyo xaqiiqdana laga been sheego.

Waxa uu Qalinka Daa’uud mar kale halkan ku caddaynayaa in ay waxba kama jiraan tahay arrintaa sida loo bandhigay iyo in ay tahay in sawir been ah Qalinka laga bixiyo, waxaase nasiib wanaag ah in aan marnaba la qarin karin shakina la galinkarin hawlaha horumarineed ee Qalinku uu beesha ugu taagan yahay in ay hesho sadkeeda iyo wixii ay qarankan xaq ugu leedahay.

Ugudanbayn, waxa aanu si hufan ugu soo jeedinaynaa masuuliyiinta beesha in ay ku mashquulaan taabo-galinta hawlaha qaranka iyo inay beesha xaqqeeda u doonaan halkii ay wax kale oo ka liita kaga mashquuli lahaayeen.

Allaa Mahad Leh.

Guddida Fulinta,

Qalinka Daa’uud

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here