“Kulankan Raysal wasaaraha Israaiil Netanyahu uu la qaatay madaxda bariga Afrika waxa ka maqnaa Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan, Sababtuna kollay waa arrinta reer Falastiin iyo colaadda hadda iska noqotay cuqdad bulsho ee u dhaxaysa Carabta iyo Israaiil”
Kulankan Raysal wasaaraha Israaiil Netanyahu uu la qaatay madaxda bariga Afrika waxa ka maqnaa Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan, in kasta oo aan maqlay m/weyneha Somaliya Xasan sheekh mar ayuu u dhuuntay oo uu la shiray raysal wasaareha.
Haddaba, dalalkan waxa ay uga maqnaadeen kollay waa arrinta reer Falastiin iyo colaadda carabta iyo Israaiil ee hadda iska noqotay uun cuqdad bulsho ka dib markii siyaasaddu ku badhi furtay. Imika ma jirto colaad siyaasadeed iyo mid ciidan amaba xataa dhaqaale oo ka dhexaysa carabta amaba muslimiinta iyo Israaiil se waxa jirta cuqdad bulsho oo ka dhexaysa. Duulalka garashada laga gaasiray oo kaliya ayuun baana badanka ku nool cuqdad beri gashay !
Wareysi ay Aljzeera ka qaadday Daahir Rayaale , m/weyehii hore ee Somaliland, ayaa ay weydiisay waxa uu kaga jawaabayo eedda loo soo jeediyo ee ah in Somaliland xidhiidh la leedahay Israaiil? Waxa uu yidhi : ‘Waa eed ay naga sameeyaan dalalka carabta ee diiddan arrintayadu, waxa se aan la yaaba waxa xidhiidhka Israaiil eed ka dhigay marka ay anaga timaaddo ee aanay markooda dhib ugu arkin, waayo dalalka carabtu xidhiidh toos oo qoto dheer ayay la leeyihiin Israaiil ! Annagu hadda wax xidhiidh ah lama lehin Israaiil se hadii ay diyaar u tahay wax noo diidayaa ma jiraan’ !
Maamulka Falastiiniyiintu waxa uu xidhiidh joogto ah oo dhan kasta ah la leeyahay Israaiil, ururka Xamaas iyaga ayaa qayb ka qaatay in Turkigu dib u soo ceshado xidhiidhkiisii go’ay ee Israaiil si uu ugu noqdo dhexdhexaadiye ay ku kalsoon yihiin oo ay kaga maarmaan Masar oo Israaiil la jirta. Dalalka Carabta badankoodu, marka laga yimaaddo kuwa masaakiinta ah sida Soomaaliya , Suudaan, Jabuutii IWM , xidhiidh heer walba leh ayay la leeyihiin, oo Sucuudigu muddo dhawr iyo toban sano ah waxa uu wadaa hindise ah in carab oo dhan wada aqoonsato Israaiil oo xidhiidh wanaagsan la yeelato, Israaiilna ka baxdo dhulkii ay ku qabsatay dagaalkii 1967-kii. Hindisahan oo Israaiil ka cago jiidayso !
Runtii maanta colaaddii Israaiil iyo carabtu waa ay iska dhammaatay, waliba qarnigii hore ayay dhamaatay, 20 sano wax ka badan waxa ay ku soo ururtay xogaa reer Falastiin ah iyo Israaiil, imika ma jiro dal carbeed iyo xitaa falastiiniyiin dalbanaya in Israaiil la baabiiyo ama la xoreeyo Falastiintii Ingiriisku guumeysan jiray, taasi waxa ay ku soo hadhay oo kaliya khudbadaha jimceha ee maarrarowga ah ee masaajiddeena laga akhriyo oo badanka habaarka lagu daro, kaliya waxa la isku haystaa naga yar durug iyo Qudus anaga ha na raacdo iyo idin raaci mayso, se dadka war moogta ah sida soomaalida ayaa wali qarnigii hore sawaxankiisii ku jira. Haddii Somaliland ka tanaasushay dhulkeedii Ingiriis shalay siiyay xabashi (1954-kii) oon waliba nabad iyo is kaashi ku la nool nahay Itoobiya in aan surucyo isku kicino marka la soo qaado Israaiil sow waali iyo wareer ma ah ?! Marraa waaxid waa nacasnimo!
Anigu, Maxamed ahaan, waxa aan u arkaa Israaiil dawlad dulmi ku qotonta oo duudsi ku jirta, haddana siyaasaddu waa farsamada ‘maamulidda danta’ ciddii wax aan sidaa ahayn siyaasad ugu dhaqmaysa waxa ay u baahan tahay in dib loogu qeexo siyaasadda oo ay ka baxaan waxa ay ku shuqlan yihiin ee ay siyaasadda moodayaan. Fursadaha kanbalka imanaya ha laga faaiidaysto”.
W/Q: Maxamed Cabdillaahi
Facebook: https://www.facebook.com/profile.php?id=100011618897783