Aragtiyo Farxad iyo Murugo Xambaarsanaa Oo Hoggaamiyayaasha Xisbiyadu qaranku ka Muujiyeen Go’aankii Maxkamadda Sare Iyo Jawigii Wajiyadooda

0
36

Hargeysa:(Hubaal)-Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada qaranka Somaliland ayaa dhammaantood soo dhaweeyey Go’aankii ay Maxkamadda Sare ka gaadhay Murankii siyaasadeed eek a dhashay Muddo-kordhintii xukuumadda loo sameeyey, waxana ay  sheegeen inay Go’aankaas taageeri doonaan.niyada mucaaridka ee go'aankii maxkamada

Hoggaamiyayaashan oo Goob-joog ka wada ahaa madashii Go’aankaas lagaga dhawaaqayey, ayaa wajiyadooda laga dheehanayey dareemo kala duwan, waxana ka muuqatay inay qaarkood qabeen dareenno dhiilleed oo ay adkaatay inay goobtaas kaga dhawaaqaan maadaama ay goobtu ahayd  meel arrimo sharci lagu falanqaynayey.

Guddoomiyayaasha mucaaridka, ayaa laga dheehanayey wajiyadooda wax ka duwan wixii ay goobta ka sheegeen ee ahayd inay Go’aanka raacsan yihiin, waxana si gaar ah  wajigiisa murugo iyo cadho badan looga arkayey Guddoomiyaha Waddani Mudane Cirro oo isaga cadhadiisa laga dhex dareemay Hannaankii uu dareenkiisa udhiibtay oo aad u koobnaa.

“annagu Go’aanka Maxkamaddu ayaanu qaadanay Wakhtiga ay gooyeenna waa aqballay.” Ayuu kusoo koobay Mudane cirro oo saxaafaddu waydiisay Aragtidiisa la xidhiidha Go’aanka Maxkamadda Sare.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isaguna Dareenkiisa dhiibtay, ayaa carrabka ku ballaadhayey in Go’aanka Maxkamadda inkastoo ay aqbaleen haddana uu  halis ku hayay jiritaanka Dalka, “Go’aanka maxkamadda waa lagu khasban yahay in la aqablo inkastoo aanu u aragno in Go’aankaasi yahay mid wayeello badan gaadhsiin kara Dalkeena, Duuduubna waanu ku liqnay Kiniinkaas qadhaadh.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Inkastoo ay Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaridka ahi muujiyeen Dareen aanay afkooda soo marin karaynin, balse uurkooda ka guuxaya, waxa isagu dhoosha ka qoslayey oo si weyn usoo dhaweeyey Go’aankaas Maxkamadda Gudddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxana uu si dheel dheel ah u sheegay in Go’aankaasi soo afjaray Buuqii siyaasadeed ee Dalka, “ Maanta Maxkamaddii sare ee Somaliland ayaa qaraar kasoo saartay arrintii la Hadal hayey ee Doorashada, waxana ay soo saartay qaraar ah in la raaco Go’aankii Guurtida. Hadalkiina Halkaasuu ku dhammaaday siduu yahayna waa loo fulinayaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Qaraarka Maxkamadda Sare  ee shalay ayaa ahaa mid Ninba si ku ahaa, waxana shacabka intiisa badani Go’aankaas u arkaan mid lasii saadaalinayey oo  lasii odorosayey inaanu ka duwanaan doonin Go’aankii Guurtida, balse su’aasha taagan ayaa ah Halka uu ku dambeeyey  La-tashiyadii uu Guddoomiyaha Maxkamaddu la yeeshay Ururrada Bulshada, Xisbiyada, Komishanka iyo Talooyinkii uu muddada ururinayey oo intooda badani ahaa qaar ka fogaa go’aanka uu haatan soo saaray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here