Tobanka Hablood Ee ugu Sarreeyey Dugsiyada Gaarka Ah ee Dalka oo Dhan Waxa Uu Ka Helay Toddoba Arday+ Tobanka Wiil Ee ugu SArreeya Wiilashana Waxaa Helay afar Arday+Tobanka Ugu Sarreeyey Guud Ahaan Dalkana Waxaa Uu Ka Helay Laba Arday
Hargeysa (Hubaal)- Ardayda dugsiyada Nuuradiin Secondary Schools ayaa guullo wax ku ool ah kasoo hooyay natiijadii imtixaannaadka shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee dugsiyada sare sanad dugsiyeedka 2016/2017 oo maalintii shalay ahayd ay ku dhawaaqday wasaaradda waxbarashadu. Ardaydan ayaa kaalmaha hore ka galay liiska ardaydii ugu sarraysay imtixaannaadka qaranka ee dugiyada sare.
Natiijadan imtixaannaadka ayaa ay labada qaybood ee Noradin Secondary School ka kooban yahay [Qaybta hablaha iyo qaybta wiillasha] waxaa ay urursadeen dhibcihii kaalmihii ugu sarreeyey imtixaannaadka. Si kale haddii loo dhigo liiska tobanka arday [Top 10] ee ugu sarreeyey gabdhaha dalka oodhan waxaa dugsiga Nuuradiin ku guulaystay toddob arday, kuwaas oo kala ahaa: Asma Yuusuf Aadan Cabdi [Nuuradiin Girls Secondary School] oo kaalinta koowaad u gashay tobanka hablood ee ugu sarreeyey dugsiyada gaarka ah ee dalka oo dhan, Amaal Maxamed Xasan Jaamac [Nuuradiin Girls Secondary School] oo iyana kaalinta labaad u gashay tobanka hablood ee ugu sarreeyey dugsiyada gaarka ah ee dalka oo dhan, Samda Mustafe H. Askar Abdillaahi [Nuuradiin Girls Secondary School] kaalinta saddexaad u gashay tobanka hablood ee ugu sarreeyey dugsiyada gaarka ah ee dalka oo dhan, Muuna Cabdirashiid Ciise Xasan [Nuuradiin Girls Secondary School] kaalinta afraad u gashay tobanka hablood ee ugu sarreeyey dugsiyada gaarka ah ee dalka oo dhan, Hibaaq Jaamac Cumar Axmed [Nuuradiin Girls Secondary School] kaalinta Toddobaad u gashay tobanka hablood ee ugu sarreeyey dugsiyada gaarka ah ee dalka oo dhan iyo Istaahil Aadan Xuseen Axmed [Nuuradiin Girls Secondary School] kaalinta Tobnaad u gashay tobanka hablood ee ugu sarreeyey dugsiyada gaarka ah ee dalka oo dhan.
Sidoo kale dugsigu waxaa uu afar kaalmood ka galay tobanka arday ee ugu sarreeyay innamada dugsiyaga gaarka loo leeyahay ee dalka oodhan kuwaas oo kala ahaa: Khaalid Maxamed Odowaa Tukaalle [Nuuradiin Boys Secondary School] oo kaalinta koowaad u galay ardayda innamada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan, Yaxye Cabdi Gaaxnuud GAas [Nuuradiin Boys Secondary School] oo kaalinta labaad u galay ardayda innamada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan, Xamse Cabdillaahi Muxumed Maal [Nuuradiin Boys Secondary School] oo kaalinta shanaad u galay ardayda innamada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan, iyo Guuleed Mxumed Jaamac Xuseen [Nuuradiin Boys Secondary School] oo isaguna kaalinta sagaallaad u galay ardayda innamada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan.
Sidoo kale Samatar Ismaaciil Xuseen X. Cabdi oo ka tirsan dugsiga Nuuradiin 4 ayaa isaguna waxaa uu kaalinta afraad ka galay liiska tobanka arday [wiil] ee dalka oodhan ugu sarreeyey. Halka XAnnaan Aamin Ismaaciil Axmed ooiyaduna ka tirsan Dugsiga Nuuradiin 1 ayaa kaalinta saddexaad waxaa ay ka gashay liiska tobanka hablood ee ugu sarreeyay imtixaanka dalka oo dhan.
Isku soo wada duub oo tirada ay ardayda faracyada kala duwan ee uu ka kooban yahay dugsiga sare ee Nuuradiin oo dhammaantood ku yaalla gobolka Maroodi jeex waxaa ay natiijada imtixaankan ka soo hooyeen guullo la taaban karo isaga oo noqday dugsiga kaliya ee dhammaan dugsiyada oodhan [mid gaar ah iyo mid dawli ah] ay 13 arday oo ka tirsani ku soo baxeen liisaska TopTens-ka natiijada imtixaannaadka.
Maamulka dugsiyada Nuuradiin Secondary School ayaa shir jaraaid oo ay shalay galabnimadii ku qabteen magaallada Hargeysa waxaa ay hambalyo ugu direen ardayda lilbta u soo hoysay dugsigooda ooay ku tilmaameen kuwo tacabkiii la galiyey kamidho dhaliyey.
Shaxda Liisaska halkan hoose ka akhriso