GUDAHA KA AKHRI: Ardaygii U Sarreeyey Somaliland Oo Rikoodh Cusub Dhigay + Aasaasaha Ahna Maamullaha Guud Ee Noradin Schools Oo Ka Hadlay Guusha Ay Ka Soo Hooyeen Imtixaanka GCSE-ga
Hargeysa (Hubaal) – Dugsiyada sare ee nuuradiin-schools oo ka mid ah dugsiyada ugu waxbarashada tayada fiican dalka ayaa mar kale kaalinta koowaad u galay imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2015-2016, kaasi oo maalintii shalay lagu dhawaaqay natiijadiisa. Ardaygii ugu dhibcaha sarreeyey dalka kana mid ahaa ardayda ka socotay Dugsiga sare ee Nuuradiin waxa uu keenay dhibco dhan 748-dhibcood. Waxa xusiddeeda leh, in ardaygaa kaalinta koowaad ka galay Imtixaanaadkii Qaran uu ka sarreeyey Ardayga ku soo xiga ugu yaraan 10 dhibcood, Halka taa beddelkeeda, natiijada tobanka arday ee ugu sareeya Imtixaanaadka Qaranku aanay kala sarrayn dhibco u badan inta uu ka sarreeyo Ardayga kaalinta koowaad ardayga ku xiga ee galay kaalinta labaad. Maamulaha guud ahna aasaasaha dugsiyada Nuuradiin School X. Mahad Ibraahin Maxamed ayaa soo bandhigay liiska derajooyinka ay ardaydaasi ka heleen guud ahaan natiijada la shaaciyey. “Waxaan warbixintaas hore ka daba gaynaynaa sida ay ardaydu u kala keeneen derajooyinka ama Grades-ka A iyo B. Somaliland oo dhan ardayga ugu sarreeyey Imtixaanka dugsiyada sare waa arday ka socda dugsiga innamada ee Nuuradiin Secondary School. Magaciisu waa Sacad Maxamed Maxamuud. Ardaygan marka loo fiirsado derajada Imtixaanka ee u keenay marka loo eego ardayga ku soo xiga waxaa mustawaha dhibcihiisa uu ka sarreeyaa toban dhibcood. Sacad wuxuu keenay 748 dhibcoood, ardayga kaalinta 2aad u galayna waxaa uu keenay 738 dhibcood”. Sidaa ayuu yidhi maamulaha guud ee ahna aasaasaha dugsiyada Nuuradiin Schools Xaaji Mahad Ibraahin Maxamed oo maalintii shalay warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa, wax yar kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Imtixaanka, waxaanu intaa ku daray “ Illaahay baa mahad leh, waa guul aad iyo aad u weyn oo baaxad leh waanu ku hambalyaynaynaa. Waxaa kale oo iyaduna guul labaad ah iskuulka jamhuuriyadda oo dhan marka laysku daro haysta derejada A-da ugu badan waa Iskuulka Nuuradiin Boys Secondary School. Guud ahaan ardayda wadanka oo dhan marka laysku daro inta keentay derejada A STAR waxa weeye tiradoodu 43 Arday, Iskuulka Nuuradiin Boys Secondary School tiradaas waxaa uu keligii ka helay 14 Arday, taas macnaheedu waxaa weeyaan ISkuulka ugu badan dalka oo dhan ee haysta A STAR Waa Nuuradiin, aad bay u dadaaleen ardaydaasi aadna waanu ugu hambalyaynaynaa”. Ayuu yidhi Mahad Ibraahim, waxaanu intaa ku daray mar uu ka warramay ardayda dugsiyada Nuuradiin ee Imtixaannaadka u fadhiistay “Haddaan sii kala faahfaahiyo ardayda Nuuradiin ee Imtixaanka galay, innamadu waxa ay ahaayeen 238 Arday, tiradaas waxaa derajada A STAR Keenay 14 Arday, Derejada A Waxaa keenay 94 Arday, B STAR WAxaa keenay 126 Arday, halka C ay 4 Arday Keeneen. Hablaha haddii la eego waxa imtixaanka u fadhiistay 261 hablood, 83 hablood oo kamid ahi A bay keeneen, 170-na waxaa ay keeneen B, 8 habloodna C bey keeneen. Run ahaan tan oo kale waxaa la yidhaahdaa guul baaxaddeedu ay aad iyo aad u ballaadhan tahay”. Ayuu hadalkiisa ku ladhay maamuluhu.
Geesta Kale Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiyada Nuuradiin-Schools waxa uu leeyahay kaalinta afraad. Haddii aan deymoodo guulo kale oo hor leh, ardayda ka tirsan Dugsiyada Nuuradiin Hablo iyo ka Innamaduba natiijada Imtixaanka Fasalada Afraad ee Dalka.Dugsiga Sare ee Innamada (Noradin Boys’ Secondary School) tirada ardayda u fadhiisatay oo dhammayd 238 arday. Sidan hoos ku sheegan, ayey ahayd guulaha ay soo hooyeen:- Tobanka Arday ee u sareeya, waxa ay galeen Kaalinta Koowaad, Kaalinta Afraad ee Tobankii Kaalmood ee ugu sarreeyey Natiijada Imtixaanaadkii Qaran ee Fasalada Afraad.
Dhawr iyo Toban Kun oo arday oo u fadhiistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalada Afraad ee Dalka oo dhan, waxa keenay Derajada ‘A Sare’ amma ‘A Smart’ tiro dhan 76 arday dalka oo dhan. Dugsiyada Nuuradiin, waxa ay ku leeyihiin Ardeyda ku guuleystey ama keentay ‘A Smart’ 16 Ardey oo noqonaysa(boqolkiiba labaatan) 20% guud ahaan Ardeyda dalka.
Dhammaan Ardaydii u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada Afraad, ardayda Nuuradiin ka socotay ee keentay Derejada “A Togan” amma ” A” waa 94 Arday.- ”B Taban” amma ” B Negative” waxa Nuuradiin ka keenay 126.- Derejada ‘C’ na 4 arday.- Ma jirto wax arday ah oo keenay Derejada ‘D’.Gobolka Maroodi Jeex, haddii aynu eegno, Dugsiyadda Nuuradiin waxa ay ka muuqdeen martabad sarre oo u saamaxday in ay muddanyihiin mansabka loogu yeedho, oo ah ”Horyaalka Dugsiyadda Sare” Waana Talaabo kutimid xaqiiqooyinka ku gedaaman Kaalmaha ay ardaydoodu ka soo muuqanayeen Imtixaanaadka Qaran ee Fasalada Afraad ee dalka oo dhan sannadihii ugu danbeeyey.
Marka dib loogu soogu noqdo Gobolka Maroodi Jeex, ee Caasimada Hargeysa Xarunta u tahey Ardayda guud ahaan keentay ‘A Smart” waa 27 Ardey taas oo Dugsiyada Nuuradiin ku leeyihiin 16 arday, oo noqonaya Tirada ugu badan Gobol ahaan inuu Dugsigaasi helay waana (boqolkiiba lixdan) noqonaysa 60% in ay yihiin.Dugsiga Sare ee Hablaha ee Nuuradiin “Noradin Girls’ High School” kama laalaadaan dhiggooda innamada ee isla Nuuradiin.Natiijooyin waalid, maamul iyo macalliinba lagu diirsaday ayay ka soo hooyeen Imtixaanaadkii Qaranka ee Fasalada Afraad.Isla Dugsigaa, tirada Hablaha u fadhiisatay oo dhammaa 261; Derejadda ‘A’ waxa keenay 83 hablood. Halka Derejada ‘B’ na ay keeneen 127 hablood. Derejada ‘C’ na 8 hablood. Manay jirin wax arday ah oo gashay Derejada ‘D’ hablo iyo inna toona Dugsiyada Sare ee Nuuradiin.