Ardaydii Dugsiyada Sare Ee Aan Gudbin Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Oo Saaka Loo Bilaabay Imtixaan Aan Caadi Ahayn

0
256

Wasiirka   Waxbarashada Iyo   Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka  Oo Daah-furay Imtixaanka Ardaydii Aan Ku Guulaysan Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Sannad Dugsiyeedkii 2016-2017

Hargeysa (Hubaal) -Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faratoon iyo Gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Daauud Axmed Farax ayaa   si rasmi ah u daah-furay imtixaan ku celis ah oo  laga qaaday ardaydii aan ku guuleysan imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedkii 2016-ka ilaa 2017-ka kuwaasi oo ahaa ardaydii fasalka afraad ee dugsiyadda sare. Imtixaankan ayaa saaka ka bilaabmay labada dugsi ee 26-ka June iyo dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Bashiir. Ardaydan imtixaanka u fadhiistay ayey tiradoodu dhammayd (1800) kun iyo seddeed boqol oo arday kuwaasi oo ka kala socday dhammaan goboladda Somaliland oo dhan. Ardaydani waxay geli-doonaan (10) toban maado oo ah maadooyinka lagu dhigto dugsiyadda sare. Imitixaanku waxa uu socon doonaa shan maalmood oo ka bilaabma 28/1/2018-ka ilaa 2/2/2018-ka. Ardaydan ayaa muddo afar bilood ah dib loogu tayeynayey dugsiyadda dalka si loogu diyaariyo in ay dib ugu fadhiistaan imtixaankii ay hore u waayeen. Imtixaankan ayaa ah mid aan hore u jiri jirin kaasi oo fursad lagu siiyey ardaydii sannad dugsiyeedkii 2016-ka ilaa 2017-ka lagu siiyey fursad si ay uga faa’iidaystaan, waxaanu noqon doonaa kii ugu horeeyey uguna danbeeyey ee ay wasaaradda waxbarashaddu abid u fidiso guud ahaan ardayda Somaliland oo dhan. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Md. Yaasiin Faratoon, gudoomiyaha imtixaanaadka qaranka Md. Daauud Axmed Faarax, agaasimaha waaxda tayadda ee wasaaradda waxbarashada Md.Maxamed Saleebaan Cumar iyo af-hayeenka wasaaradda waxbarashadda Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa   subaxnimaddii kormeer ku soo sameeyey dugsiyadda ardaydaasi ku galayeen imtixaanka, waxaanay intaa ka bacdi masuuliyiintaasi saxaafadda kula hadleen xarunta imtixaanaadka qaranka, waxaanay ka war bixiyeen imtixaankan iyo inta uu socon doono iyo ardayda u fadhiisatay.

 

Waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda tayada Mudane Maxamed Suleymaan Cumar waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; “maanta oo ay taariikhdu tahay 28/1/2018-ka waxaynu halkan u fadhinaa daah-furka imtixaanka ardaydii aan ku guuleysan imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedkii 2016-2017-ka ee wasaaradda waxbarashadda iyo saynisku u furtay barnaamijka kaabista iyo dib u tayeynta ahaa kaasi oo afartii bilood ee u danbeeyey looga waday goboladda iyo magaalooyinka Somaliland oo dhan. Ardaydaas aan ku guuleysan imtixaanka oo tiradoodu dhammayd 1814 arday, waxa maanta imtixaanka u fadhiistay tiro ku siman siddeed boqol oo arday (800). Wax badan baa ardayda Danni la gelinayey oo la lahaa arrintani waa gole kaga kac oo maaha wax jira, laakiin waxa maanta cadaatay in arrintaasi sidii talagalku ahaa u dhacday oo ay hirgashay. Waxa kale oo guul weyn ah in la dagaalankii qishku meel maray oo halkaa laga sii wadi doono mustaqbalka insha allah”. Ayuu yidhi agaasimaha waaxda dib u tayaynta ee wasaaradda waxbarashada Somaliland.

 

Gudoomiyha imtixaanaadka qaranka Mudane Daa’uud Axmed Faarax ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxaanu ka war bixiyey imtixaankan, waxaanu gudoomiyuhu xog ka siiyey wasiirka wasaaradda waxbarashadda oo isagu wasaaradda xiligii la bilaabay barnaamijkan aan joogin waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; “Mudane Wasiir; waxa   noo farxad ah in aad nagala soo qayb-gasho imtixaan qeyru-caadi ah kaasi oo aan hore aanaan u qaadin kaasi oo ugub ku ah xafiiska imtixaanaadka qaranka. Ardaydan aan   fursadda dib u imtixaamista ah aan siinaynaa waa ardaydii aan gaadhin derajooyinkii loo baahnaa ee imtixaankii sannad dugsiyeedkii 2016-2017-ka. Imtixaankani waxa uu socon doonaa 10 maado, waxaanay maalintiiba geli doonaan 2 maado, sida noo qorshaysan imtixaankan waxan ku soo saari doonaa mudo kooban oo shan maalmood ah. Waxan ku adkaynayaa in imtixaankani noqon doono kii ugu horeeyey, dibna u qaadi mayno sidaa darteed waxan ardayda iyo waalidiinta u dirayaa fariin adag oo ku wajahan in la dagaalankii qishku halkiisii yahay. Ciddii lagu qabto moobil ama qish waxa uu waayi doonaa imtixaankiisa waana la masixi doonaa natiijadda imtixaankaasi”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha xafiiska Imtixaannaadka qaranka Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Yaasiin X Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ugu danbayntii halkaasi hadal ka soo jeediyey waxaanu ku bilaabay; “halkan maanta [shalay] waxan ku daah-furaynaa imtixaan aan caadi ahayn kaasi oo aan hore u soo marin xafiiska imtixaanaadka qaranka kuwaasi ah ardaydii dhacday imtixaanadii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedkii hore kuwaasi oo aan gaadhin derajooyinkii loo baahnaa, kuwaasi oo sida la sheegay hoos u dhacooda uu sabab u ahaa iyaga oo soo qaatay aalada moobilada balaadhan ee u fududeeya qishka imtixaanka. Wasaaradda waxbarashadda oo xilligaa adkaysay la dagaalanka qishka ayaa waxa dhacday in arday badani weydo imtixaankaa. Haddaba wasaaradda oo naxariis u muujisay ardaydaasi maadaama oo la dagaalanka imtixaanku xilligaa ahaa qaflad lagu qabtay waxay wasaaraddu garawsatay in fursadan la siiyo, waxanse cod dheer ku sheegayaa in fursadani sannadkaa ku koobnayd oo aan dib loo siin doonin fursadan. La dagaalankii qishkuna weli halkiisii ayuu ahaan doonaa waanan sii xoojin doonaa imtixaanadda soo socda insha allah”.


 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here