“Arrin Kasta Oo Khuseeya Horumarka Iyo Siyaasadda Waxaa Uu Ciidagalle U Daba Fadhiisanayaa Guddida SAHAN BARWAAQO”

0
43

Guddida Guud Ee Sahan Barwaaqo Oo Shaaciyey War-murtiyeed Saameynaya Jileyaasha Masraxa Siyaasadda, Laguna Taageeray Heshiiskii Laga Gaadhay Banka Qool-

Hargeysa (Hubaal) – Guddida horumarinta Bulshada ee loo yaqaanno Sahan Barwaaqo ayaa soo dhaweeyey heshiis hor dhac ah oo lagu xalliyey xiisaddii dhawaan ka aloosantay fulinta mashruuca seeraynta Banka Qool-caday. Shir jaraa’id oo uu Afhayeenka Ee Sahan-Barwaaqo Chief Caaqil Maxamed Cabdillaahi Maxamed iyo xubnaha kale ee Guddida Guud Ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa lagu shaaciyey war murtiyeed shan qoddob ka kooban, kaasi oo ay sheegeen in shirar dhawr ah oo ay maalmihii la soo dhaafay kaga arrinsadeen qaddiyadan kadib ay isku waafaqeen in la taageero heshiiskii laga ay xukuumadda Somaliland iyo bulshada deegaanku ku soo afjareen arrinta Banka Qool-caday. Sidoo kale waxaa ay guddida Sahan Barwaaqo sheegeen in ay guddi ahaan dhex u yihiin jileyaaasha masraxa siyaasadda kulmiyey isla markaana ay u siman yihiin ixtiraamna u hayaan xisbiyada qaranka Somaliland. Dhanka kale, Guddida Sahan-Barwaaqo waxay baaq-nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee xurgurftu ku dhexmartay deegaanka Dharkayn geeyo ee gobolka Sool.SB1-768x466

Haddaba Go’aammada ay soo saartay Sahan-Barwaaqi oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska HUBAAL Xalay, waxaa ay u dhignaayeen sidan:

  1. Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo waxay u xilsaarantahay Horumarinta iyo Siyaasadda Beesha Ciidagale, sidaas darteed arrin kasta oo khuseeya Horumarka Deegaanka Beesha iyo Arrin kasta oo saamayn ku yeelan kara deegaanka iyo Beeshaba waxa loo daba fadhiisanayaa guddida guud ee Sahan-barwaaqo ee Ciidagale u igmaday.
  2. Haddaanu nahay guddida Sahan-Barwaaqo waxaanu taageersanahay go’aankii u danbeeyay ee Mashruuca Banka ee darafyadu ku kala aragti duwanaa ay heshiis ka gaadheen , kuna heshiiyeen arrimaha Biyaha, Xanaanooyinka Xoolaha iyo Wadada Cad.
  3. Wasiirrada beesha xukuumadda ugu jira iyagaa ka mas’uula isku xidhka beesha iyo xukuumadda, shaqaalaha kala duwan ee xukuumadda ka hawlgala waa inay ku eekaadaan shaqadooda ay xukuumaddu u xilsaartay.
  4. Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo waxay dhex-dhexaad u yihiin saddexda xisbi qaran ee Somaliland, iyagoo xisbi walba ixtiraam u haya.
  5. Guddida guud ee Sahan-Barwaaqo waxay baaq-nabadeed u diraysaa Beelaha walaalaha ah ee Xurguftu ku dhex martay deegaanka Dharkayn-geeyo ee gobolka Sool, isla markaana ay joojiyaan dagaalka oo caqligu shaqeeyo, wixii wada-tashi ahna la iskugu yimaado.

Wa Billaahi Towfiiq

Chief Caaqil Maxamed Cabdillaahi Maxamed

Afhayeenka Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here