“Arrinta Saldhigga Militeri Ee Imaaraadka Looma Gelin Sidii Ku Haboonayd, Waxana Ay Ahayd Intii Aan Baarlamaanka….”Mujaahid Xasan Ciise

0
31

xasan ciise

Hargaysa:(Hubaal)-Guddoomiyihiii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac waxa uu sheegay in habkii loo galay meelmarinta Heshiiskii  Imaaraadka  Saldhiga Milatari ee berbera aannu habboonayn, isaga oo  iftiimiyay in dhinacyaddii arrintaas maamullaayay aannay wakhti ku filan siinin.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo qoraal kooban kaga hadlay fadhigii wada-jirka ahaa ee Baarlamaanku ku Ansixiyay heshiiskii imaaraadka ee Saldhiga Berbera, ayaa nuqul ka mid ahi waxa uu soo gaadhay Wargeyska Hubaal, waxa uu daboolka ka qaadday in wali wakhti badan la haysto oo dhinacyadda iska soo horjeeddaa isku qancin karraan.

Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac waxa uu tilmaamay sida ay muhiimka u tahay midnimadda bulshadda Somaliland marka ay tahay arimaha aasaasiga ah, waxaannu yidhi “Arrinta Saldhiga ciidan ee Imaaraadka ee la yidhi Berbera halaga siiyo looma gelin sidii ku habboonayd. Waxay ku hagaagsanayd arrintaasi in ka hor intaan la horgayn Baarlamaanka in Wakhti loogu talo-galo in labadda dhinac ee qolanna taageerayso Saldhiga Milatari, qolanna diiddan tahay ay is-qanciyaan. Waxaan soo jeeddinayaa in dib loogu noqdo dariiqii saxa ahaa ee wada-tashiga iyo is-qancinta.”

Xasan Ciise Jaamac isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Waxa muhiim ah in aynu wali haysanno wakhti aynnu ku raaddino qanaacaddii labadda dhinac ee lama huraanka ahayd, sababtoo ah midnimadda Somaliland waa innagu qasab markay timaado arrimaha aasaasiga ah, Somaliland-na halkan waxay ku soo gaadhay wada-tashi iyo is-qancin, waxaan markaan soo jeeddin lahaa in Odayaashii awalba waan-waanta ka shaqayn jirey ay arrinta dakhso u gallaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here