Arxan Darrada Xukuumada: Shil Gaadhi Oo Intaan Dhaawicii La Qaadin Wadada Same La Yidhi
(Ku Tacadiga Iyo Ku Tagri Falka Dadka Dhibaataysan)
Bismillaah; marka hore waxaan leeyahay dhamaan bulshada muslim ka ah Ramadaan kariim, ilaahay haynaga yeelo ku bishan barakaysan ee ramadaanka loogu danbi dhaafo, intaas ka dib waxaan si gaara ula hadlayaa bulsho waynta reer Somaliland oo aan leeyahay ramadaan kariim.
Intaas kadib; hadaan u gunda dego mawduuca qoraalkaygan oo ah muwaadinku waa kuma, waayo dhamaan teen waxaynu sheeganaa muwaadiniin Somaliland ah, hadana markaad dhinac ka eegto is odhan maysid qof muwaadin ah ayaa dalka jooga madax iyo minjaba.
Markaad aragto hagar daamooyinka laysu gaysanayo eek u salaysan dhinacyada dhaqaalaha horumarinta bulshada danyarta ah iyo ku tacadiga dadka taagta daran oo aan haba yaraatee wax naxariis ah kala kulmin dadka awooda ama maamulka haya.
Waxa wax lala yaabo igu noqotay aniga in manta heerka uu marayo wax is daba marintu gaadhay meel aad u fool xun oo aan hore loogu arag Somaliland, waxa maalin dhowayn oo aan sidaas u sii fogayn ku qalibmay agagaarka Kaantaroolka Bari ee Magaalada Burco gaadhi ku dhaynaha loo yaqaan ah, gaadhigaas oo ugu yaraan ay ku dhaawac meen 11 qof, wallow aanay dhimasho jirin, hadan iyadoo aan dhaawicii meeshaba laga qaadin ay wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka oo ciidan wadataa yidhaahdeen waan in aad wada samaysaan oo ah halkii gaadhigu ku qalibmay.
Nasiib darro waxa noqotay gaadhigii mar walba lala daba taagnaa cashuurta xad dhaafka ah ee hadana siduu orormo yahay la yidhi dhaawaca qaadi maysaan gaadhigana la toosin mayo ilaa inta aad ka samaynaysaan wadada oo ay waliba dhowr maalmood qalalayso, tacadiyadaaas waxa lagula kacaa oo kaliya qofka la tun jileecsado ee maaha wax ay u siman yihiin dhamaan bulshda Somaliland, waayo waxa maalin walba dhacda oo la arkaa gawaadh ay wataan dad sakhraamiin ah oo ku dhaca wadooyinka oo aan hadana shilin la waydiin, halkaas waxa kaaga cadaanaysa cadaalad darro lagula dhex jiro bulshada, taas oo keentay in dadka qaar gooni loo faquuqo.
Markii tallo ku cadaatay reerkii dhibku soo gaadhay ee dhaawaca tirade badani u soo hoyday ayay khasab ku noqotay in la dhiso bartii laamiga ahayd ee uu gaadhigu ku dhacay, waayo waxa lagu yidhi hadaydaan dhisayn keena lacag lagu qadaray 1000 Dollar (kun doolar) taas oo la yidhi waa magdhawga wadada.
Miyaanay nasiib darro ahayn gaadhigii mar walba la cashuurayay ee shilku ku soo hoyday oo hadana la yidhi cagaha dhulka ka qaad, maaha arinkani maanta mid loo fadhiyay, halkii wax laga qaban lahaa wadooyinka maaha in la yidhaahdo keena dhaqaale mar haduuu gaadhigaagu ku dhacay meesha.
Dadkan iyo dalkani wuxuu u baahan yahay gurmad ku salaysan cadaalad iyo horumarin, halkii la eegayay in cashuuraadkan xad dhaafka ahi ay wax fududeeyan ayayba soo kordhiyeen culays gaara oo ku wajahan dadka la tun jileecsado.
Allaa Mahad Leh
By: Mohamed Hamud Ali
Burco – Somaliland
hamudson@gmail.com