“Askarta Lasoo Dejinayo Saldhigga Militeri Ee Berbera Haddii Ay Wax Kufsadaan Xeradooda Ayey Gelayaan Oo Xasaanaddoodu Wey Ka Weyn Tahay Midda Ay Safaaraduhu Leeyihiin”

0
27

Mudane Reer Saaxil ah Oo Soo Bandhigay Ceebaha Ku Huursan Saldhigga Militeri Ee Imaaraadku Berbera Ka Doonayoxildhibaan xaamud

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Xaamu Cismaan Cigaal oo laga soo doorto gobolka Saaxil, ayaa si adag uga hadlay cawaaqix xumada uu yeelan karo saldhigga militeri ee dawladda Imaaraadku doonayso inay ka hirgeliso magaalo xeebeedda Berbera.

Xildhibaanka oo magaalada Hargeysa kula hadlay Telefishanka Bulsho tv, ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii saldhiggaas la hirgeliyo ciidamada soo degi doonaan yeelayaan awoodo dheeraad ah oo u saamaxaya inay sidii ay rabaan u dhaqmaan, isla-markaana aanu sharciga waddanku qaban doonin, waxana uu yidhi, “askarta lasoo dejinayo saldhigga Militeri ee Berbera qawaaniinta xukumaysaa ma aha kuwa dalkeena’e waa qawaaniinta dalkooda u taalla, haddii ay wax soo kufsadaan iyo haddii ay wax soo dilaanba xeradooda ayey gelayaan, cidina uguma geli karto, xasaanadda ay leeyihiina midda safaaraduhu leeyihiin way ka weyn tahay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata xildhibaanku waxa uu meesha ka saaray hadallo hore uga soo yeedhay wasiirka duulista oo sheegayey in saldhigaas shaqooyin laga heli doono, waxana uu qiray in mashruucan lacag lagu meel marin doono,“Xataa haddii ay dawlad kale timaaddo wax allaale wax ay ka beddeli kartaa ma jirto, wasiirka duulista ee lahaa shaqooyin baa inooga soo baxayana waxba kama jiraan oo xataa ilaaliye inaga ahi ma geli karo, waxana aan ka digayaa dawladdu mashaariic badan oo ay keentay waxa ay ku meelmariyeen lacag ay keeneen oo ay siiyeen xildhibaanno kamid ah golaha, waanan ka xumahay ceebtaas iyo fadeexaddaas, aniguna waxan aaminsanahay mashruucaas haddii golahaba la keeno wuu socday oo waa la iibsanayaa” ayuu yidhi xildhibaan Xaamud.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here