ASTAAMAHA XUKUUMADAHA  SAAQIDAY. W/Q: Maxamed Jaamac Ciise ( Buraalle)

0
51

ASTAAMAHA_XUKUUMADAHA  SAAQIDAY.
W/Q: Maxamed Jaamac Ciise ( Buraalle)Marka maadadu qiimo badato, qiyamka wanaagsani lumo kana horimanayo ceebo weyn oo dhinac kasta ka hareeraynaya wanaagga iyo xaqa, taasi ayaa horseeday inay soo baxaan dawlado aan wax ku ool ahayn oo aan dabooli Karin asaasiyaadka dawladdnimo ee bulshadu sugayso.

Waxa luma waajibaadka xukuumadeed iyo dareenkii masuuliyadeed waxayna isu rogtaa qalab ay kooxi ku shaqaysato, taasi oo keenta in bulshada wax laga qaada mooyee wax lagu celiyaaba ay yaraato

Ma jiro erayo kooban oo hehiis lagu yahay (General Consensus} oo lagu qeexi karo dawladaha fashilmay.

Haddana Hayadaha qiimeeya fashilka dawaladnimo waxay kuu soo kooban astaamahan

FB_IMG_14638370337251) Iyadoo buuxin kari wayda adeegga (Public Services} bulshada uga baahantay.

2) Awooda maamul oo liidata

3) Iyadoo awoodi wayda inay xidhiidh la yeelato caalamka.

Waxa iyana ku jira astaamaha xukuumad fashilantay xukuumadda dhexe oo ah mid taag daran, musuqa iyo dembiyada oo aad u baaha ,aqooyhanadi iyo dadkii dabaqadda dhexe oo si joogto ah u baxaya iyo dhaqaalihii oo si weyn hoos ugu dhacaya. Somaliduna waxay ka tidhi ” Arrin xumo , abaar ka daran”

DHINACA DHAQAALAHA
(ECONOMIC INDICATOR}

1- Dawladda fashilani si cadaalad ah uma qaybiso dhaqaalaha iyo khayraadka dalka sida fursadaha shaqo helidda oon loo sinayn, sidoo kale waxbarashada, mashaariicda horumarineed iyo dhamaan xaaladaha dhaqaale ee kala duwan ee dalka, kuwaas oo ku soo urura kooxda awoodda haysa iyo intay wadato. Dahaqaalaha bulshada oo hoos u socda

2- Qiimaha lacagta Dalka oo hoos u dhaca. Dhaqaalaha qarsoon (hidden economies}, oo aad u kordha sida ganacsiga daroogada iyo kotorbaanka (Drug trade, Smuggling}. Waxa kale oo Dawladda fashilantay ku habsata inay bixin kariwaydo mushaharka shaqaalaha Dawladda iyo ciidamada, iyo inay dabooli kari waydo waajibaadka maailiyadeed ee bulshada ay masuulka ka tahay sida Xuquuqda hawlgabka muwaadiniinta.

 DHINACA SIYAADDA
(POLITICAL INDICATORS}
Musuqa iyo wax is dabamarinta oo si weyn ugu faafa kooxda haysa xukunka isla markaana aanu jirin cadayn, la xisaabtan iyo dabagal midkoodna. Waxayna keentaa kalsoonidii bulshada oo hoos u dhacda ama la waayoba. Adeegyada bulsho oon samaynin horumarin in uu hoos u dhaco mooye. Sidaa adeegii waxabarashada, caafimaadka, nadaafadda, iyo gaadiidka dadweynaha. Iyo weliba qalabka iyo hantidii dawladda oo goobo ama shakhsiyaad kooxda awoodda haysa Ku xidhani adeegsanayan Sida, Guryaha Dawlada Gaadiidka, baanka dhexe, ciidamada, adeegyada dilomasiyaeed. iwm

Markaynu intaa akhrino waxa kuu soo baxaya astaamaha dawladdaha tayada darran Is qiimaynta khayaaliga iyo humaag beeneedka warbaahinta loo adeegsado Dawlada tayada darran kama dhigto mid tayo leh balse wuxuun bay sii muujisa taya xumada kooxda awoodda Maamulka Dalka haysa

BURAALE_JAAMAC@HOTMAIL.COM

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here