Hargeysa(Hubaal) -Masuuliyiin u hadlay Asxaabta Mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani, ayaa Dawladda Jabuuti oo xuduudka Somaliland ay la leedahay dhankeeda ka xidhay waxay ku macneeyeen fashilaad Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ay wajahayso oo dhanka amniga iyo diblamaasiyadda ah.
Musharax ku xigeenka Madaxweyne ee Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay lumisay Kalsoonidii Wadamada jaarka “Waxaa xusid mudan in Intii Xukumadda Kulmiye xilka haysay waxaa inagu soo noqnoqday dhibaatada Xuduudaha,waxyaabaha ugu muhiimsanna waxay salka ku hayaan Arrimaha amniga, waxaanay taasi caddaynaysaa in Xukumaddani ku fashilantay laba arrimood oo kala ah Amniga Mandaqadan aynu ku nool nahay iyo Kalsoonidii la innaga qabi jiray oo Lunsan, iyo arrinta labaad oo ah Xidhiidhkii Diblamaasiyadeed ee aynu wadamada jaarka la lahaan jiray oo ahaa ka ugu mudan inuu marayo halkii ugu hoosaysay” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.
Musharax xigeenka Ucid waxa uu sheegay inaan Xukumaddu wax faahfaahin ah ka siin Bulshada sababaha keenay Xidhista Xuduudka horena aanay digniin uga bixin “Waxaad moodaa in Xukumadda Maantu Mashquul ku tahay arrimaha Iibka dhulka, kuwa dekedda iyo waxyaabo la mid ah, iyadoo dhibka Shacabka haystana cid wax ka tidhi aanay jirin, waxaanan ugu baaqaynaa Xukumadda inay bulshada u caddayso sababta Xuduudka cir iyo dhulba looga xidhay” ayuu yidhi Musharax Cabdirashiid.
Dhanka kalena Cali Cilmi Geelle, oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Nolosha Bulshada Degaamada Xuduudka ku teedsan ku xidhnayd Jamhuuriyadda Jabuuti, islamarkaana aanay xamilayn maalmo Xuduudku xidhnaado. Waxa uu ku baaqay in Xukumaddu dadka tafaasiil ka siiso Xidhista Xuduudka ee Jabuuti ku kacday.
Badhasaabka Gobolka Salal, ayaa shalay Saxaafadda kula hadlay Saylac, isagoo sheegay in Bulshadu dareemayso baahi degdeg ah oo ay u qabaan adeegyadooda Jabuuti. Waxa uu sheegay inay halkaasi Caannaha iyo waxyaabo kale u Iib gayn jireen, iyaguna ka heli jireen Khudaarta iyo Maacuunta kale ee Roodhidu ka mid tahay.
source:ramaasnews