Waagii, sabanu jaahiligii, ee geelu moodka kaliya ahaa ee la haysto, raganimaduna waran galinimada uun ahayd, ayaa nin diraca, oo fuulmada booska ku faraadin ahaa, balse ahaa cago baruur, aan fagaarayaal badan oo rag isku haleeleen aan ka soo lagdamin balse aad u jeclaaday wax ka ogaanshiyaha bahasha raganimadda la yidhaa. socod iyo saymo dheer ayuu u maray, saxariir iyo halis ayuu beegsaday, bahalka dad qaadka ah iyo baqo daymoodka ku ladhan shanqadh dhagaysiga ayuu la jaal noqday, diif iyo daranyo ayuu dugashaday, Goor barqo ah, ayuu ku soo baxay reer goob cidlo ah yaala, wuxuu ku dhawaaqay reerka yaa la jooga, Odaygii qoyska dambaabayay ayaa muska soo joogsaday, bariido iyo salaan ka adib, sida dhaqanku ahaa odaygii reerku, wixii guriga yaalay u baadh baadh , ku qabay ninkii luunku ku wareegsanaa ee jidiin go’sanaa, markii naftii ku soo noqotay, reerkii toyay , una sheeg in uu yahay socoto, baadi goobayana bahasha geesinimada la yidhaa oo loogu sheegay, nin lagu magacaabo, Aw balayoos, Odaygii ayaa u sheegay in uu ka durugsan yahay, una tilmaamay jihada uu ka xigo, isagoo dar daarana ugu daray, inuu socodka hoosta ka xado, si aanu eesku ugu madoobaan dhexaha maadaamo dad qaad khatar ahi deegankas ka jiray, sidii buu yeelay, wuxuu ardaagii geela isa soo taagay, xili markaa geeljirihii xerada geela ku dhex jiro oo xoolihii la maalayo, Aw balyoosna, ardaaaga fadhiyo, tooyasho ka dib, isku sheeg wuxuu yahay, iyo wuxuu u socdo, sidii dhaqanku ahaa, caano u soo maala yidhi , si wacan loo soor, nasasho ka dib, Aw balayoos, wiilkan, aan jaro bixin, ragna aanay is arag ee deegankisa mooye colba anay is haleelin ,waydiiyay, ma geesinimo waxay tahay inaad ogaato ayaad halkaa u soo martay, oo intaas oo saymo ah u soo beegsatay, haa cajiib, way fududahay ku ydihi Aw balayoos, ee waxaad yeeshaa, suulkaaga ii dhiib, gawsdambeedka ayaan galinayaa, intii awoodayda ahna waan raamsanayaa, adiguna sidaa yeel, waana keena hor cabaada. la is raamsay, mid walba hareeraha dhiigu ka da’e, yarkii buuryo goyska ahaa, walee cabaad ku dhufay, cadhadhac, , Aw balayoos sii daa yarkii, kuna yidhi ka waran xaalka, yarkii oo aan naf ka sarayn, oo hiin ragaya ayaa cod hoose ku yidhi, ala naftunban iga bixin, Awbalayoos oo dhoola cadaynaya ayaa ku yidhi , haddii aad in yar adkaysan lahayd, siina aamusnaan lahayd, anigaa cabaadi lahaa. nuxurka sheekadu waa,, adkaysiga iyo samirka ayaa fure u ah guusha iyo geesinimada.
Guriga FAALLOOYIN Aw Balayoos:- Haddii Aad Adkaysan Lahayd Anigaa Cabaadi Lahaa- W/Q: Mohamed Abdikarim(Maarshaal)