AKHRI: Dhaliilo Aan La Qarin Karin Iyo Isbar-bar-yaac Kacaamaysan Oo Ka Muuqday Soo Dhawayntii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dorraad Iyo Tallooyin Ku Socda Wasaaradda Ku Shaqada Leh
Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa Duhurnimaddii Axaddii Dorraad Wakhtigii ay Qoraxdu ugu kululayd u fasaxday Ardayda Dugsiyadda Dawlada soo dhawaynta Waftigii Madaxweyne Siilaanyo oo cadceed-dhicii maalintaas soo guryo noqday. waxa ay Wasaaraddu Maamulayaasha Dugsiyada amar ku siisay in Dugsi kastaa Ardaydiisa soo tubo Darafyada Laamayda Halbawlaha ah ee Badhtamaha Hargeysa Dhex mara,taasi oo Waftiga Madaxweynuhu soo marayay.
Warbixin ayaa daaha ka rogtay in milicdii kululayd ee Axadii Jidadka Magaalada Hargeysa dhex mara ay Maamulka dugsiyada dawladdu kolba dhinac u wadeen arday laga soo xulay dugsiyadooda oo kolba sidii adhi damaanka dhinac laamida looga tallaabinayay, si ay ardaydaasi uga qayb qaataan soo dhawaynta madaxweynaha oo waqtigii uu soo degey ka hor dhawr saacadood la sii tubay jidadka
Amarkan Ardayda Dugsiyadda Dawlada wax ka barata lagu fasaxay ee loogu daad gureeyay Soo dhawaynta Waftiga Madaxweynaha Waxa uu sida la sheegay ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaana la sheegay in Amarkaasi Galinkii hore gaadhay Maamulayaasha Dugsiyadda Dawladu maamusho, islamarkaana waxa ay Maamulayaashu illaa Galinkii hore ee Shalay mashquul ku ahaayeen ururinta iyo habaynta Ardayda iyagoo kuwii galinkii hore dhiganayayna ku amray inay soo noqdaan galinkii dambe,si ay uga qayb qaataan Soo dhawaynta Waftiga Madaxweynaha. Qoddobka xusida mudan ee warkan la xidhiidha waxaa ka mid ah in ardayda tubnayd jidadku ay qaarkood warbaahinta u sheegeen in aanay qado ku filan soo cunin halka qaarkoodna aanay soo qadayninba oo qorshahoodu ahaa in ay nuse saacaha casarnimada dib ugu laabtaan qadada hase yeeshee ay la kulmeen amar aanay diidi Karin oo la xidhiidha soo dhawaynta madaxweynaha.
Waa markii Saddexaad iyo Afraad ee Ardayda Dugsiyadda Iyo Shaqaalaha Dawlada lagu khasbo inay soo dhaweeyaan Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo dibad ka soo guryo noqday, waxaanay Arintani ay dhaliil aan qarsoomi Karin ku tahay xukuumadda mdaxweyne Siilaanyo gaar ahaanna wasaaradda Waxbarashada oo intii uu wasiirkani joogay dhegxumo ku noqonaysa waxyaabo amaan mudan oo uu ku soo kordhiyey wasaaradda intii uu joogay, kuwaas oo ay ka mid yihiin in lala xisaabtamo goobaha waxbarashada gaarka ah loo furtay.
Wasiir Cabdillaahi Ibraahim Habane iyo wasiirka wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo ay weheliyaan xubno kale oo wasiir ku xigeenkiisu ka mid yahay oo aanu xidhiidh dhinaca tilifoonka ah la samaynay si aanu wax uga weydiino ardaydan lasoo tubay ayaanay noo suuro galin kadib markii aanu telefoonadooda oo xidhan wacnay.
Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaa dadka u dhuun daloola sooyaalka taariikhaha iyo hab maamuuska madaxda qaranku waxaa ay ku tilmaameen mid gurrac ku ah nidaamka dimaqraadiyada ee Somaliland ka dhisan iyada oo soo dhawaynaha noocan oo kale ahina ay dadka dib u xusuusinayaan Octoobertii iyo isbarbar yaacii kacaamaysnaa ee reer Somaliland kaga dhiidhiyeen nidaamkii Maxamed Siyaad Barre Ee Soomaaliya ka talin jiray.