Awoodaha Goollaaftanku U Bilaabmay Ee MOSCOW & ISTANBUL Iyo Warbixin Cabirraysa Cududahooda Dhaqaalle & Midda Millatari

0
198

Waxa si lama filaana dhiilo colaadeed uga dhex qaraxday laba ka mid ah wadamada ugu awooda badan dunida dhinaca Millatariga. Waa wadamada RUSSIA IYO TURKEY , oo hadii colaaadi ka dhex qaraxdo ay saamayn xun ku yeelanayso dhaman daaaafaha Dunida Dhinacyda Dhaqaalaha iyo isu Socodka. Hadaba labadan wadan oo is bida midkaastaaba in uu yahay quwad aan indhaha laga qarsan Karin ayaa isla waynida iyo tuhunka ku midkastaaba ku jirtaa ay sababi kartaa isku dhac khasaare baaxad le keena. Aan ku horayno dalka RUSSIA oo lagu tiriyo quwada koobaad ee Millatari dunida waxana uu can ku yahay ciidamda diyaaradaha ee dalaayadaha ku  ku booda ee cirka iyo sidoo kale ciidamada loo yaqaan  Armed Forces of the Russian Federation oo ayaguna qaabilsan amanka xuduudaha wadanka waxa sido kale la sheega in uu wadank RASSIA uu leeyahay ila afar qaybood oo siyaabo kala duwan u toobabaran oo ay ku dhaataan. Inkasta oo ay tahay arin xassaasiya tirade rasmiga ah ee ciidamada hadana maxad yada arimaha Milatryga faaqidaa waxay ay tibaaxayaan in 1 jenaury 2008 tirada ciidamadu ay gaadhaysay ilaa laba milyan sagaal iyo toban kun lixboqol iyo sagaal iyo labaatan guuto (2,019,629 units), oo ay ku jiraa ila hal milyan boqol iyo afar iyo sodan kun iyo sided boqol oo  guuto (1,134,800 units) oo si rasmiya u hawlgala. International Institute for Strategic Studies oo ah maxad falan qeeya arimaha milaterga caalamka waxa uu sheegayaa in bugets ay dawlada Ruushku ku bixisay sanadkii 2011 uu gaadhayay ila $72 billion lana filayo in kor loo qaado ilaa 53% sanadka 2014, sidoo kale sanadii 2005 ilaa 2009 iyo 2010 ilaa 2014 dawlada Ruush-ku waxay kor u qaad baaxdle ku samaysay dhoofinta hubka ilaa 37 percent sida ay so warinayso haayada SIPRI. Sidoo kale Ruush-ku waxa uu ku hubaysan yahay quwada hubka nuclear ka oo ah hubka ugu  cabsida badan uguna khatarta badan ee manta dunida ka jira. Saynis yahano American ahina waxay ku qiimeeyeen in ay RUSSIA leedahay  1,499  oo goobood oo si habsami leh loogu rakibo madax yada xambaara hubka Nuclear ka (deployed strategic warheads,) iyo qiyaas ahaan 2000 gantaalada xambaara madax yada Nuclear ka ah. erdogan vs putinRussia waxay aamin santahay in cadowga ugu way ee ay leedahay uu yahay Gaashaan buurta NATO oo ay dawlada Turkey-gu xubin ka tahay, isla markaana xaqna ay u leedahay kobcinta iyo kor uqaadida tayada ciidamadeda iyo qalabka Millatari si ay jawaab waafiya uga bixiso faragalin kasta oo kaga timaada gaashaan buurta NATO. Russia sidoo kale dhawaanahan waxy soo ban dhigeen in ay horo umar baaxadle ku sameeyeen gantaalaha cusub ee looyaqaan RT-2PM2 Topol-M (SS-27), ku wasoo awoood u leh in ay hawada ku baabi iyaan cidkasta ooo isku soo dayda in ay ku xadgudubta xuduudaha hawada iyo dhulka ee dhul waynaha Russia  waxana loo qaabeeyay in laga hago dhulka. Dhanka kale dalka waxa uu soo galaa ilaa kaalinta Sagaalaaad dhinaca kala saraynta Dhaqaale ee caalamka dalku waxa uu dib u habayn ku sameeyay Dhaqaalihiisa ka dib burburki ku yimi waxii laysku odhan jiray Midawga soviet ka waxana uu dhaqaale ahaan aad ugu tiirasan yahay dhoofinta saliid iyo Gas-ta iyo sidoo kale waxa uu caan ku yahay Warshadaha lagu farsameeyo qalab yada kala duwan ee Milataryga,goobo Ghaqaalahu ka soo galo oo Starategic ahna wuu leeyahay. Hasa ahaatee Isha ugu way nee dhaqaalahu ka soo galaana waa dhinaca energyga kaas oo muftaax u ah kobaca dhaqaale ee dalka waana midka ugu qanisan dunida dhinaca saliidaha sida gas ta iyo macdanta metalska. Dhanka kale dalka Turkey-ga laf ahaantiisa maaha dal sahlan dhinaca Military daraasadihiii ugu danbeeyayna waxa ay sheegayaan in uu ilaa Numberka sideedaad ka soo galo heerka kala saraynta awoodaha milatery ee caalamka waxana kaliya ka horeeya shanta dal e Qumbulo duniyaha (Nuclear bomb) haysta , hindiya iyo jermany oo kaliya.  Waxana lagu qiyaasaa in ay ku kharash gareeyeen military gooda sanadkii ugu danbeeyay lacag dhan       $18,185,000,000 million sidoo kale ciidamada hada sida  rasmiga ah u hawl galena waxa lagu qiyasaa ilaa 6, 50 000 oo askari halka ciidamada kaydka ahina ay gaadhayaan ilaa 200,000  laba boqol oo kun oo askari,  tanks gashaaman ee dagaalka waxa la sheegaa in aya gadhayaan in ka badan 3500 oo si casriya u qalabaysan. Halk diyaradah dagaalka ee Aircrafts ka ahna lagu qiyaaso ku dhawaad 990 diyaar u ah in lagu hawl galo. Dhanka kale Turkey gu waxay ay leeyhiin awood xoogan oo difaaca circa ah TURKISH AIR FORCES oo ku qalabaysan in ka badan  250 F-16s, oo gudaha dalka Turkey ga lagu sameeyay lakin ay sameeyeen Companiyada samaynta diyaaradaha ku talax tagay ee laga leeyahay dalka Maraykanka. Sanadadii ugu danbeeyay oo dhana waxa muran xoogani ka dhexeeyay dalka Turkega iyo Greece oo isagu ka tirsan midowga Yurub taasina waxa ay dhaxal siisay diyaar garoow joogta ah hadii wax fara galin ahi kaga timaado dal dibadeed. Sidoo kale dalka Turkey waxa uu xubin buuxda ka yahay isbahaysiga ugu way ee military ee manta dunida ka jira oo ah Gaashaan burta  NATO wxaanu si rasmiya ugu biiray sanadkii  1952. Isbahaysigani waxa ay wacad ku mareen in aanay gacmaha ka laaban, khatar kasta oo soo wajahada mid ka mida 28 wadan ee ku bahoobay gaashaanbuurtaas. Hadii an wax ka tabano dhank  dhaqaaalaha ee dalka turkey ga waxa lagu sheegaa wadamada aadka dhaqalahodu u kordhayo sida ay xaqiijisay IMF. Turkeygu sidoo kale waxa uu lagu tiriyaa wadamda hore u maray (developed countries) iyo wadamda Horomarka balaadhan ka sameeyay dhawaanahan dhanka Warshadaha. Turkey-gu waxa uu ka mid yahay wadamada wakhtigan hogaamiya dhinaca waxsoo saarka Beeraha, Dunta, Enginada Gaadiidka, Maraakiibta,Qalabka Dhismaha,Electronics ka IWM. Sikastaba ha ahata e dhawaanahan waxaa taagnaa Dhiilo Colaadeed iyo Canbaarayno x0ogan oo hawada laysku marinayay ka dib markii dawlada Turkey-gu aysoo riday oo dhulka ku hubsatay mid ka mida dayuuuradaha dagaaalka ee dalka Rush-ka oo dagaal kula jira jabhada ISIS ee ka dagaalanta dalka Syria. Dawlada Turkey-gu waxa ay Sheegtay in ay Dayuuradani ku soo xad gudubtay hawadeeda isla markana ay xaq u leedahay in ay  hawaeeda difaacdo. Arinkani waxa uu keenay cadho xoogan dhanka dawlad Ruush-ka oo isku haysata libaax an aan lagu dhici Karin. Madax waynaha dalka Ruusha ayaa markiiba jawaab dagdaga ka bixiyay so Riditaanka dayuurada Ruush-ka isagoo sheegay in ay turkeygu Cawaaqin xumo kala kulmi doonaan arrinkaa. Dhankeedanada dawlada Rush-ka waxay ku adkaysatay in aan habayaraatee aanay dayuuradaheedu  ku xadgudbin hawadada dalka Turkey-ga ee ay dul heehabayeen hawadas wadanka Syria oo ay ugaadh sanayeen islamiyiin ta ISIS. Warark  ka soo baxaya Aqalka madax tooyada Russia waxa ku Celcelinayaan in ay hayaan cadaymo buxa in aaanay diyaaradahoodu galin hawada Turkey waxaanay soo bandhigeen video. Waxaanay beeniyeen in pilot yadii diyaradaha waday ayna helin wax digniino ah. Sidoo kale Moscow waxa ay sheegtay in ay ka shakisan yihiin sababtii ay Turkey-gu u soo rideen dayuradeda in ay ahayd si ay u difaacan gaabaha shiidalka ee ay Khilaafada Islamku maamusho oo shiidalka ka iibisa Ankara. Halka dalka Turkey gu uu soo bandhigay Map uu sheegayo in uu cadayn buuxda u yahay in diyaraduhu ay ku jireen hawadooda. Labada dal waxay kala Aragti ka yihiin dagaalka Syria oo Ruush-kuna aad u taageersan yahay Regime ka uu gadh wadeenka ka yahay madaxwaynaha kaniga adage e BASHAR AL ASAD. Waxa xusid mudan in labada wadan uu hore uso maray dagaal qadhaadh mudo haatan laga joogo ku dhawad hal qarni iyo badh1877-78, wakhtigaasna waxa dalalka ka jiray boqortooyooyin. Dhanka Russia- da hada waxa ka jiray Gaashaanbuurtii Orthodox(Eastern Orthodox Coalition) oo ay hogaaminaysay boqortooyadii Ruushanka, dhanka wadanka haatan looo yaqaan Turkeygana waxa ka jiray boqortooyadii Caanbaxday ee OTTOMAN EMPIRE. Waxanay Taariikhdu Xustaa in Wakhtigaa ay Isbahaysigi Boqortooyooyinka uu hogaaminaysay Boqortooyadii Russia ay baadigoobaysay sidii ay dib ugu soo furan lahayd dulkii ay ku wayday dagaalkiii Crimean (Crimean war) iyo isku balaadhinta bada madow (black sea) iyo sidoo kale in ay taageero u muujiso dhaqdhaqaaqii xornimo doonka ahaa ee BALKAN NATIONS oo isku diyaarinayay sidii ay uga hoos bixi lahaayeen Boqortooyadii Cismaaniyiinta (OTTOMAN EMPIRE), Waxana la sheegaa in wakhtigaa guushu raacday isbahaysigii ay hogaminaysay RUSIA. Si kastaba ha ahaatee in kasta oo xaalada haatan taaagan ay adagtayhay , hadana labada Dawladood wakhtigan uma eeka in ay Dagaal ku dagdagi doonan. Siiba dawlada Russia oo imaka ah dhibanaha xaaladan haatan taagan kuma dhiiranayso in ay si hawl yari ah dagaal ugu qaado Turkey oo xubin ka ah Gaashan-buurta NATO. Lkn xaaladu waxa ay u Eegtay in la Dheeli doono Khidado kale oo Siyaasaydeed  sida Dhinacyada Dhaqalaha iyo duplamasiyada taasoo aad moodo in ay hada uun bilaabmatay. Dawlada Ruush-ka ayaa iyadu ku horaysay iyadoo durba biloowday Canbaarayn luuqad adag ah Madaxwaynaha Ruusha Vladamir Puting oo isagu ka hadlayyay shirkii cimilada aduunka ee Horaantii bishan ka dhacay meel u dhaw caasimada Paris ee wadanka Faranciska ayaa waxa uu ku Shaanbadeeyay  Turkey-ga in uu xidhiidh gacanacsi ka dhaxeeyo iyada iyo ururka ISIS oo maalmo ka hor uun sheegtay qaraxyadii lagu hoobtay ee Gilgilay Paris oo wali dhiigoodi sii qoyan yahay xidhiidhkaas oo ah in Daesh ka iibiso Saliida ay ka hesho dhulka ay ka taliyaan ee Ciraaq. Halka uu dhigiiisaTurkey-guna dalbaday arinkaa cadayntiisa waxaanu nidar ku maray in uu xilka iska casili doono hadii arinkaasi uu ku cadaado waxaanu dawlada Ruushka ka dalbaday in ay la timaado cadayn. Waxa sidoo kale uu Ruushku balan ku qaaday in uu cuno-qabatayn ku so rogi doono Turkey-ga si uu u Curyaamiyo Dhaqaalahiisa. Hadaba hadii ay taasi dhacdo waxa la filaayaa in ay adhax jab ku noqon doonto dhaqaalaha labada dalba siiba Turkeyga oo isagu waxyaabo kala duwan u dhoofiya Russia. Waxana la fili karaa in ay cuno qabatayntaasi saamayn ku yeelato ilaa shan waaxood oo kala duwan oo dhaqaalaha Turkeyga ah Sida:-

Dhanka Dalxiiska: Sanadkasta malaayiin Russian ah ayaa ka soo dalxiis taga dalkooda iyagoo u soo baqoola dhanka Turkey-ga, sida ay Sheegayso Wasaarada Dalxiiska ee Turkey-gu sanadkan 2015 waxa u soo Dalxiistagay ilaa Sedex Millyan iyo Badh Russian ah (3.5 million) Sanadkii 2014 (4.1million)  sanadkii 2013 (4.3 milyan) hadiiba ay dhacdo Cuno qabatayntanina waxa ay saamayn xun ku yeelan doontaa dhaqaalahii badnaa ee Turkey-ga ka soo gali jiray Dalxiiska.

Dhanka Energy: Waxa sidoo kale jira iskaashi wayn oo labada wadan ka dhaxeeya oo ah dhanka Energyga waxana la carabaabi karaa labada Mashruuc ee waawayn oo ka koobaad uu yahay Turkish stream oo uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Russia mar uu booqasho ku jogay dallka Turkiga 1 Decemper 2014.

Turkeygu waa suuqa labaad ee ay ee gaasta ka qaata Shirkada ugu wayn dunida ee laga leeyahay dalka Russia ee GASPROMmarka laga reebo Jermany oo ah suuqeeda koobaad waxana ay ka iiibisay Turkeyga sanadkii ina dhaafay oo kaliya 2014 Gas laguqiyaasay 27.4 billion meters cubic oo Gas dabiiciya ah, maadaba ay sii kordhayso baahida Gas ta iyo isticmaalideedu ee turkiyiintu, tani waxay soo jidatay indhaha Russia

Waxa kaloo asna jira Mashruuc aad u wayn oo isna dhanka Energyga ah, waana Mashruuca loo yaqaan (Akkuyu nuclear power plant) oo ah warshad Nuclearka ah oo looga faaiidaysto dhanka Electricity ga. Heshiiskana waxa Past gareeyay Parliament ga Turkeyga 1 jully 2010 waxana la filayey in hawshiiisu si Rasmiya u Bilaabmato 2016.

Sikastaba ha ahaate dawlada Rush-ku wali si cad farta ugumay fiiqin sida ay cuna qabataynta ay ku soo rogayso Turkeygu u wax yeelayn doonto labadan Heshiis ee Dhanka Energy ga.

Dhanka Badeecadaha Qorshaha labada wadan waxa uu ahaa in ganacsiga Badeecadaha ka dhaxeeya oo ahaa 32 billion sanadkii2013 uu gaadho ilaa 100 billion sanadka 2023.

Sida uu sheegayo Xafiiska Statistics ee Russia sanadkii 2014 waxay u dhoofisay dhanka Turkey-ga 24.5 billion oo alaabo ah (goods) halka Turkeyguna u dhoofiyay dhanka Ruushka 6.7 billion oo badeecad ah (goods)

Dhanka Cuntada(Food): Turkeygu waxay u ahayd fursad Dahabiya ka dib markii Midawga Yurub ay cuna qabatayn ku soo Rogeen Rruushka taas oo baahidiisii dhanka cuntada ay si waafiya u dabooleen Beeralayda Turkeygu. .

Hasa ahaatee Wasiirka Beeraha ee Dalka Rushka Alexander ayaa si cad u sheegay in mudo Usbuuca ay joojin donaan Cuntada ay ka soo iibsadaan Turkey-ga una wareegi doonan dhanka Dalalka IRAN iyo SOUTH AFRICA.

DHANKA QALABKA DHISMAHA: In ka badan 35% qalabka dhismaha dawlada Russia waxay ka soo iibsatay Turkeyga sanadkii 2014 oo ay dhacayeen ciyaaraha loo yaqaan Winter Olympic In Sochi, Waxana la dareemi karaa in labada dal ay aad iskugu tiirsanaayeen dhan kasta. Sikastuu xaal Ahaadaba waxa la saadaalin karaa iyadoo laga duullayo xaalada haatan taagan in xidhiidhkii labada dal uu taagan yahay gabagabo, hasa Ahaatee aan laysku Adeegsan doonin Milatery.

W/Q: Nimcaan Cumar Xaaaji

Nimcaanjk@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here