Awoodda Komishanku Doorasho Xor iyo Xalaal ah Dalka Kaga Hirgelin Karaan Oo Laga Muujinayo Iyo Cabdilaahi Jawaan Oo Marag Markhaati Wata Furay

0
54

“Waxan  arkaa guddidii doorashooyinka in loo yeedhayo oo amar ay raacayaan, guddi doorasho oo sidaas ku shaqaynayaana guddi ma noqonayaan,”Cabdilaahi Jawaan.

Cabdilaahi Jawaan Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Komishanku Awood-darro Darteed u madaxweynaha Uga Dalbadeen Inuu Guddu-musdambeed ah u magacaabo

cabdilaahi jawaan

Hargeysa:(Hubaal)-La-taliyihii hore ee madaxweyne Siilaanyo u qaabilsanaa arrimaha doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda Md. Cabdilaahi Xaaji Cumar(cabdilaahi-jawaan), ayaa walaac ba’an ka muujiyey awoodda iyo kartida ay xubnaha komishanka qaranku u leeyihiin inay dalka kaga hirgelin karaan doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana waqtigeeda ku qabsoonta.

Cabdilaahi Jawaan oo shalay markii uu iscasilay warbaahinta la hadlay, ayaa si cad u sheegay inaan xubnaha komishanka qaranka ee waqtigan lagu hallayn Karin inay doorasho umaddu natiijadeeda ku kala baxdo hirgeliyaan, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu ku arkay habacsanaan iyo u jajabnaanta awaamiir uga imanaysa cid shaqadooda ka madax bannaan.

Cabdilaahi jawaan oo arrintan ka hadlaya, isla markaana si adaran u weeraraya Komishanka, ayaa waxa uu yidhi, “Ragga maanta jooga dhawr goor baan ka hadlay oo aan idhi xilkiina guta, laakiin waxan u arkaa inaanay haynin waddadii lagu qabanayey xil doorasho, waxana aan arkaa in loo yeedhayo oo amar ay raacayaan, guddi doorasho oo sidaas ku shaqaynayaana guddi ma noqonayaan, hadhowna waxa imanaysa in wax qalloocdaan, dabadeedna dhibaato ka timaaddo.”

Waxa uu ayaandarro ku tilmaamay in xubno aqoontooda iyo kartidooda hore loogu qanacsanaa in laga daba geeyo guddi mus-dambeed lagu sheegay oo aan sharci ahayn sida uu ku doodayo, “Toddoba xubnood oo jaamiciyiin ah baa guddida doorashada loo xulay, laakiin in guddi mus-ambeed in loo sameeyo oo aan sharci ahayn oo waxay tahay aan la garaynini dalka ma anfacayso, aniga oo la taliye ahna arrintaas waxba la igama weydiinin,” ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Cabdilaahi Xaaji Cumar waxa uu markii ugu horraysay shaaca ka qaaday inay xubnaha Komishanka qaranku madaxweynaha si cad uga codsadeen in loo magacaabo guddi mus-dambeed ah oo arrimahooda kala talisa, waxana uu ka sheekeeyeen oo sharraxay in kulankii ay xubnuhu codsigaas kusoo gudbinayeen isaga dibadda looga saaray oo la diiday inuu qayb ka noqdo, waxana uu yidhi, “Fadhigii ugu dambeeyey ee Komishanka loo yeedhay wasiirka madaxtooyadaa ila soo hadlay oo yidhi waadigii nagu canaantay ee yidhi waxba ilama socod siisaane komishankii baan la shirayaaye noo kaalay, waan imi, markii aan imina waxay yidhaahdeen naga saar Cabdilaahi, waxana ay isa soo taagtay ilaa aad naga saarto hadli mayso, markii ay halkaas maraysay Ayaan ka baxay, markii aan ka baxayna waxa soo baxay mud-sambeed, wixii la qarinaayeyna inuu mus-dambeedkaas ahaa uun baan u arkay, komishankuna haddii aanay hawshaas kasoo bixi karaynin waxan leeyahay iskaga casila oo iska tago waxba ha qarsanina’e.”

Waxa uu tilmaamay  in baahi weyn loo qabo sidii komishanka loo tayeyn lahaa, isla markaana xubno dheeraad ah lagu dari lahaa, “Komishanku shaqadiisa ha beddelo, haddii aanu beddelayna halla tayeeyo oo guddida diiwaangelinta hallagu daro oo halla isku badhxo,” ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here