“Musuqmaasaqa Waxaa Ka Mid Ah Saacadaha Shaqada Dawladda Oo La Lumiyo, Waxa Ka Mid Ah Eeda & Qaraabo-kiilka, Waxaa Kale Oo Ka Mid Ah Ku Takri-falka Awoodda Mas’uulka”
Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa oo Soo Bandhigay Deraasad Ay Kasameeyeen Musuqa iyo maamul-xumada regaadiyey Qaranka Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland Md. Axmed Muxumed Madar ayaa warasi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey todobaadkan barnaamijka ka baxa Universal TV ee Milicsiga Siyaasiga waxaa uu kaga warramay taariikhda hay’adiisa iyo waxyaabaha laga filayay in ay wax ka qabato ee aan hirgelin. Barnaamijkan oo uu soo saare ka yahay weriye Feysal Fadhfadhle ayaa guddoomiye Axmed Muxumed Madar kaga jawaabay su;aalo door ah oo la xidhiidhay hay’addiisa iyo sharciyadda ay ku shaqayso oo uu sheegay in muddo saddex sanno ah dhaqangelinteedu u xanibnayd hawlo badan oo u qorshaysnaa. Barnaamijkaas oo Wargeyska Hubaal qaybo ka mid ah idiinka soo xulay isla markaan su;aalihii la weydiiyey iyo jawaabahaoodii oo uu soo koob koobay idiin soo diyaariyey ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa ee nala wadaaga. Weydiimaha guddoomiyaha la weydiiyey waxaa kamid ah “Illaa hadda ma jiraa wax musuqmaasuq ah oo aad cid ku qabateen oo aanu tusno dadka?”
“hay’adani may ahayn mid hore u jirtay oo waa hay’ad la dhalatay xukuumaddan KULMIYe uu dhisay, horena waxaa aynu u haynay odhaah amma maahmaah soomaaliyeed oo odhanaysa ‘musuqmaasuq waa soomaali meheradeeda’, runtii maahmaahdaasi Soomaalida uma gaar aha laakiin innaga uun baa Is garanaynay oo isu sheegaynay marka sidaas la leeyahay waana aafo qaran oo dunida oo dhan ku baahsan kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysanba. Haddii aan su;aashaada u soo noqdo hay;addani waa curdin, horena waxaa u jiray hay’ado kale shaqadan oo kale sameeya sida xisaabiyaha guud, baarlamaankeena oo toban jirsaday isaguna waxaa uu lahaa guddida daba galka iyo ilaalinta hantida qaranka”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasaqu Muj. Axmed Muxumed Madar, waxaana uu intaa ku daray “ haddaan si gaaban kaagaga jawaabo su’aashaada, hawlgallo waanu galnay laakiin cid aanu illaa hadda maxakamad ku soo taagnay wax musuq ahi ma jiro sababuhuna waxaa weeye hay’addii oo ah mid dhismaysa iyo shaqaallihii oo aan lahayn awooddii ay ku daba geli lahaayeen hay;daha dawladda”. Mar guddoomiyuhu ka jawaabayay su;aal laga weydiiyey isu ekaanshaha shaqada xafiiskooda iyo xafiiska hanta dhawrka qaranka oo mararka qaarkood la isku qaldo shaqadooda, waxaa uu yidhi guddoomiyuhu “xafiiskaasi waxaa uu ahaa mid naga horeeyey oo soo jiray dawladihii hore intii ay jireen oo dhan waxaanu ahaa xafiis jira oo marba heer marayay. Sharciyada xafiiskaasi marka la eego iyo annaga meel aanu iska soo galayno oo shaqada aanu iskaga mid noqonaynaa waa ay jirtaa meello aanaan isku soo faro gelinayn oo aanu ku kala duwannahayna waa ay jiraan. Horta labadayaduba hanti ummadeed uun baanu ilaalinaynaa laakiin lMarkaanu sharcigayga iyo kooda aanu isu eegno waxaa ay taayadu tahay sida loo dhigay in xataa xafiiskayagu uu yeesho awood hanta-dhawrka [audit] laftiisa aanu baadhno oo aanu eegno hawlaha uu qabanayo iyo sida uu u qabanayo ayaan darro se markaanu sharciyadayadii oo aanu la ka kaashanay dad aqoon u leh oo aanu samayntiisa ka soo minguurinay shuruucda caalamka ee aanu qabyo-tirkiisa [draft] u gudbinay golaha xukuumadda [golaha wasiirrada] waxaa dhacday in mudadii ay sharciyadu naga maqnayd ay dheeraatay, oo waxaanu gudbinay dabayaaqadii 2010-kii, waxaase uu xeerkaasi ka soo baxay golaha wakiillada oo madaxweynuhu dhaqan geliyey 2013-kii, mudadaasna waxaa uu xeerku dhex yaallayay oo uu dhex marayay golaha xukuumadda iyo golaha wakiillada iyo golaha guurtida oo markii dembe loo gudbiyay, mudadaas ay qaadatay ka sokow waxaa dhacday in qaabkii aanu u dhignay xeerka ee aanu samaynay wax badan laga beddelay oo laga rifay, sidaasi ayaanu immika ku shaqaynaa” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku ladhay.
Mar kale isaga oo ka war celinaya su;aal laga weydiiyey aragtida ay shacbigu ka aamin san yihiin guddidooda oo odhanaysa in ay magac ahaan u jiraan balse aanay wax la taaban karo oo ay qabtaan jirin, waxaa uu yidhi Mr. Madar, “run ahaan dadku sida ay wax u doonayaan iyo sida wax u jiraan way kala duwan yihin. Waa dhab oo ummadan maamul xumo iyo musuqmaasuq waa ragaadiyey oo waa baahsan yahay waana mid xaqiiqo ah wax qabadkayagiina waxaa ka mid ah cilmi baadhis aanu ka samaynay heerka uumusuqmaasuqa iyo maamul xumadu uu ka marayo dalka. Waa wax laga yaxyaxo in wixii yaraa ee laga ururiyey cashuurta ummada ay ku dhaceen jeebado kale, dadkuna iyada oo aad arkayso dareenkooda iyo in ay ka xun yihiin waxan socda ayaa haddana ay iyagu qayb ka yihiiin musuqmaasuqa oo ay dhiirigelinayaan. Musuqmaasaqu maaha lacag la lunsado oo keliya ee intaas wuu ka badan yahay, waxaa ka mid ah saacadaha shaqada dawladda oo la lumiyo oo aynu caan ku nahay, oo aanad maanta ka helayn masuul xafiiskiisa fadhiya waqtiga aad u baahan tahay, iyada oo marka aad madaxtooyada tagto aad arkayso wasiirradii oo dhex tuban iyaga oo xafiisyadoodii madhan yihiin. Luminta saacadaha shaqaduna waxaa weeye musuqa ka ugu xun waana halka ay wax ka xumaadaan. Haddii uu qofku saacaddii shaqada ilaalin waayo dee lacag loo dhiibay iyo hawl kale oo loo dirtayba ilaalin maayo. Waxa kale oo jirta eexda iyo qaraabo kiilka, waxaa kale oo jirta oo musuqmaasuqa ka mid ah ku takrifalka awoodda mas;uulka, waxaas oo dhami waa wax guud oo aynu caan ku nahay, waxaana ay tahay wixii ay hay’addani u dhisnayd in ay la dagaalanto, nasiib darro’se awooddii ay kula dagaalami lahayd runtii lama siinin oo waa la rifay. Waxkastaana waxaa ay ka bilaabantaa rabitaanka oo tusaale ahaan haddii aan doonayo inaan salad galo muslim-nimadaydu waxaa ay I faraysaa inaan niyadda ka keeno inaan tukado, waxa kale ee soo raacaa waa wixii aan ugu diyaargaroobayay sida waysada oo kale, sidaas oo kale haddii aan rabo inaan wax qabto wax walba waxaa ka horeeya rabitaanka markaa haddii aan rabitaankii jirin waxba lama qaban karo”. Ayaa uu yidhi Guddoomiyuhu, waxaana isaga oo faahfaahinaya musuqa masuuliyiinta yidhi “ waxaanu arkaynaa mas’uuliyiin shaadh iyo Surwaal iyo koodh iyaga oo xidhan soo galay shaqada haddana maanta lagu xamanayo inay hanti badan leeyihiin, hadalka soomaaliduna waa uu iska badan yahay laakiin kolley dareenkaasi wuu jiraa” ayuu yidhi Muj. Axmed Muxumed Madar, guddoomiyaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland oo waraysiga uu siiyey weriye Feysal Maxamed Cabdi (Fadh-fadhle) oo ah soo saaraha barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee Universal TV uu Wargeyska Hubaal qayb kamid ah halkan idiinku soo gudbiyey.