Baqdaad (Hubaal-W/wararka)- Waxaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ku geeriyooday Axmed Al-Jalabi oo ka mid ahaa raggii sanadkii 2003-dii Ciidamada Dowladda Mareykanka kusoo hogaamiyay qabsashada dalka Ciraaq.
Axmed Al-Jalabi oo 70 sano jir ahaa ayaa waxaa uu ku dhintay gurigiisa oo ku yaallay magaalada Baqdaad, kadib markii la sida la sheegay uu soo wajahay xanuun xagga Wadnaha ah.
Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Shiicada ee dalka Ciraaq ayaa iyaguna xaqiijiyay geerida Ninkaasi, waxayna sheegeen inuu ku geeriyooday gurigiisa oo kuyaalla Xaafadda Al-Kaadimiya ee ku taalla Waqooyiga magaalada Baqdaad.
Axmed Al-Jalabi ayaa waxa uu ahaa hogaamiyaha Urur lagu magacaabo Golaha Qaranka ee dalka Ciraaq, isagoo sidoo kale ka tirsanaa Baarlamaanka Nidaamka Shiicada ee dalkaasi. Xilligii uu dalka Ciraaq ka talinayay Maamulkii Bacsiga ahaa ee Saddaam Xuseen waxa uu Al-Jalabi ka mid ahaa Siyaasiyiinta Ciraaqiyiinta ee Nidaamkaas kasoo horjeeday, waxaana uu ka baxsaday dalka Ciraaq, kadibna waxa uu saldhigtay dalka Urdun.
Bartamihii sanadkii 2003-dii xilligii Mareykanku ay qabsadeen dalka Ciraaq waxa uu ka mid noqday siyaasiyiinta Ciraaqiyiinta ah ee sida weyn ula shaqeynayay Ciidamada Mareykanka, laakiin muddo kadib waxa uu isaga tagay masraxa siyaasadda, kadib markii uu khilaaf uu soo kala dhax galay isaga iyo Saraakiisha kale ee ciidamada soo duulay la shaqeynayay.