Garoowe (Hubaal)– La-taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Axmed Cabdi Xaabsade oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, ayaa ka hadlay ka gooshadiisa Somaliland oo uu ilaa toddobadii sanno ee u dambeeyeyba ku sugnaa.
Xaabsade oo magaalada Garoowe ay ku soo dhaweeyeen siyaasiyiin iyo kooxo dadweyne ahi duleedkeeda ku soo dhaweeyeen, kadibna isla markiiba la kulmay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas oo u diyaariyey munaasibad soo dhawayn ah, ayaa sheegay in sababta uu uga goostay Somaliland tahay codsi uu ka helay madxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Puntland, isagoo ku dooday inuu ka talax-gabay shaqadii uu ka hayey Somaliland, una tagay Putland si uu wax ugu qabto.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku soo noqdo Putland oo aan hore aasaaskeeda wax ugu lahaa in door ahna aan ka maqnaa, haatanna aan u imi in aan dib wax uga dhiso oo aan ka hawlgalo, waanan idinku ballanqaadayaa in aan ka qaybgalayo, arrintaa madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ayaa lahaa oo iga codsaday in aan u imaado oo aan la shaqeeyo markii aan ka soo talax-gabay Somaliland oo aan wax la qabtay, laakiin, hadda aan ka jeclaaday in aan taydii asalka ahayd wax ka qabto. Markaa dhibaato ma jirto, gurigaygii, xafiiskaygii iyo dadkaygii ayaan u imi oo aan hamuun u qabo, aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi Axmed Xaabsade oo ka hadlayey xafladda loo sameeyey soo dhawayntiisa.
Dhinaca kale, Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa sheegay in Xaabsade dib ugu soo laabtay gurigiisa hooyo ee rasmiga ahaa oo uu kala shaqayn doono dib-u-dhiska iyo midnimada maamulkiisa, waxaannu yidhi, “Axmed Xaabsade waanu ku faraxsanahay imaantikaaga, inaad gurigaagii hooyo, degaankaagii dhabta ahaa iyo hoygaagii runta ahaa inaad noogu timaado, gurigaagii baa ku yaal, ehelkaagii baa jooga. Axmed waa oday nagu soo biiray oo taladiisa, aqoontiisa iyo khibradiisa siyaasadeed intuba wanaag bay u tahay Puntland, waxaanna rajaynayaa in dib-u-dhiska iyo midnimada Puntland oo siyaasadda dawladda kow ka ahayd in isaga iyo odayaashii kale ee noo yimi ay u yihiin bud-dhigayaashii runta ahaa ee isu-soo-celinta iyo midnimada Puntland.”
Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo xilalka wasiirrada Warfaafinta iyo Hawlaha Guud ee Somaliland ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee hadda jirta, markii ugu dambaysayna ku magacownaa La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, ayey noqonaysaa markii labaad ee uu ka goosto Somaliland kuna biiro maamulka Puntland oo uu hore xilal uga soo qabtay