“Maanta Ma Wada Hadlaan Isimmadii Puntland Dhisay Mana Wada Sheekaystaan Taasna Waxaa Sabab U Ah…”--Axmed Cabdi Xaabsade
Hargeysa (Hubaal) – La-taliyihii hore ee madaxweyne siilaanyo ee dhinaca Doorashooyinka Md Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay xaaladda maamulka uu isu dhiibay ee Puntland, waxana uu si weyn uga dayriyey Heerka uu maanta maamulkaasi marayo. Xaabsade oo ka Hadlayey shir lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay inay daciiftay awooddii maamulka Puntland, isla-markaana ay gaadhay meeshii ugu hoosaysay,“Maalintii Puntland la dhisay, Hawiye waa baqanayey, Isaaq Waa Baqanayey, Maantase Hoodh la iska saari maayo, wixii sharci ahaa ee la sameeyey iyo wixii la isku darsaday midna ma yaalaan, waana laga tegay, ciidamona ma jiraan oo Gobolladii baa wada qaatay, saakana ciidan qaran oo aynu ku tashanaa garowe wax tari karaa ma jiraan.” Ayuu yidhi Mudane Xaabsade. Xaabsade oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in xataa ciddii dhismaha maamulka Puntland ka qayb qaadatay haatan gaadheen heer aanay wada Hadlin, waxana uu yidhi,“Isimadii puntland maalintaas dhisay maanta ma wada hadlaan, mana wada sheekaystaan, taasina waxa ay keentay kala fogaansho, waxana sabab u ah maamulladii dhismay,” Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa hadalkan kasoo yeedhay noqonayaa kii ugu adkaa ee uu maamulka uu dhawaan isu dhiibay ka sheego, waxana uu hoggaankiisa ku guubaabiyey inay tabashada taagan wax ka qabtaan. Axmed Cabdi Xaabsade oo Xilal Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirroba iskugu jira Kasoo qabtay Somaliland, ayaa dhawaan ka cadhooday markii xilkii Wasiirka Hawlaha Guud laga qaaday, waxana uu Maamulka Garowe u doontay Xil, balse Madaxweyne Gaas, ayaa ka reebay Liiskiisa Wasiirrada.