“Doorashada waxa tartamayey Cadbiraxmaan Cirro oo kaligii kursigiiga kooto ku xidhay, iyo kursigii ku-xigeenka oo ilaa toddoba xubnood ku tartameen, waxana ay ahayd ku shubasho cad oo uu guddoomiyuhu sameeyey” Axmed Muumin Seed.
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed, ayaa si cadho leh uga dareen celiyey caddaalad-darro baahsan oo ka qabsatay shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, waxana uu tilmaamay inaanu ilaawi doonin wixii halkaas lagaga sameeyey.
Axmed Muumin Seed oo markii uu doorashadii murrashax-ku-xigeenka dibada uga soo baxay warbaahinta la hadlay, ayaa ugu horrayn shaaca ka qaaday inuu kamid ahaa xubnihii aasaasay xisbiga WADDANI, balse loogu abaal guday dhacdooyin aanu liqi Karin.
Guddoomiye Seed waxa uu Murrashax Cirro ku dhaliilay inuu labada kursi ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka kala jeclaystay, isla-markaana uu kiisa diiday in lagu tartamo, Aniga iyo cabdiraxmaan ayaa nasiib u helnay inaanu aasaasno oo magaca waddani iyo astaanta samayno maanta doorashadani waxa tartamayey Cadbiraxmaan Cirro oo kaligii kursigiiga kooto ku xidhay, iyo kursigii ku-xigeenka oo ilaa toddoba xubnood ku tartameen.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, aya waxa uu yidhi “Anigu gudoomiye kuxigeenkii baan ahay kaygii public buu ka dhigay kiisiina kootuu ku xidhay, maantan halkan waxa ka dhacay caddaaldarro, markii cirro loo codeeyo anigu inaan ku xigo ayey ahayd waxana ay ahayd ku shubasho cad oo uu guddoomiyuhu sameeyey”.
Axmed Muumin Seed waxa uu caddeeyey in xubnihii golaha dhexe tiradoodii laga been abuuray, isla-markaana, isla-markaana xubno aan hore xisbiga ugu jirin oo dano gaar ah laga lahaa laga buuxiyey, “Xubnaha golaha dhexe ee fadhiyey sax ma ahayn xalay waxa la qoray178- qof oo sharco darro ah, midda kale waxa caddaaldarro ah in guddoomiyaha marka loo codeeyo anigii aan ku xigi waayey.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Mudane Seed waxa uu ka hadlay go’aanka uu ka qaadan doono caddaal-darrada uu tirsanayo, waxana uu sheegay in talo badan kadib dhawaan uu meesha uu mawqifkiisa dhigi doono, “Mustaqbalkayga waxan u mahadcelinayaa taageerayaashayda waxana aan u sheegayaa inaan la tashan doonaa markaa kadib baan sheegi doonaa masiirkayga siyaasadeed halkaan ku aamini doono.”